Gudoomiyaha Guurtida Md Saleebaan oo ka hadlay Xaalada Xisbiga kulmiye iyo Wareejinta Haamaha Shidaalka oo uu ka gaabsaday

0
353

Gudoomiyaha Guurtida Md Saleebaan oo ka hadlay Xaalada Xisbiga kulmiye iyo Wareejinta Haamaha Shidaalka oo uu ka gaabsaday

Hargeysa (Warsugannews):- Guddoomiyaha Guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay Xaalka Dalka somaliland iyo Biyo Yaraan laga Soo sheegayo Deegaanada Qaar,waxaana uu Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Ku dagaalamaya Deegaanka Qorilay isaga uu u soo jeediyay in Ay nabada ilaaliyaan.

waxa uu ka hadlay loolanka Adaga ee Ka taagan Musharax-nimada Xisbiga Kulmiye oo Xalaal ku sheegay in shirkaha golaha dhex lagu kala Calaf qaado,isaga oo ka Gaabsaday inuu wax Faah-faahina Ka bixiyo Sida loo wareejiyay Haamaha Shidaalka Ee Bebera.

Geesta kale Saleebaan ayaa ka shekeeyay Qaabka ay Kuraasta ugu Banayn Karaan Dhalinyarada Somaliland isaga oo Cadeeyay inaanay uga Kacayn ilaa Ay ka Riixdaan waxaana uu yidhi.

“Wadanku Waa wanaagsan yahay ilaahay mahadii ayaynu joognaa,meelo ayaa laga soo sheegayaa Roob yari ayaa laga soo sheegayaa lakiin waa bilaw,waa inoo da’i doonaa wax dhibaato ah oon dalka arkaa majiro,Colaada Ka taagan Barigan waxaan Odhan lahaa ilaahay ha Qaboojiyo Oo Nabad Halaga wada shaqeeyo dhamaantood Sidii la iskugu soo dhawayn lahaa beelaha wada daga ee xurguftu Dhex martay.

Intaas wax auu ku daray Saleebaan Maxamuud Aadan Guddoomiyaha Guurtida somaliland oo Hadalkiisa Siiwata waxaana uu yidhi.”Anigu Golaha Dhexe ee kulmiye mayihi,lakiin waxaan leeyahay wanaag uunbay ugu dhamaan doontaa,nina way iska Dooran Doonaan.

Saleebaan isaga oo lasii hadlaya Nimanka Loolanka adag ugu jira in ay Majaraha Mar uun u qabtaan Kulmiye ayaa waxa uu yidhi.”Loolanku waa Xaq Loomana Diidana Sidaas ayuunbaa Ninka Sax Ah lagu helaa,Mana Diidani Anigu in Ay loolamaan Iyagu,Aakhirkana Nin uunbaa Ka soo dhex Bixi Kaasna waanu ugu Ducayn.

Guddoomiyaha ayaa loolanka Kulmiye ka dhex Curtay Iyo musharaxiinta Tirada Badan ee iska Soo daba Dhacaya ku sheegay mid Xaq ah oo Loo baahan yahay in kii rooni reerka u hadho,lana yimaado garoonka lagu kala bixi doono ee golaha dhex,isaga oo rajo wacan ka muujiyay Shirkooda.

Geesta kale Salaabeen Maxamuud Aadan Ayaa ka dhawaajiyay Sababta Keentay in Odayaal Dadoodu wayn tahay ay xilalkii dhalinyarada hayaan iyo sababta keentay isaga Siilaanyo iyo Ciro xilalka ay Hayaan Dhalinyarta ugu Banayn Wayeen ayaa waxa uu yidhi.

“Dhalinyaradu Marka Ay diyaar Noqdaan Kursiga Lays Kagama Kacee way ka Riixdaan,Markaas marka ay Naga Riixdaan wuu banaanaan Doonaan oo waa la Sugi doonaa Marka ay naga Riixdaan.ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Dhinaca kale waxa uu ka gaabsaday inuu wax faah-faahina ka bixiyo Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo Xukuumadu Doonayso in ay Shirkado Gaar ah ku wareejiso in ay Sharci tahay iyo inaanay Ahayn Taas oo uu dhagaha Ka furaystay inuu Jawaabteeda Shacabka u Bayaamiyo.

“Waxba Arintaas ka odhan mayo adeer waxa ay u talaa Xukuumada Iyada Ayaana ku shuqul Leh,iyada waydiiya.ayuu yidhi Saleebaan

warsugannews
warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here