Gudida Nabad-galyada Caasimada Oo Kulan Balaadhan Yeeshay

0
426

Gudida Nabad-galyada Caasimada Oo Kulan Balaadhan Yeeshay
gudida nabada

gudida nabada1

gudida nabada2
Hargeysa(warsugannews)-Gudida Nabad-galyada Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa xarunta Dawlada Hoose ee Hargeysa kuyeeshay kulan biloodkoodii caadiga ahaa ee ay isugu iman jireen bishiiba hal mar kaasi oo ay kaga arinsan jireen isla markaasna ay kaga hadli jireen hawlihii u qabsoomay iyo qorshayaashii baaqday ee bishii tagtay iyo sidoo kale xaalada guud ee Caasimada iyo deegaanada ay xukuntaba

Kulankan oo ka qabsoomay Hoolka shirarka ee Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa waxa kasoo qayb-galay Maayarka Caasimada Mudane C/raxmaan Maxamuud Caydiid ,Xoghayaha fulinta ee Dawlada Hoose ee Hargeysa Md. Ibraahim Axmed Raabi, Agaasimaha Nabadgalyada iyo Badbaada ee Caasimada Md.C/qaadir Cumar Xaashi, Hogaanka Hawlgalinta ee Ciidanka Booliska Somaliland Md.Maxamuud Ducaale,Iyo Qaar kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee ka Hargeysa iyo Madaxda Gudiyada Nabad-galyada ee Degmooyinka Caasimada Hargeysa

Madashan oo ahayd mid kulansiisay dhamaan Gudida Nabad-galyada Caasimada ayaa waxa ugu horeyn warbixin dheer madasha kasoojeediyey Agaasimaha Nabadgalyada iyo Badbaada ee Caasimada Md.C/qaadir Cumar Xaashi Isagoo isla markaasina ka xog waramay xog waramay xalaada guud ee nabadgalyada caasimada iyo sidoo kale waxyaabihii u qabsoomay intii xafiiskoodani jiray, Isagoo isla markaasi umahadnaqay gudiyada nabadgalyada Xaafadaha Hargeysa oo uu agaasimuhu xusay inay sidii loo baahnaa uga soo baxaan xilkooda islamarkaasina ay amaan iyo bogaadin ku mudan yihiin si ay ugu sii dhiiradaan hawshaas baaxada leh ee ay qaranka u hayaan,
Dhinaca kale Agaasimahu waxa uu sidoo kale u mahadnaqay Maayarka iyo Maayar kuxigeenka iyo sidoo kale Xogahayaha fulinta dawlada hoose ee Hargeysa, Oo uu sheegay inay si weyn uga hawlgaleen in sidii wax looa qaban lahaa adkaynta Nabadgalyada Caasimada iyo horumarinta dhinacyada kale ee arimaha bulshada

Sidoo Kale waxa iyana madashan hadalo kooban kasoojeediyey , Hogaanka Hawlgalinta ee Ciidanka Booliska Somaliland Md.Maxamuud Ducaale,Iyo Qaar kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee ka Hargeysa iyo Madaxda Gudiyada Nabad-galyada ee Degmooyinka Caasimada Hargeysa kuwaaso dhamaantood isku raacay in loo midoobo sidii kor loogu sii qaadi lahaa adkaynta amaanka Caasimada oo hada meel wanaagsan maraaya.

Ugu Danbayntiina waxa kulankan soo gabagabeeyey Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa Ahna Maayarka Caasimada Mudane C/raxmaan Maxamuud Caydiid, Isagoo isla markaasina ka waramay muhiima ay leedahay in la iska kaashado adkaynta nabad-galyada Caasimada iyo sidoo kale xilka iyo waajibaadka saaran Gudidan Nabad-galyada Caasimada isagoo ku amaanay Gudidan sida xilkaska ah ee ay uga soo baxaan Masuuliyada ay Caasimada iyo gud ahaan Qarankaba u ahayaan isagoo maayarku gabagabadii Shirkani usoo jeediyey Xubnihii kasoo qayb-galay kulanka inay sii labanlaabaan dadaalka iyo shaqada ay u hayaan Caasimada oo uu xusay inay muhiim u nahay amaanka magaalada iyo guud ahaan dalba isagoo isla markaasina dhankooda balan qaaday ka maamul ahaan inay kordhin doonaan wadashaynta gudida iyo iskaashigoodaba si loo sii dardargaliyo hawlaha shaqo ee dhinaca horumarinta Amniga Caasimada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here