Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Cambaareeyey Qaraxyadii Lala Beegsaday Maasjidka Nabiga SCW + Hambalyo Uu U Diray Muslimiinta Caalamka

0
283

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Cambaareeyey Qaraxyadii Lala Beegsaday Maasjidka Nabiga SCW + Hambalyo Uu U Diray Muslimiinta Caalamka

Hargeysa(Warsugannews)-Gudoomiyaha Haayada Waxbarashada Diinta iyo Qaban –qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab ) Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi Nuur ayaa waxa uu cod dheer ku Cambaareeyey Qaraxyadii lala beegsaday Masaajidka Barakaysan ee Nabiga SCW ee Madiina isagoo sidoo kalena Hambalyo u direy Bulshada Reer Somaliland iyo Guud ahaanba Muslimiinta Caalamka Munaasibada Ciidul Fidrida awgeed ,

Gudoomiyuhu isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi”Anigoo ku Hadlaaya Magacayga iyo ka Haayada Waxbarashada Diinta iyo Qaban –qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab ) waxa aan hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa dhamaanba Shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba umadda Islaamka ahi meel kasta oo ay joogaanba munaasibada Ciidal Fidrida awgeed,Ciid Mubaarak,Ciidal Caafiya,Kullu Caam,Wa Antum,Bil Khayr. waxaa sida oo kale uu Illaahay uga baryeyaa dhamaanba shacabka reer Somaliland in ay Sanadka,Sanadkiisa ay bash-bash,barwaaqo iyo caafimaad qab ay ku gaadhaan,Inta Xanuunsanaysa ee jiiftana uu Illaahay uga baryeyaa in uu Xanuunka ka dulqaado,Caafimaadna siiyo,Sida oo kalena intii dhimatayna Alleh u danbi dhaafo una naxariisto.

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab ayaa sidoo kale waxa uu cod dheer ku cambaareeyey qaraxyadii lala beegsaday Masaajidka Barakaysan ee Nabigeenii Muxamed SCW kaas isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi

“Waxa aan halkan ka cambaaraynayaa falkii foosha xumaa ee ka dhacay masaajidka Nabiga SCW agtiisa kaas oo lagu bartilmaameedsaday masaajidka oo la rabay in la qarxiyo hadaba waxa aan aad u cambaaraynayaa falkaas,Aniga oo sidoo kale usoo jeedinaaya meel kasta oo muslimiinta caalamka ka joogaanba inay mid ka ahaadaan sidii loo dabar jari lahaa, Anigoo si gaar ahna baaq ugu diraaya Shacabka iyo Xukuumadeenuba inay mawqif cad oo midaysan ka yeeshaan dad diinta ku gabanaaya ee falalkaas xunxun fulinaaya taas oo aan leeyey waa in Xukuumadeenu Siyaasad cad ka yeelato bulshadana usoo bandhigto,Sidoo kale waxa aan Xukuumada ugu baaqayaa inay bulshada ku hogaamiso mad-habkoodii shaaficiga ahaa iyo Caqiidadoodii wanaagsanayd ee ka saafiga ahayd xagjirnimadan keenaysa inuu qof ku kaco falalkaas xunxun”