Gudidii uu madaxweynuhu u saaray abaaraha iyo waftigiii ka socday dawlada imaaraadka carabta ayaa si wada jira u shaaciyey in si dhakhsaa loo bilaabi doona wajigii labaad ee taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

0
521
????????????????????????????????????

Gudidii uu madaxweynuhu u saaray abaaraha iyo waftigiii ka socday dawlada imaaraadka carabta ayaa si wada jira u shaaciyey in si dhakhsaa loo bilaabi doona wajigii labaad ee taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil saylici oo ah gudoomiyaha gudida uu madaxweynaha Somaliland u saaray abaaraha sameeyey gobolada dalka qaarka mida iyo weftigii imaaraadka carabta oo uu hogaaminaayey Jumca khamiis oo dhawaan dalka u yimid baaqa abaaraha, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta qasriga madaxtooyada waxa ay si wada jira shaaca uga qaadeen in la bilaabi doono qaybinta wixii taakulo ah ee loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee gobolada galbeedka iyo waqooyiga dalka.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Jumca khamiis oo hogaaminayey waftiga ka socday wadanka imaaraadka carabta gaar ahaan hay”adda khayriga ah ee al khaliifa foundation ayaa sheegay inuu sooo diray madaxweynaha dawlada imaaraadka carabta khaliifa binu saayid al nahyaan.

Si ay u soo indha indheeyaan xaalada abaaraha iyo saamaynta ay dadka ku yeelatay masuulkani ayaa ugu horayn u mahadnaqay madaxweynaha Jsl Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madaxweyne ku xigeenka jsl Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil saylici
Sida wanaagsan ee ay dalka ugu soo dhaweeyeen, Jumca khamiis ayaa sida oo kale sheegay in ay soo kormeereen meelo ka mida dhulka ay abaaruhu saamayeen halkaasi oo ay ku soo arkeen saamaynta xun ee ay abaaruhu ku yeesheen deeganadaasi , waxaanu si rasmiya u shaaciyey in si dhakhsaa dadkaasi taakulo loola gaadhi doono hadii illaahay yidhaahdo iyaga oo iska kaashanaya gudida abaaraha u xilsaaran
Madaxweyne ku xigeenka jsl Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil saylici oo ah gudoomiyaha gudida loo xilsaaray abaaraha ayaaa sheegay in ay si wayn u soo dhaweynayaan waftigani ka socda dawlada imaaraadka carabta ee sida dhakhsaha ah uga soo jawaabay baaqii madaxweynaha qaranka.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Baaqii madaxweynuhu u diray beesha caalamka kaas oo ahaa in la taakuleeyo dadka ay abaaruhu saameyeen, madaxweyne ku xigeenka ayaa ka dhawaajiyey in sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabi doono qaybinta gargaarka loo qorsheeyey dadka ay baaruhu wax yeeleeyeen
Waxa kale oo u sheegay in loo kala horaysiin doono qaybinta gargaarka sida loo kala daran yahay ee abaartu u kala saamaysay dadka iyo xoolahaba.
Gobolada galbeedka iyo waqooyiga dalka ee abaartu saamaysay ayaa waxa hore gargaarkii ugu horeeyey gaadhsiisay xukuumada Somaliland iyadoo u sii marisay Gudida abaaraha oo iyana ku sii wareejiyey gudoomiyeyaasha gobolada abaartu ka jirto.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Ka dibna waxa dalka soo gaadhay weftigan ka socda Imaaraadka carabta oo baaqii madaxweynuhu diray ka soo jawaabay wefti balaadhan u soo diray dalka, weftigaasi oo uu soo dhaweeyey wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta oo isagu mudooyinkii u danbeeyey ka shaqaysiiyey xafiiskii uu ku lahaa imaaraadka xidhiidh wanaagsana u bilowday isaga iyo dawlada imaaraadka carabta weftiyadii kala duwanaa ee dalka soo gaadhayna uu kaga hortagaayey garoonka diyaaradaha ee cigaal International Airport.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Wa-bilaahi tawfiiq

Warsugannews
Somaliland/Hargeysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here