telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Hablaha Waxbartey Miyaa Laga Takooraa Shaqooyinka Dalkeena?

Hablaha Waxbartey Miyaa Laga Takooraa Shaqooyinka Dalkeena?

Inan shaqaalaha ka mida ayaan adeeg weydiistey, waxaanu ii tilmaayey inan kale oo dabaqa sare ka shaqeynayey. Dabaqii sare ayaan fuuley, waxaanan ku arkay

Kal hore ayaan maalin adeeg u doontay xafiis Hargeisa ku yaala oo ay leedahay mid ka mid ah shirkadaha tilifoonada. Markaan galay waxan arkey ilaa 20 shaqaale ah, oo u adeegaya ilaa 40 macmiil ah. 40 ka macmiisha ah ee meesha taagnaa waa rag iyo dumar isku jira. Balse, 20 ka shaqaalaha ah ee adeegayey, wada rag ayay ahaayeen. Waxan isweydiiyey, tolow maxey sidan wax uugu dhacdey? Waxa an gaar ahaan isweydiiyey, maxaa ganacsigan u ogolaadey in dumar yimaadaan oo ay macmiil noqdaan, balse u diidey, in dumarku muraayadda dhinaceeda kale ka maraan oo ay adeegayaal noqdaan.

Inan shaqaalaha ka mida ayaan adeeg weydiistey, waxaanu ii tilmaayey inan kale oo dabaqa sare ka shaqeynayey. Dabaqii sare ayaan fuuley, waxaanan ku arkay, tiro intii leeg oo rag iyo dumar leh, oo macmiil ah, iyo tiro intii ku dhow oo shaqaale ah oo wada rag ah. Laba maalmood oo kale ayaan isla shirkaddaa adeeg uuga baahdey oo an tegey xafiisyo ay ku leedahay meelo kale oo magaalada ah. Sawir kii hore mid la mid ah ayuunbaan meelahaana ku arkey. Rag uunbaa shirkadaa ka shaaqeynaya oo dumarba kuma jiraan shaqaalaha, inkastoo ay macmiishu dumar iyo ragba yihiin. Adeegii an uuga baahdey, intii goor ee aan booqdeyba, si wanaagsan ayaa la iigu qabtey. Shirkadani waxa ay ka mid tahay shirkadaha waaweyn ee dalka ka jira. Waxa kale oo ay ka mid tahay shirkadaha shaqo geliyey tiro aad u badan oo wiilasha wax bartay ah. Waa shirkad qeyb weyn ka qaadatey kobcinta dhaqaalaha dalka markii hore iyo iminkaba.

Isaga oo yaabkaasi igu taaganyahay, ayaan maalmo ka dib tegey shirkad kale oo ka mida kuwa dalka uugu weyn oo xawaalad ah. Sawirka meesha ka muuqdaa waa kii maalintii hore an arkey mid la mid ah. Xafiisyadeedu waxa ay u eekaayeen naadi rag ku kulmaan. Wax dumar ah kumaan arag shirkaadda xawaaladda ee an booqdey, maan sheegin haddaaney meel kale ku qarsooneyn qaar.

Shirkaddaha tilifoonada iyo xawaaladuhu dumarka waa la heshiis marka ay ganacsi noqoto. Waa macmeeshooda uugu weyn ee lacagtooda lagu shaqeeyo. Shirkaduhu iyagaa dumarka iyo raga u yeedha oo xayeysiiska meel kasta ka sheega si adeegooda loo isticmaalo. Dumarka la’aantood shaqadoodu ama wey istaagayaan, ama wax weyn ayaa ka dhacaya. Haddaa maxaa shirkadahan ka qaldan? Aragtideydani waa sanad ka hor waaney dhici kartaa in mudadii sanadkaa aheyd ee ka danbeysey wax is bedeleen. sawirka noocan ihi kuma eeka uun tusaalahan an soo qaatey, balse waa mid ku baahsan shirkadaha dalka ka dhisan ha noqoto mid qalab dhisme ka ganacsata ama ha noqoto mid raashi ka ganacsatee.

