Hambalyo ku socota Wasiirka cusub ee Wasaaarada Ganacsiga Somaliland

0
456

Hambalyo ku socota Wasiirka cusub ee Wasaaarada Ganacsiga Somaliland

London -Jaaliyadda gobolka Gebilay ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay na soo gaadhsiiyeen taageero mug leh iyo hambalyo ay u dirayaan Wasiirka Cusub ee Wasiirka GanacsigaSomaliland Mudane Xuseen Aadan Cige ( Eng Xuseen Dayr ).

Wasiir Xuseen Aadan Cige oo ah shakhsi u dhashay ragannimo iyo geesinnimo, ayaa waxa hore u ahaa Af-hayeenka Madaxtooyada. Intii uu hawshaa hayeyna waxa uu muujiyey hawl karnimo iyo maamul wanaag. Sidoo kale Mudane Eng Xuseen Dayr, waxa uu shaqada loo igmaday u leeyahay aqoon iyo karti. Waxana dadka aqoonta u lihi ay leeyihiin, ‘ Eng Xuseen Dayr waxa uu wax weyn ka beddeli doonaa Wasaaradda Ganacsiga Somaliland.

Jaaliyadda ay hambalyadu ka socoto waxa ay sidoo kale hambalyo taa la mid ah u gudbinaysa Madaxweyne Ahmed Siilaanyo oo hawshan u magacaabay Wasiirka.

Ugu danbayn waxa ay Jaaliyaddu kula dardaarmayaan Wasiir Xuseen Aadan Cige ( Eng Xuseen Dayr ) in uu muujiyo shaqo wanaag, caddaalad iyo wax qabad aan caadi ahayn.