Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Oo Shaaca Ka Qaday Arin Cusub Oo Distoorka Somaliland Mamnuucayo Oo Musharaxiinta Tartamayaa Moogan Yihiin.

0
316

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Oo Shaaca Ka Qaday Arin Cusub Oo Distoorka Somaliland Mamnuucayo Oo Musharaxiinta Tartamayaa Moogan Yihiin.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa ka hadlay saamaynta ay yeelan karo in dhammaanba murrashixiinta axaabta qaranka ugu tartamaysa jagada madaxtinimadu ay haystaan Baasaboorro ajaanib ah, xilli distoorka dalku uu mamnuucayo inuu madaxweyne isu sharraxo qof haysta dhalasho ama Baasaboor aan midka Somaliland ahayni.
Guddoomiye Faysal oo sida labada murrashax ee kale haysta Baasaboor ajaanib ah, gaar ahaan dalka Finland, ayaa xusay inaan Somaliland la ictiraafsanay, isla-markaana marka laga tago dhalashada waddanka Finland uu yahay uun qof Soomaali ah, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “anigu laba jinsiyadood baan haystaa oo Baasaboorka aan ku socdaalaa waa ka Finland, kii Somaliland-na ilaa hadda lama ictiraafsana, maadaama oo aan la ictiraafinna inaan Soomaali ahay uun baa la I garanayaa.”
Isaga oo ka jawaabayey su’aalo ay weydiisay idaacadda VOA-du oo la xidhiidhay sida uu qof laba dhalasho haysta oo haddana doonaya inuu madaxweyne waddan ka noqdaa daacad ugu noqon karo labadii dal ee uu dhalashadooda haystay, ayuu shaaciyey inuu hore uga noqday dhashadiisa xilliyadii uu madaxtinimada dalka u tartamayey,”hadba ka aad joogtid ee aad xil u haysid waa inaad daacad u noqotaa, markaan Finland joogayna NGO baan lahaa aanu u samaysanay inaanu xuquuqdayada helno, markaana daacad baan u ahaa sharciyadeeda iyo xeerarkeeda, markaan xaggan usoo guurayna Baasaboorka Somaliland waxa uu qorayaa qofku hadduu madaxweyne noqonayo waa inuu jinsiyadda Somaliland oo kali ah haystaa, labadii goor ee hore ee aan tartamayna waan ka tanaasulay dhalashadaydii Finland, laakiin sharciga Finland baa aad u fiican oo wuxuu ku odhanayaa markaad dhalashada ka tanaasusho intaanay saddex bilood gaadhin dib baad u dalban kartaa, markii aan ogaaday inaan kursigii waayeyna dib baan u dalbaday” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Faysal waxa uu shaaca ka qaaday inuu ka noqonayo ama ka tanaasulayo dhalashada ama Baasaboorka uu ka haysto waddanka Finland, isla-markaana haddii uu hoggaanka dalka ku guulaysto uu qodobkaas beddeli doono, maadaama sida uu aaminsan yahay madaxweynihii xilligii distoorka la samaynayey joogay ugu talo galay inuu cid gaar ah iskaga reebo, waxana uu yidhi”Imika anigu waan ka tanaasulayaa dhalashadayda Finland, inkasta oo haddii aan madaxweyne noqdo aan sharcigaas beddeli doono, waayo qodobkaas waxa loo sameeyey madaxweynihii wakhtigaas uunbaa qof gaar u diidanaa inuu la tartamo’e may ahayn mid faa’iidadeeda iyo khasaaraheeda la eegay.”
Dhammaanba saddexda murrashax ee haatan u tartamaysa madaxtinimada dalka, ayaa haysta Baasaboorro ajaanib ah, waxana distoorka Somaliland sheegayaa in aanu qof dhalasho waddan kale haystaa isu sharrixi Karin madaxtinimada waddanka.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa isagu haysta dhalashada waddanka Ingiriiska oo uu wax kusoo bartay, balse ma jiro meel uu ku caddeeyey inuu kaga noqday dhalashadiisii Ingiriiska si uu u dabaqo qodobka distooriga ah ee loo baahan yahay in loo hoggaansamo.