Halkuu Gaadhsiiyey Wasiir Xaglatoosiye Wasaaraada Caafimaadka ?

0
383

Halkuu Gaadhsiiyey Wasiir Xaglatoosiye Wasaaraada Caafimaadka ?

Maanta waxaan daaha dadwaynaha jamuuriyada Somaliland idiinka qaadayaa. waxqabadka wasiirka dr saleebaan ciise { xagla toosiye} oo aan is odhan karo dad badan caad baa ka saaran

Wasiir xagla toosiye xiligii loo magacaabay wasaarada caafimaadka wuxuu wasaarada caafimaadka min sool ilaa dacal ugu korneeya ee galbeedka. uu horumariyey caafimaadkooga.

1. Wuxuu dajiyey siyaasadii wasaarada caafimaadka ee hagi lahayd hayada caawiya caafimaadka.

2. Wuxuu gobolka maroodi jeex ka hirgaliyey health centre taas oo culayskii ka qaadaysa cisbitaalka weyn ee hargeisa iyo

Si baahidii emergency ee ka dhacda xaafada caasimada hargeisa loogu gargaaro.

3. wuxuu dalka keenay dooni ampulace ah oo bukaha ku xanuunsada bada ama
bariga bulaxaar iyo tuulooyinka u dhowba ee abeesadu ku qaniinto loogu daweeyo cisbitaalka weyn ee berbera taas oo awal marka roobku da,o baabuurta ku adkayd oo ay bataaxa gali jireen in bukaha si deg deg ah u keenaan goobaha caafimaadka ee gobolada xeebta .

Waxqabadka mugta iyo miisanka leh ee wasiir xagla toosiye maaha mid maqaal iyo erayo midna aynu ku soo koobi karno

Hadaba Cashar iyo cadba waa la yaryareystaaye halkaas ayeynu manta ku joojineynaa

La soco,,,,,,,,

Qore: xaaji ismail mulkhiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here