Halka maalintii ay hadda Hargeysa soo gaadhaan 9Million oo litir, dhamaadka mashruucan biyo balaadhinta kadib waxaa soo gaadhi doonna 20Million oo litir!

0
345

Halka maalintii ay hadda Hargeysa soo gaadhaan 9Million oo litir, dhamaadka mashruucan biyo balaadhinta kadib waxaa soo gaadhi doonna 20Million oo litir!
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Waxay ahayd maanta kadib markii Socdaal kormeer iyo dardar gelin ah uu Madaxweynaha JSL oo aan ku wehelinayno xubno kamida golaha Wasiirada, Mudanayaasha Guurtida iyo Wakiilada, Maayirka Caasimada Hargeysa , Maareeyaha Wakaalada Biyaha, masuuliyiin ka socotay Hay’addaha UN-ku aan ku tagnay Deegaanka Biyo Shiinaha Oo Ku Yaala Duleedka Waqooyi Ee Caasimada Hargeysa halkaas oo ay ka Socoto Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa.
Socdaalkan shaqo ayaa intii uu socday wuxuu Madaxweynuhu u kuur galay shaqada ka socota goobta iyo sida hawl-wadeenadu uugu hawlan yihiin in wakhti aan fogayn shacabka deggan Hargeysa ka baahi beelaan biyaha oo ah aasaaska nolosha.
Biyaha Hargeysa ayaa magaalada lasoo gaadhsiiyey 1974 halkaas oo laga soo qaaday Geed-deeble oo qiyaas ahaan 23Km u jirta Caasimada Hargeysa iyadoo qiyaastii markaa loogu talo-galay ahayd 150,000 ilaa 180,000 oo qof in ay ka cabbi karaan halka maanta shacabka deggan Hargeysa ku dhaw yihiin hal Malyan hadaanay kaba badnayn taasi oo aad uuga badan intii markaas loogu talo-galay. .
Sidoo kale beebabka “Pipes” biyaha kasoo qaada Geed-deeble ayaa noqday kuwo duugoobay oo intii biyo loogu tala-galay in ka yar u soo xambaari karaya magaalada.
Korodhka xawaaraha badan ku socda ee shacabka degan Caasimada Hargeysa iyo dayactir la’aanta wakhtiga badan soo jiitantay ayaa dhaxalsiisay magaalada in biyuhu ku yaraadaan ama ay wada gaadhiba waayaan.
Balse dedaal badan kadib xukuumada tallada haysa waxay ku guulaysatay in ay rajadii biyaha ee Caasimada dib u soo noolayso isla markaana la bilaabo in lasoo dhigo beebab cusub sidoo kalena ceelal cusub la qodo iyadoo lala kaashanayo cid walba oo taageero laga heli karo waxaana la rajaynayaa in halka maanta ay maalintii Hargeysa soo gaadhaan 9Million oo littir ay dhamaadka mashruucan biyo balaadhinta kadib soo gaadhi doonaan ku dhawaad 20million oo littir.
Waxaa bogaadin mudan cidwalba oo gacan caawimo ka gaysanaysa mashruuca biyo balaadhinta caasimada oo ay kamid yihiin dawlada Isu-tegga-Imaaraadka Carabta oo wadda mashruuca Xumbo-weyne, Midowga Yurub (EU), Germany, World Bank iyo Dawladaha ku bahoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee UK, Denmark, Norway iyo the Netherlands.
Talaabooyinka is daba yaala ee loo qorsheeyey biyo balaadhinta caasimada Hargeysa ayaa Insha Allah maalin dhaw ka dhigi doonta mid lagu baahi iyo ciil beelo!
Biyuhu waa baahida koobaad ee noolosha waana mudnaanta xukuumada.
Wa Bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here