Saddexdii sanadood ee u danbeeyey waxa madaxweynuhu darajooyin siiyey saraakiil badan oo ciidanka ah oo dadku aad uugu farxay. Nasiib darro kumey jirin wax dumar ihi. Waa laga yaabaa markaad qoraalkeygan akhriyeyso inaan hadalkeygan u aragto inu yara degdegayo. Balse, degdeg maaha ee waa xaqiiq. Haddii dumarku askar noqdeen oo ay weliba askar wanaagsan noqdeen oo aan muran ka joogin, miyaaney noqon karin saraakiil. Takale, ciidanku dagaal uun kama shaqeeyo ee waxa jira qeybo badan oo ciidanka ah oo maamul iyo hawlo kale lagu shaqeeyo. Miyaaney dumarku noqon karin saraakiil ka shaqeysa waaxda socdaalka (immigration), ama nabadsugidda. Maxaa marka ay shaqo hoose hayaan sida askarinimo caadi ka dhigey, marka madaxtinimo laga hadlayana la yaabka ka dhigey.

Intan ogahay, ma jirto gabadh agaasime guud ah. Waxa ad moodaa iney distoorka ku taalo inu nin uun agaasime guud noqdo oo aaney gabadhi malaha noqon karin. Bal horta inta aan la faaleyn, waxa ka horeysa, ma lagu eegey. Imisa shaqo oo madaxtinimo ayaa dumarka lagu eegey oo ay ka soo bixi waayeen? Waa midna! Balse iyaga oon cidiba ku eegin ayaa marka talo halkaa soo gaadho faalo la wada gelayaa. Faaladana dumarka ay khuseysaa kuma jiraan, ee rag ayaa sii faaleynaya oo ka sii talinaya waxa ay dumarku qaldi doonaan.

Hey’adaha caalamiga ah ee dalka ka hawl galaa qeyb weyn ayay ka qaateen horumarinta iyo shaqo gelinta hablaha. Muran kama jiro iney aad kor uuga qaadeen xagga shaqo gelinta waayo sharcigooda ayaa ah iney shaqaaluhu kala badh ay dumar noqdaan. Xiligii shaqooyinka kale ee dalka ay raggu isku koobeen, hey’aduhu waxa ay ahayaan isha keli ah ee u furan hablaha, inkastoo ay mararka qaarkood iyaga laftooda wareerkooda lahaayeen oo waxa marar badan sawir qaldani ka soo bixi jirey barnaamijyada dhiirigelinta dumarka ee ay wadaan, oo dadka qaar u fasiri jireen ajende shisheeye oo malaha dhaqanka lagu bedelayo. Hey’adaha qaar ayaan iyaga oon iska soo shaandheyn oon ku soo fadhiisin dhaqanka la iman jirey mashaariic dumarka wax loogu qabanayo, taaso marar keeni jirtey hadalo ka dhan ah mashaariicda hey’adaha iyo hablaha guud ahaanba. Hey’adaha ka soo jeeda dalalka Carabto ama kuwa wadaniga ah ee dhaqaalaha ka hela Carabta, iyagu shaqo siinta habluhu kama muuqato. Shaqooyinkooda waxa ay ku koobaan uun, dad soocan oo ah rag ay xusheen, balse qofka caadiga ah ee suuqa jooga si dhibyar shaqo uugama helo.

Maalin dhaweyd ayaan ka qeyb galay Bandhigga Buugaagta oo ka jirey Hotel Guled. Waxan fadhiistey kursi safka hore ah. Nasiib wanaag waxa soo gashay Marwada koowaad, marwo Amina Weris iyo marwo Raaqiya Xaaji Ducaale oo ah gabadh taariikhda ku suntan oo ahaan jirtey Wasiirka ku Xigeenka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaliya xiligii dawladdii hore.

Labada marwo waxa ay ka warameen halgankii ay habluhu u soo mareen iney iskuulo galaan oo ay wax bartaan. Waxa kale oo ay labada marwo ka warameen sida ay uuga go’antahay iney taageeraan tacliinta hablaha iyo shaqadaba. Wejiga marwada koowaad waxa iiga muuqdey xamaasad badan iyo iney arinkaa daacad ka tahay, oo ay hablaha la jeceshahay iney guuleystaan iyo iney inta itaalkooda ah u halgami donaan in hablaha dalkani guuleystaan oo aaney marin dhibaatadii ay iyagu ka soo mareen tacliinta 50 sanadood ka hor. Intii hadalka labada marwo socday, sacab badan ayaa u dhacayey oo ay tumayeen dad u riyaaqsan hadaladaa meesha laga sheegey. Waxan isweydiiyey, tolow hey’adaha dawladda sida wasaaradaha iyo shirkadaha gaarka ah ma la qabaan hadalkaa marwooyinku ku hadleen.

