Hamza Binladen oo lagu daray liiska argagixisada caalamka

0
398

Hamza bin Laden, oo ah wiilka Osama bin Laden, ayaa Maraykanka si rasmi ah waxa uu ugu daray liiska caalamka ee argagixisada. Hamza, oo hadda da’diisu dhowr iyo labaatan jir tahay ayaa loo magacaabay jagada aabihii uu ka banneeyay al-Qaeda sanadkii 2015, waxaana loo arkaa inuu badalo aabihiis.

Tan iyo markaas wuxuu ku baaqay in weerar lagu qaado magaalo madaxyada waddamada reer galbeedka.
Wasaarada arrimaha dibadda ee Maraykanaka ayaa sheegtay inay caalamka u sheegayso in “Hamza bin Laden uu qayb ka yahay argagixisada.”

Tallaabadan waxay ka hor istaagi doontaa inuu ganacsi la sameeyo shirkadaha Maraykanka ama uu guri ku yeesho Maraykanka.

Hamza ayaa ah wiilka hogaamiyihii hore ee Alqacida iyo Khairiah Sabar, oo ah mid ka mid ah xaasaskii Osama oo la qabtay markii lagu dilay aabihiis 2011-kii guri ku yaala Abbotabad ee Pakistan.

Hamza lama joogin aabihiis Osama Bin Laden markii la dilayay.

Ayman al-Zawahiri, oo ah dhakhtar indhaha oo aas-aasay kooxda Egyptian Islamic Jihad ayaa la wareegay hogaanka Alqacida tan iyo markaas.

2015-tii, al-Qaeda ayaa soo daysay cod uu duubay Hamza, oo ku baaqaya in taageerayaasha Kabul, Baghdad iyo Qaza ay weerar ku qaadaan, Washington, London, Paris iyo Tel Aviv.

Wuxuu hadda ku biirayaa walaalkiis Saad ee ku jira liiska argagixisada caalamiga, taasoo ah qof qatar ku ah ammaanka dalka Maraykanka iyo dadkiisa.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay habkan cunaqabataynta “inay awood leeyahay.”