Guddumiyaha Hay’ada Shaqalaha Somaliland Oo Ka war Bixiyey Kulan Uu La Yeshay Hormuudka Jamacad Ethopia

0
644

Gudoomiyaha Haay’adda Shaqaalaha dawlada Sharmaake Geelle oo ka warbixiyey kulan ay la yeesheen Hormuudka Jaamacada Shaqaalaha Dawlada Ethiopia iyo Shaqaalaha Somaliland ee dalkaas wax ka barta

“Wuxuu ahaa safar daaran xoojinta xidhiidhka labada jaamacadood iyo xaal iyo xog waraysiga shaqaalaha qaranka u maqan” Gudoomiye Geelle Addis Ababa) Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawlada Mud.

Sharmaake Geelle oo ay weheliyaan Agaasimaha Machadka Tababarka Shaqaalaha dawlada Guleed Hagoog iyo saraakiiil sare oo ka socota machadka tababarka shaqaalaha dawlada Somaliland ayaa kulan ku aadan adkaynta xidhiidhka deeqda waxbarasho ee ka dhaxaysa Machadka tababarka shaqaalaha dawlada Somaliland CSI iyo Jaamacada tababarka shaqaalaha dawlada Ethiopia ECSU ku yeeshay
caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa Kulankan oo uu ka warbixiyey Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawlada Somaliland Mud.

 

Sharmaake Geelle ayaa xusay in uu ahaa mid guul ku soo dhamaaday isla markaana sheegay in hurmuudka jaamacada Ethiopia Civil Service University Prof. Fikre Dessalegn uu si xushmad le u qaabilay isla markaana ay isla qaateen qorshayaal hufan oo horumar le.

Sidoo kale waxaa isla habeenimadii kulan balaadhan waftigu ku marti qaadeen shaqaalaha dawlada ee wax ka barta jaamacada tababarka shaqaalaha dawlada ee Ethiopia halkaas oo ay ku kala xog iyo xasuus wadaageen isla markaana dardaaran iyo dardar galin ku kala qaateen Safarkan oo daarnaa xoojinta xidhiidhka labada jaamacadood iyo xaal waraysiga shaqaalaha waxbarashada ku maqan ayaa sida gudoomiyuhu xusay ku soo idlaaday rajo iyo hogol u curatay shaqaalaha dawlada Somaliland