Dhibaatadan dumarka iyo shaqooyinka sharafta leh kala heysataa ma wax inagu cusub baa, mise hore ayay u soo jirtey? Berigii hore, dadka badankiisu miyiga ayay ku noolaayeen, dhaqaaluhuna uu iska liitey. Markaa dadka iskuulada galaa wey yaraayeen. Xiligii horena waxa inta badan wax lagu soo baran jirey islkuulada hoyga ah (boarding schools) si markaa caruurtu u hesho meel ay seexato iyo wax ay cunaan. Ha iska tiro yaraadeene, hadana hablaha ay u suuro gasho iney wax bartaan, mujtamucu uu soo dhaweyn jirey oo si dhakhso ah ayay uuga muuqan jireen goobaha tacliinta, maamulka iyo hoggaaminkaba. Inan wax baratey oo wax hoggaamineysa cuqdad lagama qabin. Raggii xiligii hore, hablaha waxbartey wey u ogalayeen sadkooda, xilna waa loo dhiibi jirey. Hablihii u horeeyey ee iskuulada galay ee wax bartey haddaad dib u raacdo, kuligood waxa ay wada noqdeen dad nolosha iyo shaqadaba ku najaxay.

Bal eeg Adna Adan iyo halka ay maanta joogto iyo halka ay ka gaadhey Soomaliya iyo hey’adaha caalimaga ah ba. Bal Raaqiya Xaaji Ducaale eeg. Bal Marwo Amina Weris eeg. Bal Amina Basbaas (AHUN) taariikhdeeda dib u raac, Deeqa Colujoog wax qabadkeedii aqooneed wax maka ogtahay, Professor Aamina Xaaji Yaaxeen warkeeda doon. Luul Adam (AHUN), Hablaha Ilma Meykal Mariano. Raaqiya Omaar caalamka ayay wax la qeybsatey. Hablihii danbe ee ay ka mid tahay Sacdiya Muse waa tusaale aqoonta ehel u ah. Hablahaa an sheegey iyo asxaabtoodii kale ee badneydba waxa ay ahaayeen muunad mujtamucu eegto. Mid kasta goonideed ayaa guulaheeda buugaag looga qori karaa. Mid kasta oo heshey fursad shaqo xagga kale ayay uuga baxdey.

Manta ayaynu ka aqoon badanahay xiliyadii hore oo ay inoo soo baxeen kumanaan gabdho ah oo wax bartey. Haddaa maxaa dib inoo wada ee aynu hablaha u siin weyney fursado shaqo oo sharaf leh. Waa su’aal u baahan in jawaabteeda si cilmiyeysan loo baadho. Jawaabta u weyn se, iyada waa la garanayaa. Marka ay dheefta meel taala yartahay, waxa loo kala hor boobaa sida loo kala xoogweynyahay. Kaasi waa sharciga xayawaanka u dhigan oo aynu inaba ka midka nahay. Neef xoolo ah haddii habar dugaag dilaan, libaaxa ayaa qeybta u weyn cuna, markaasaa xayawaanka kalena wixii uu ka tegey midba wax ka boobaa, ugu danbeyntana shinbiraha ayaa feenfeenta lafaha. Markii dalka la soo galay shaqooyinka dalka yaaley aad ayay u yaraayeen waxaana qaatey rag. Shirkadaha dalka ka dhismeyna waxa ay intooda badani shaqaaleyn jireen, dhalinyaro rag ah oo ahlu diin ah oo ay hantidooda ku aaminaan. Maadama shaqooyinkii dawladda iyo kuwii ganacsiga ay rag miidhani qaateen, dumarku waxa ay u beydheen meelo kale oo aanu raggu xilligaa ku soo donaneyn ama raggu ay ka khashaafayeen.

