Hal-doorka Beelaha Habar Yoonis Oo Hambalyeeyay Caleema-saarka Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin‏

0
501

Hal-doorka Beelaha Habar Yoonis Oo Hambalyeeyay Caleema-saarka Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin‏

Hargeysa(Warsugannews) Annaga oo ah cuqaasha, madax-dhaqameedka, dhallinyarada, waxgaradka, aqoonyahanka iyo odayaasha degaanka Gobolka Daadmadheedh, Bariga Hargeysa, Galbeedka Burco, Badhtamaha Sanaag iyo Koonfurta Saaxil (Habar Yoonis) waxa aanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin oo lagu caleema-saaray caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Waxa aanu Alle uga baryaynnaa in uu u fududeeyo xilkaa weyn ee ummaddeed.

Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin waxa aanu siinnay kalsooni buuxda, waxaanan filaynnaa in uu door weyn ka qaato horumarinta iyo isku-xidhka beesha iyo degaannadeeda, sidoo kalena uu kaalin laxaad leh ka qaato deris-wanaagga iyo xidhiidhka ay beeshu la leedahay beelaha ay ood-wadaagta iyo walaalaha yihiin ee reer Somaliland.

Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin oo hammigiisu yahay inuu dadka wax u taro, laakiin aan doonayn in uu maal iyo mansab ku helo xilka loo doortay. Waa nin ku habboon jagada loo xulay, isla markaana u diyaar u ah inuu ka shaqeeyo danaha Somaliland iyo ta beeshaba. Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin waa dayax cusub oo u dhashay dalka iyo dadkaba.

Ugu dambayntii waxa aanu cambaaraynaynaa dadkii isku deyay inay carqaladeeyaan munaasibaddii caleemo-saarka Suldaan Cabdiraxiin Saxardiid Kaahin iyo xadhigga loo geystay Suldaanka oo ah deelqaaf iyo gef badheedh oo aanu geyin. Waxaanu si adag ugu baaqaynnaa in suldaanka dhakhso loogu soo celiyo xorriyaddiisa.
Bayaanka waxa soo saaray
1. Boqor Jaamac Xuseen Cigaal
2. Suldaan Cali Daahir
3. Imaam Khadar Gaaxnuug Koosaar
4. Oday Cabdi Caarre Wacays
5. Oday Muxumed Cige Saalax (Cirro)
6. Axmed Nabadiid Xasan
7. Cabdiqani Ibraahin Cige
8. Caaqil Khadar Cali Faarax
9. Nabaddoon Tarrax
10. Deeq Xirsi Canbuur
11. Khadar Ibraahin Cige
12. Aadan Qoobay
13. Beddel Haybe Geelle
14. Cabdixakiin Xaaji Xuseen
15. Maxamed Cali Faarax
16. Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye
17. Xasan Axmed Xasan, Af-hayeenka dhallinyarada Talo iyo Tawfiiq
18. Sheekh Ibraahin Cabdi Maxamed
19. Sheekh Jamaal Xaaji Cabdi Xuseen
20. Muxiyaddiin Mahdi Cali
21. Cabdillaahi Habar-salaax
22. Geeddi Axmed Xirsi
23. Xariir Nuur Cabdulle
24. Siciid Maxamed Yuusuf
25. Cabdiraxmaan Aw Raalli
26. Qaasin Jaamac Nuur
27. Nuur Kaahin Muuse
28. Daahir Cabdi Maxamed
29. Sheekh Khadar Hindi Bootaan
30. Baaruud Kaahin Feyr
31. Deeq Kaahin Feyr
32. Mustafe Aadan Aw Faarax
33. Ismaaciil Axmed Kaahin
34. Maxamed Axmed Kaahin
35. Cabdillaahi Cawad Faarax
36. Khaliif Xaaji Jaamac Siciid
37. Xuseen Ducaale
38. Daahir Gabajiidh
39. Mahdi Maxamed Cabdi Kooshin
40. Cabdi Balayax Raage
41. Cumar Balayax Raage
42. Xamse Mustafe Maxamed
43. Ibraahin Cabdillaahi Nuur (Dhul-gariir)
44. Khadar Axmed Aw Aadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here