Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Md.Axmed Mu’min Seed Oo Kullamo Siyaasadeed Ka Bilaabay Gobolka Awdal.‏

0
318

Boorama-(warsugannews)-Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga mucaaradka WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed oo ku sugan maalmihii u danbeeyay Magaalada Boorama ayaa shalay Galabtii shir albaabadu u xidhanyihin la yeeshay Qaar ka mid ah siyaasiin ruug cadaa ah oo isku Hayb yihiin,Shirkan oo ay saxaafadu dibad joog ka ahayd ayaa BooramaOnline waxaa u suuragashay inay xawraanto ujeedka kullankaas oo tuhuno iyo shiki weyn ku abuuray Mas’uuliyiinta Gobolka Awdal iyo degmada Boorama.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ka agdhawaa goobta uu shirkaasi ka dhacayay oo ahayd Qasriga Gudoomiye Seed ku leeyahay Magaalada Boorama ayaa BooramaOnline u sheegay inay jirtay arrimo xasaasi ah oo ku aadanaa sidii loo xoojin lahaa taageerada ka beel ahaan ay u ahayaan Xisbiga WADDANI oo ay sheegeen inuu yahay xisbiga isbadal doonka barri oo loo baahanyahay sidii la isku garab taagi lahaa waxa ayna Gudoomiye Seed u sheegeen in ay taageero hiil iyo hooba la garab taagan yihiin isaga iyo xisbiga uu ka tirsan yahay hogaankiisa sare dhawaana ay shaacin doonaan ku biiristooda Xisbigan.

Sidoo kale Gudoomiye Seed ayaa la sheegay inuu waji wanaagsan ku qaabilay siyaasiyiintan is badalka doonka ahaa ee ay kulmeen.

Dhanka kale Siyaasiyiinta tiradooda oo lagu sheegay kudhawaad 7 Qof ayaa ka mid ah qaarkood rag ay bulshada Gobolada Galbeedka Somaliland Saamayn Xoogan ku leh waxaana La Filayaa in ay Hawlaha Xisbiga ee Gobolada Galbeedka oo haatan meel fiican taagan inay halkaas ka sii wadaan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha hawlaha Siyaasadeed ee Uu Gudoomiye Seed Ka Wado Gobolka Awdal gaar ahaan Degmada Boorama Kala Soco BooramaOnline/

C/rashiid C/laahi Cumar

Boorama-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here