Arintii sidaa aheyd ee ay sababta u aheyd shaqo yaridii berigaa dalka ka jirtay, waxa ay iminka u eegtahay iney noqotey distoor iyo sharci ay dad badani si muuqata ugu daadifeeyaan xuquuqda hablaha. Shaqooyinka dalkii yaalla oo yar iyo dadkii shaqodoonka ahaa oo tiro batay awgeed ayaa keeney in wax lakala riixdo. Taasi waa wax la garan karo haddii habalaha loo garaabo. Balse kala riixashadii sida aheyd ayaa waxa ad maqleysaa dadka qaar dhibaatadan qiil u sameynaya. Qaar waxa ay u dhigaan, sidiiyoo shaqada hablaha iyo dhaqankeenu is diidanyihiin. Qaarkood meel kale ayay u riixaan oo diinta ama wax diinta u eeg ayay ku sheegaan. Qaar waxa ay ku doodayaan in shaqooyinka maanta jiraa aaney dumar ku habooneyn oo wareer iyo is xagxagasho badani ay ka jirto goobaha shaqada. Inta buugaagtii beri hore meel la iska dhigey ee boodhku fuulay oo dhan la soo qaadey, oo boodhka laga tumey ayaa waxa laga dhex raadinayaa qiil kasta oo ku qornaa oo dumarka lagu riixi karo.

Qolyaha dooda ka dhigta dhaqanka Soomalida iyo iney habluhu guryaha ku eekadaan, ayaan marar ka fikiraa iney kelmadan dhaqanka maqleen uun, balse aaney arag meel dhaqan yaalo. Waxa fiicneyd in la yidhaa orda oo banka tuuyo ama Qadowga iyo Alla Ibadey taga, ama Ceelka Ceynabo asbuuc soo jooga, oo soo eega hawsha ay habluha iyo dumarku hayaan. Dumar guri fadhiya oo caruur uun koriyaa dhaqankeena weligeed hore uumey jirin iminkana ma jiraan. Gabadh kastaa iyada oo caruurta korisa oo ilmeheedii xanbaarsan, ayay waaberiga illaa cishaa’iga shaqeyneysaa. Waxa ay ka shaqeyneysaana maaha guriga ee xoolaha ayay ka shaqeyneysaa oo xaabadda ayay doonaan, beeraha ayay ka shaqeeyaan, oo dhaanka ayay wadaan, gurigey dhisaan. Afkuun baa dadka qaarkii ka qabsadee, ma jiro qof arkey dumar guryaha fadhiya oo inta halkaa lagu masruufo loogu soo rawaxo.

Dadka ku dooda dumarku guryaha ha fadhiyaan, waxay u muuqdaan inaaney la socon halka dalku marayo. Sanadihii 1991 illa 2001, waddankeena 90% bariiska guryaha lagu cuno dumar ayaa soo shaqeyn jirey waayo raggu shaqo mey heyn. Iminkadan la joogo, waxan odhan kara kala badh waxa reeraha loo kariyo dumar ayaa soo shaqeeya, ama ha noqdeen qaar dalka ka shaqeeya ama ha noqdeen kuwa barafka yurub ka soo shaqeeya ee reerohooda biilka u soo dira. Tiro rubuc malyuun caruur ah ku dhow oo badhkood hablo yihiin ayaa iskuulada iyo jaamacadaha dhigta. U maleyn mayo inuu jiro aabo iyo hooyo maanta ku tabcaya wiil ama gabadh ay dhaleen oo iskuul iyo jaamacad kula dedaalaya oo ay niyadda kaga jirto marka ay inantaadu dhameysato tacliinta, gurigeeda ha fadhido. Kuwan sidan u doodaya ayaa naftooda hoos kala shawraya oon hubaa inaan in badani ku talo gelin iney hablohoodu guryaha u dhex fadhiyaan.

Aragtida ah in dumarku jilicsanyihiin oo looga naxayo shaqada ama aaney ragga is barbar dhigi karin xagga shaqada, waa dood aad u weyd ah. Isbitaalka Adna wuxu ku jiraa meelaha uugu maamulka wanaagsan dalka. Yaa maamula? Edna waxa ay maamushaa rag iyo dumar nooc kasta leh oo qaarkood wasiiro ahaayeen, qaarkood dhakhtaro yihiin oo intuba rumeysan iney tahay hoggamiye wanaagsan. Waa ayo ninka ragga ah ee maamuli karaa 3 nin oo jaadle ah? Bal ina Gaafane eeg! waxa ay maamushaa waxa nin jaadle ah ee daadsan min Dirdhaba illaa Jigjiga iyo Hargeisa, ilaa Burco ilaa Badhan iyo Hadaaftimo, oo hadana ay shaqadeedu intaa u socotaa.

Diinteena iyo shareecadu waa waxa ina haga, waana muqadas mana gasho muran iyo inu qofba sida ay la tahay u fasirto. Balse waxa waajib ah, inaan loo adeegsan hab tafaariiq ah oo dan gaar ah lagu fushado. Ganacsiga ama wasaaradda dumarka u yeedhey, oo xafiiskoodii uugu yeedhey, oo miiska u dhigtey, oo dumarka saf soo geliyey, oo si farxad leh nin inta uu dumarka u soo hor fadhiisto lacagta kaga qaadayo, oo uu rasiidhka u goynayo oo uu isaga oo faraxsan nabadgelyo ku leeyahay, maxaa xaaraan ama sharci daro ka dhigaya iney inantu miiska dhiniciisa kale soo fadhiisato, oo ay iyadu lacag qabato, oo ay ninka iyo gabadhaba rasiidhka u jarto. Markey bishu dhamaatana mushahar xalaal ah ka qaadato oo ay kaga farxiso dhowrkeeda caruurta ah ee iskuulada u dhigta. Maxaa in dumarka lacagta laga qaado sharci ka dhigey ee iney iyadu lacagta qaadana sharci daro ka dhigey.

Dumarka cawska ku iibinaya seyladda ee digada adhiga dhex fadhiya arki meysid cid diidan ama dood ka qabta shaqadooda. Caana diiqda caanaha kala soo lugeysa miyiga ee magaalada keenta weligeedna cidi dood kamey keenin. Islaanta dhididsan ee beerka ku dubeysa istaanka basaska cidi kama doodo shaqadeeda la iskumana diidana. Dumarka gooladda jigjiga yar jaadka ku iibinaya ee qiiqa basaska iyo iskurogooyinku ku dhacayaan maalin oo dhan cidi kama hadasho doodna lagama galo. Balse, mar allaale iyo marka gabadh waxa baratey oo iyada oo qurux badan oo asturan ay madaxa la soo kacdo oo ay damacdo iney shaqo sharaf leh qabato ama lala damco, ayaa dadka qaarkii hadal ka Keenan ama faaleeyaan.

Diblomaasi Sucuudi ah oo an kal hore wada casheyney ayaa iigaa sheekeeyey sida dalkiisu uugu hawlanyahay sameynta isbedel bulsho iyo dhaqaale si ay uuga nabadgalaan kacdoonka ka socda bariga dhexe. Waxa uu si gaar ah u xusey iney ku hawlan yihiin in sharciyada dabraya xoriyadda dumarka ay fududeynayaan. Waxa ay iminka ogolaadeen in dumarku shaqeeyaan, waxaaney ku guda jiraan iney sharciyo badan bedelaan oo ay ka mid tahay iney dumarku si xor ah u dhoofi karaan iyo iney baabuurta Wadi karaan. Kaftankii ayaa waxa an ku idhi, 100 sanadood ayaad dalka ku heyseen qeynuun dumarka ku adag oo doodiinu aheyd inu shareecada waafaqsanyahay. Hadaba ma markii hore ayaa waxan ad ku dhaqmeyseen aanu shareeco aheyn, mise shareecadii ayaad iminka ka guureysaan. Uu qosley. Qosolkiisiina waxa an u fasirtey inu u jeedo, tey doonto ha noqotee, xaqiiqda jirtaa ah inaanu Sucuudiga dumarka sidii hore uula macaamili karin. Hoggankii Sucuudiga waxa ay maanta u taagantahay “wax bedel intaan adiga lagu bedelin”

3-da Wasiir ee Marwo Samsam iyo marwo Shukri Xaaji Bandare iyo Shukri Xariir waxa dhici karta inad wasiirnimo uun ku baratey, balse taariikhdooda ay wax kaa maqanyihiin. Saddexduba iyaga oon Wasiiro aheyn ayay shakhsi ahaantooda bulshada hormarkeeda safka hore kaga jireen. Saddexdaba waxa an la shaqeeyey mudooyin kala duwan oo u dhexeysey 1992 illa 2000 kii. Rag in yar ayaa mari jirtey dhulka ay mareen ama ay ka shaqeyn jireen. Iminka oo ay wasiiro yihiina, rag badan ayay cidlo kaga tageen. Hablahaa an sheegey miyaaney shirkado maamuli karin haddey adeegsadaan dadkii aqoonta lahaa. Miyeynaan ogeyn iney jiraan kumanaan hablo iyo dumar ah oo kale oo ama carmal ah, ama ragba aan laheyn oo shaqeysta oo dhidikooda cuna.

