Gudoomiye Muuse Biixi oo Tacsi u diray Shacbiga iyo Qoyskii uu ka baxay Cumar Saalax

0
410

Xisbiga KULMIYE
Xisbiga Midnimada Iyo Horumarka JSL

March 31, 2016
Ujeeddo: Tacsi
Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna
murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu tacsi
tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka
geerida ku timi Marxuum Cumar Cabdi Xasan (Cumar Saalax) oo ku
geeriyooday dalka Hindiya xalay 31/03/2016).
Marxuum Cumar Cabdi Xasan (Cumar Saalax) waxa uu ahaa ciyaartoy caan ku
ahaa kubadda cagta, isla markaana qiimo wayn ku dhex lahaa bulshada reer
Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, isagoo markii dambena ka mid ahaa
sarkaashiisa sarsare ee shirkadda SOMCABLE.
Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu
jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, asxaabta iyo
shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE