Hadii la,ii doorto xildhibaan 2 , da sano ee hore Waa in aan guri iyo gaadhi ku yeeshaa. !

0
433

Hadii la,ii doorto xildhibaan 2 , da sano ee hore Waa in aan guri iyo gaadhi ku yeeshaa. !!!!!!!!!

Inta uu xil dhibo isla markaana xil qaaday shacabka waxaa ka saran masuuliyad aad u culus, masuuliyadaas waa ay ka muuqataa marka uu xildhibaan kastaa olole doorosho ku jiro , waliba kaa darane habeen si fiican uma seexdo, waxaana u yaala shax qoran oo ah yaad manta la kulantaa, haday ahaan lahayd beesha uu ka soo jeedo ee uu codka ugu culus ka rabo.

Dhalinyaro, cuqaasha, culimada, aqoon yahanka, iyo hal doorka intaba waa in ay isku fiicnaadaan oo uu koox walba dhinaceeda ula xidhiidhaa, haday ahaan lahayd kulan jilibka laysu aasto iyo mid hudheelo laysku haa,saawiyo intaba.

Taa badalkeeda marka uu siidhiga doorashada uu dhaco ee doorasho cod loo dareero, xildhibaanka waxa uu dareemaa kaar aad u badan oo uu ka wer wero sanduuq hebel imisaad ka heli doontaa iyo magaalo heblaayo imisaad ka heli.

Marka ay soo idlaato doorashada cod bixinteedu waxa uu xildhibaanku dareemaa guux hoose iyo hadal hayno faro badan oo ka helaayo goob joogayaasha sanaadiiqda, ha ugu horayso xildhibaan hebel ayaa hogaaminaya sanduuqa iyo xildhibaanadaasina way ku xigaan.

Halkaa xildhibaanku waxa uu ka sawirtaa heerka cod ee uu kasban karo isagoo ku xisaabtamaya deegaanka iyo beesha uu ka soo jeedo ee halkaasi ku badan.

Dhinaca kale waxaa inoo caada ah in reer waliba uu isku da,yo in uu xildhibaan soo saaro, hadii aanu ka badsan ba, halka dadka qaar u arkaan ceeb in aanay xildhibaan lahayn ama aanay soo saarin .

Waxa dhacda doorashooyinka qaar in laba ama sadex ilmaadeer ahi ay is bar bar yaacaan oo ay iska sharaxaan hal deegaan beeshoodana ka wada doonaan in cod ka wada helaan iyaga oo aan isu tanaasulin.

Waxaynu maqalaa doorashooyinka qaar kuwaasi way isla dageen, intaasi ka dib waxa ay gudidii doorashadu si toos ah ugu dhawaaqaan xildhibaanada guulaystay haday ahaan lahaayeen , baarlamaan ama deegaan intaba.

Xildhibaanka hela darajada cod ee lagu fuulo kursiga isla markaana ku soo baxa doorashada, maalintaa waxay u tahay farxad iyo ala,laas dabaal deg iyo tellphonkiisa gacanta oo ku bato soo wicitaanku dibad iyo gudaba , ereyada uu isticmaalayo xildhaanka cusub wax ka mida (thank you) mahadsanid iyo aamiin oo aan u turjuman karno in qofka la soo hadlayaa uu ku leeyahay xildhibaanka ilaahay xilka ha kuu fududeeyo iyo aamiin.

Xildhibaanka markaasaa u baryaa wa, san , waxaana uu bilaabaa badhaadhe iyo casuumad uu ka helayo asxaabta ehelka iyo taageerayaashiisa, dadkuna magiciisa waxay ka horaysiiyaan kalmada ah xildhibaan hebel.

Mudadaas ka dib xildhibaanka waxa si( otumaatig) ah isu badala , hadalkiisa, labiskiisa iyo in aanu lu,gayn inta uu gaadhi ka helaayo , gaadhi maba waayo.

Waxa iyana soo yara raacda in ka yara gaabsado goobihii uu fadhiisan jiray iyo dadkii uu ku xidhnaan jiray ilayn hada waa xildhibaane.

Dhaarin ka dib xildhibaanku waxa uu si toos ah u bilaabaa shaqadii loo doortay, haday ahaan lahayd mid deegaan iyo mid baarlamaan, mudo intaanay gaadhin xildhibaanku waxa uu gacanta ku dhigaa gaadhi nooca raaxada ah oo aan aad u qaali ahayn, si uga maarmo isii tuurta gaadhi kale .

Dhinaca kale xildhibaanku waxa uu is badal ku sameeyaa guriga uu xaasku u dagan yahay , oo hadii uu kiro ahaa ku badalaa mid hanti ah mudo yar ka dib.

Waxa kaloo oo aad, aad ula yaabaysaa hadii ciyaalku markii hore ay u lugayn jireen schoolka( goobta wax barashada) hada waa in ay gaadhi lagu qaadaa, ciyaalkii ay sii wada lugayn jireena sidaa kaga hadhaan .kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

Akhriste waxa maqaalka igu kalifay in aan qalinka u qaato waa dhacdooyin ina soo maray oo aan ugub inagu ahayn , dhinaca la xisaabtanka xildhibaanada maba maqalno, manaynu ku arag war baahin,inta.

Laakiin waxa aynu maqalnaa xildhibaanada joogtada ah ee gole fulaan ayaa u yeedhay wasiir hebel ama masuul hebel si ay wax uga waydiiyaan wax qabadkiisa ama arin ku cusub wasaaradiisa.

Dhinaca kale ma maqalo badanaa xildhibaan ay la xisaabtameen dadkii uu soo doortay waxaaba suura gal in xildhibaanada qaar ay ugu danbaysay markii la doortay,dadkii soo doortayna iskuma howlaan la xisaabtankiisa iyo wax waydiintiisa intaba.

Waxa kaliya oo ku filan dadkaa soo doortay in shaa,shaadaha ka daawadaan xildhibaankoo suudh xidhan oo xaflad ama madal kale ka khudbadaynaya , isla markaana ay yihdaahdaan waa xildhibaan ka yagii aanu doorashadii dhowyd soo saarnay, balse kaymay fikirin wax qabadkiisii mudadii xilka loo saa dhaariyay .

Balse waxaa iska caadi ah in aynu aragno xildhibaano goobta la ga soo dooratay ku celiya gawaadhi(seeraf ah ama gaadiidka gurmadka( ambalaas).

Hadaba akhrisayaal yaanan idi daalin ee aan u soo gundo dago iidaanka maqaalkan, oo ay dulucdiisu tahay (la xisaabtanka xildhibaanada)

Hadii lay doorto xildhibaan 2da sano ee hore waa in aan ku yeeshaa guri ganjeel leh iyo gaadhi qaaliya.

Waa qalinkii m/faysal jamac xasan (Saudi arabai Dammam) tellphone: 00966540095481 Email:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here