Waxa dhici karta inad rumeysantahay in dadka wax bartey ee aqoonta lihi ay u furfuranyihiin shaqo siinta hablaha wax bartey, oo kuwa aan aqoonta laheyn ee dhaqanka ku adagi ka soo horjeedaan. Haddad ainga oo kale aheyd oo ad sida rumeysneyd, aad ayaad u qaldantahay. Bal maalin ka lugee baatroolka Cajab oo suuqa sii dhex mar illaa ad ka gaadho dawladda hoose. Waxa ad arkeysaa kumanaan rag iyo dumar ah oo is dhex socda, qaar is dhex fadhiyaan oo ganacsanaya. Qaar jaad ayay iibinayaan, qaar khudrad, qaar sariflayaal, qaar hoodheydh ayay iibinayaa, qaar kutub iyo tusbaxyo ayay iibinayaa, qaar dalaayad yar ayay shaah ku hoos iibinayaan. Cidi isma eegeyso ee nin iyo gabadh kastaa waxa ay meesha u fadhidaa iney 50,000 oo LAAN aha meesha ka hesho si masaariifta beri looga dhigto. Ragga iyo dumarka sariflayaasha ah ee dhinac fadhiya dukaanka Daarasalaam haddii ad sheekadan an ka hadlayo ee shaqo siinta hablaha wax ka weydiiso, kuma fahmayaan. Ma nin ama gabadh bacadkaa fadhida ayaa fahmi karta habluhu miyey shaqeeyaan mise guriga ayay joogaan. Adigaagan weydiinaya ayay nin waalan kuu qaadan. Noloshoodaba raga iyo dumar bacadkaa ayey uugu soo gashay uuguna dhamaaneysaa.

Sheekooyinkan dumarka in la riixa waxa ay ka dhex socotaa dad kooban oo intooda badan yihiin dad waxbartay, u badan dad da’da dhexe ah iyo dhalinyaro badankoodu ay soo korisey hooyo aan guri lagu soo dhex masruufin ee u soo dhididey. Waa dadkii ay aheyd iney la qiiroodaan duruuftii hooyadood ku soo korisey oo ay hablaha la qiiroodaan oo ay u heeliyaan. Waa kuwa rumeysan in inanta wax baratey ama shaqeysaa ay dhaqanka iyo diinta ka fogaaneyso balse gabadha jaadleyda ah caadiga u heysta. Shaqada dhibka badan iyo ta duliga ah, dumarka wey la ogolyihiin. Marka ay timaaddo fursad dumarku hore uugu marayaanna, sharci kale ayay la soo baxaan. Dumarka mujtamaca waa ka badh, xaqna waxa ay u leeyihiin in dheeftana ay badhkooda helaan maadaama tacabka iyo dhibtaba ay ka badhyihiin.

Dhowr talo ayaan soo jeedin lahaa oo kala ah:

1. Dawladda manta dalka ka jirtaa waxa ay dhiirigelisay kor u qaadista tacliinta. Waxa dalka meel kasta laga furmey dugsiyo iyo jaamacado iyo machadyo wax lagu barto. Balse si ayaad u moodaa in marka ay timaado shaqo siinta dhalinyarada, gaar ahaan hablaha ay gaabis uuga tahay. Bilowgii wax wanaagsan ayaa laga arkey. Waana muhiim in dawladdu dedaalka kordhiso oo ay hablaha xilal muuqda oo sharaf leh u dhiibto. Hablo sharciga bartey ayaa jira oo garyaqaano sare noqon kara. Haddii laga tegi waayo waxa ay si fiican u noqon karaan karaan guddoomiyayaasha maxkamadaha arimaha qoyska oo ay iyagu ragga uuga faro dhuudhuubanyihiin. Qaar ayaa ah aqoonyahano dhakhtaro ah, ingineeraa jira, qaar xisaabaadka ku takhasusey oo agaasimaal guud noqon kara ayaa jira. Madaxtooyada lafteeda xilal ayay ka qaban karaan, oo la taliyayaasha madaxweynaha ee xagga qoyska iyo xagga caruurta ayay noqon karaan. Marka muddo la sii joogana, siyaasadda iyo hoggaminta ayay si mug leh uuga qeyb qaadan karaan.

