Gudoomiyaha XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE Oo TACSI U DIRAY Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable)

0
380

Gudoomiyaha XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE Oo TACSI U DIRAY Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable)

TACSI GUDDOOMIYE
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, bahda dhaqanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariisteeMarxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable)oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa Caawo oo ay taariikhdu tahay 13/01/2017.
Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable)waxa uu ahaa oday taariikh fac wayn ku lahaa Jamhuuriyadda Somaliland oo door ballaadhan ka soo qaatay halgankii dalka, nabadayntii, dhismihii dalwadnimada iyo horumarkii waddanku soo maray. Waxaannu Guddoomiyuhu ku tilmaamay Marxuumka tiir culus oo ka baxay qaranka.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkaba Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.Aamiin….Aamiin….Aamiin.