Hablaha Degmada Tower Hamlet oo Xaflad Balaadhan ku Qaabilay Xillibaan Aamina Cali +Sawiro

0
592

Hablaha Degmada Tower Hamlet oo Xaflad Balaadhan ku Qaabilay Xillibaan Aamina Cali

London(Warsugannews)Xaflad si heersare ah loo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen hablaha Tower Hamlet,ayaa ujeedadeedu ahayd sidii ay

Hablaha Degmada Tower Hamlet oo Xaflad Balaadhan ku Qaabilay Xillibaan Aamina Cali.

Xillibaan Aamina Cali oo ka tirsan Golaha Deegaanka Tower Hamlet, ayaa Habeenkii Sabtida oo Taariikhdu ahayd 28/11/2015,waxa Xaflad balaadhan u sameeyay Hablaha Reer Somaliland ee Kunool Degmada Tower Hamlet.

Xaflad si heersare ah loo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen hablaha Tower Hamlet,ayaa ujeedadeedu ahayd sidii ay ugu mahadnaqi lahaayeen Xilibaan Aamina Cali oo kaalin weyn ka gaysatay,aqoonsigii ay dhawaan Somaliland ka heshay Degmada Tower Hamlet.

Xillibaan Aamina Cali ayaa badhtamihii sanadkan hadda dhamaadka ah ee 2015 waxa ay bilawday in ay golaha Deegaanka ee ay ka tirsan ee Tower Hamlet ku qanciso,sidii ay u aqoonsan lahaayeen Jamhuuriyadda Somaliland,iyada oo ay Talaabadan oo kale Hore u sameeyeen

Magaalooyinka Sheffield iyo Cardiff.

Haddaba Xafladdan ay u qabteen Hablaha Tower Hamlet Xillibaan Amina Cali ayaa ahayd mid isugu jirtay Abaal marin,Dhiiri galin iyo Taageero,ay u muujinayaan Hablaha Jaaliyadda reer Somaliland ee East London.

Gabo gabadiina Xillibaan Aamina Cali ayaa siweyn ugu mahad naqday Hablaha Tower Hamlet,waxana ay Bulshada Reer Somaliland ee East London ku amaantay sida wanaagsan ee ay u taageereen halganka balaadhan ee ay ugu jiraan Ictiraafka Somaliland,waxana ay ku dardaartay,in ay sii xoojiyaan Wada jir kooda iyo isku Duubnidooda.
1(682).jpg

2(624).JPG

3(594).JPG

4(554).JPG

5(491).JPG

6(443).JPG

7(373).JPG

8(346).JPG

9(288).JPG

10(291).JPG

11(326).JPG

13(199).JPG

14(170).JPG

15(163).JPG

16(138).JPG

20(96).JPG

ckake.JPG

Xagga Hore (1).JPG