2. Waxa darajo la siiyey saraakiil aad u badano oo cidanka ka tirsan, balse nasiib darro, dumar kumey jirin, waana fariin si qaldan u bixi karta oo hablaha uuga dhigi karta inaan gabadhi sarkaal ciidan noqon karin. Kuma doodayo maxaa saraakiisha kala badh looga dhigi waayey dumar. Taasi waa heer aan weli waayuhu ina gaadhsiin. Balse waxaas oo saraakiil ah miyaa la waayey hal gabadh korneyl noqota? Xabsiyada dalkeenu waxa ay leeyihiin qeybo dumar lagu xidho. Miyaan halkaaba loo magacaabi karin Taliyaha Hogganka Dumarka ee Xabsiyada Soomaaliland, illeyn dumarku iminkaba wey ka shaqeeyaan xabsiyada e.

4. Waa muhiim in shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo ganacsataduba ay shaqo geliyaan habalaha wax bartey. Taasi waxa ay kor u qaadeysaa horumarka dalka, dhaqaalaha wey kordhineysa, wada noolaashaha bulshadana kor ayay u qaadeysa. Marka uu dumarka dakhligoodu kordho, waxa korodha nafaqada caruurta, caruurta dugsiyada dhiganeysa ayaa badaneysa, waayo dumarka waxa soo galaa caruurta ayuu toos u galaa. Ka sakow waxtarka shaqo, waxa ay shirkadaha ka bixineysaa sawir waanagsan oo ka xijaabaya xumaan ka sheega iyo si qaldan wax u fasirka.

5. Shrikadaha isgaadhsiinta iyo shirkadaha xawaaladaha waajib gaar ah ayaa saaran. Waxa ay si toos ah uugu xidhanyihiin bulshada, waana halka uugu badan ee la macaamisha hablaha iyo dumarka guud ahaanba. Iyaga waa ku qasab iney dib u eegaan siyaasadooda shaqo qorista. Haddii laga tegi waayo, waa muhiim iney marka hore sameeyaan adeegyo dumarka u gaar ah oo meesha 10 daaqadood ku yaalan ugu yaraan ay 4 u qoondeeyaan dumarka.

6. Gabdhuha eedda waxbey ku leeyihiin. Kuwoodii fursadda heley ama madax dawladeed noqdey, iyaga uunbaa isku filnaadey. Waa muhiim in intooda fursadda heshey is abaabulaan oo ay nooleeyaan rajada habalaha. Waa iney sameeyaan gudiyo la xisaabtama dawladda iyo ganacsatada oo ku qanciya shaqo siinta hablaha. Hablaha wasiirada ah waajib ayaa ka saaran in wasaaradaha ay mas’uulka ka yihiin xilal muuqda u dhiibaan dumar karti leh. Waa in hablaha hormoodka ihi ay la kulmaan wasaaradaha iyo hey’adaha oo ay qiimeeyaan sida ay dumarka u shaqo geliyaan, soona bandhigaan ajende ku saabsaan arintaa.

7. Wasaaradda Shaqadu firfircooni cusub ayaa ka muuqata. Waa muhiim inaan shaqadoodu ku eekaan dawladda un, ee ay xoogga saaraan hey’adaha iyo shirkada gaarka ah oo ah halka uugu ballaadhan ee shaqooyinka bixiya. Waa iney xidhiidh wada shaqeyn la yeeshaan wasaaradda ganacsiga oo liisamada ganacsiga lagu daro qodobo sharci ah oo ganacsadaha ku qasbaya inu dadka aqoonta leh dhiirigeliyo, wiilal iyo gabdhaba. Ganacsigii laga dareemo inu arintaa ku xad gudbayo, waa inaan loo cusbooneysiin Liisanka illa inta uu ka soo saxayo qaladka.

8. Dawladda iyo warbaahintu waa iney sameeyaan barnaamijyo la taaban karo oo lagu dhiirigelinayo wada noolashaha iyo wada shaqeynta rag iyo dumarba, si meesha ay uuga baxdo fikirada lidiga ku ah horumarinta habalaha wax baratey. Iyana waa muhiim in la hirgeliyo oo dadka la baro sharciga iyo nidaamka dawladnimo ee dalka u yaal, si looga baxo in laga doodo ama ra’yiyo kala duwan looga heysto sida dawladnimadu u shaqeyso. Waa muhiim in dadka laga dhaadhiciyo in si kasta oo ad fikir u heysato ama ad mabda’ u rumeysantahay, inu ka sareeyo sharciga iyo distoorka iyo xeerarka shaqaalaha ee dalka u yaala, kaasoo ah ka keliya ee la raacayo.

Alla Mahad Leh

Bile-Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com

576 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins