Gudoomiyaha Wadani Cirro Oo Faro Dhaman Iyo Xarago Kula Dul Kufay Bukaanka Yaala Isbitaalka Borama+Uujeedada Safarkiisa Borama Iyo Waji Gabaxi Uu Kala Kulmay Shacabka Reer Awdal

0
496

Gudoomiyaha Wadani Cirro Oo Faro Dhaman Iyo Xarago Kula Dul Kufay Bukaanka Yaala Isbitaalka Borama+Uujeedada Safarkiisa Borama Iyo Waji Gabaxi Uu Kala Kulmay Shacabka Reer Awdal.

Borama(Warsugannews) Gudoomiyaha Xisbiga Wadani A/raxmaan Cirro Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Ayaa Socdaal aan Horey Loo Shaacin Ku Yimid Magaalada Borama Iyada Oo Masjid Jaamaca Borama Uu Kula Tukaday Shacabka Borama Ee Halkaasi Ku Gudanayey Salaadii Ciidal Fidrida.

Gudoomiye Cirro Iyo Wafti Uu Hogaaminayey Markii ay Soo Ogeen Salaadi Ciidal Fidrida ayaa Booqasho Lagu Hungoobay Ku Tageen Isbitaalka Borama Oo Halkaasi indhaha soo saaray bukaankii yaalay Goobtaasi Iyada Oo Haba Yaratee Masuuliyiinta Wadani ay Ku Fashilmeen In ay dadka ay booqanayaan gargaar Uu Fidiyaan.

Sidoo Kale Gudoomiye Cirro Iyo Waftigi Uu Hogaaminayey Waxa ay socod lug ah ay Ku Mareen suuqyada Borama Iyada Oo Halkaasi Ay Kala Kulmeen Waji gabax Kaga Yimid Shacabka Borama Oo Quus adag Ka Taagan Siyaasada Xisbiga Waddani Oo Tageerayaashiisii Uu Gobolka Awdal ay Ku Lahaayeen ay Ka Hululeen Xisbiga.

Gudoomiye Cirro Oo Fadhistay Goob ay Bulshada Borama ay Ku shaaheeyaan Oo Ku Taal Badhtamaha Borama ayaa Ilo Wareedyo Lagu Kalsoon Yahay ay sheegeen In Shacabka Lagu Baryayey In ay Salamaan Gudoomiyaha Oo ay Shacabka Borama Ayna Danaynayn Imaatinkiisa.

Socdaalka Gudoomiye Cirro Iyo Waftiga Uu hogaaminayo Borama ay Ku Timaadeen ilaa Hada Lama Garanayo Uujeedada Uu Daran Yahay Balse wararka Qaar ayaa sheegaya In Uu Olole Balaadhan Uu Ugu Jiro Sidii Uu Dib Ugu Soo Ceshalahaayeen Tageeradii Uu Ku lahaa Gobolka Awdal Oo Mudooyinkii Uu danbayey Xisbiga ay Shacabku ka soo horjeesteen.

Gudoomiye Cirro Socdaalkiisa Borama waxa Kale Oo Lagu Sheegay In Lagu Xaliyo Khilaaf Uu Dhaxeeya Isaga Iyo Ku xigeenkiisa Koowaad Oo Dibada Uu Soo Baxay Isla Markaana Salka Ku Haya Musharaxnimada Jagada Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Wadani.

Khilaafka La Sheegay In Uu Ka dhex istaarmay Gudoomiyaha Waddani Iyo Ku Xigeenkiisa Ayaa Malmihii Uu danbayey Ay si weyn uu falanqaynayeen Warbaahinta Madaxa Banaan Ee Ka Hawlgasha Somaliland Balse Waxa Laga Dhur Sugi Doona Halka Uu Ku Danbeeyo Khilaafkaasi Soo If baxay.

Si Kastaba ahaate Socdaalka Borama Uu Ku Yimid Gudoomiye Cirro ayaa shacabka Reer Awdal aan Samayn Uu samayn Iyada Oo Xisbiga Waddani Uu Tageerada Ugu Badan Uu Ku Lahaa Gobolka Awdal ayaa Wakhti Xadirkan aan Jirin Ka dib Markii Uu Xisbigu Si Cadaalada Ka Bahsan Uu Gobolka Kula Kacay oo Xisbigu Bishii Ramadaan ay Kooban qabteen Ayaa Haba Yaratee Xisbiga Waddani Uu qaban Koob Uu Ku dhiirigeliyo Dhalinyarada G.Awdal.

By.Eng.Mahamed Hassan (Sharbi Yare)

Borama/Awdal.