Hanblayo Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Aadan Xuseen Cige (Dayr) Halyey Muujiyey Bisayl Siyaasadeed Kuna Darsaday Aqoon iyo Waayo Aragnimo

0
421
????????????????????????????????????

Hanblayo Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Aadan Xuseen Cige (Dayr) Halyey Muujiyey Bisayl Siyaasadeed Kuna Darsaday Aqoon iyo Waayo Aragnimo.

Hanbalyo Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Adan Cige (Dayr) kaasi oo hada mudo ka tirsanaa Xukuumada Madaxweyne siilaanyo intii uu joogay Xafiiska Afhayeenimo oo uu hore isaga casilay Afhayeenkii hore ee Xukuumada Axmed Saleeban Dhuxul islamarkaan aay saaaxiib dhaw ahaayeen isaga.

Afhayeen Dayr waa nin mudakar ah hadal yaqaan ah islamarkaana ku xeel dheer arimaha qoraalka, waxaan aad ugu farxay markii uu malintii shalay ahayd oo taariikhduna ahayd 06.12.2015 markii ugu horaysay qabtay shir jaraaid intii uu xilka hayey shirkaasi jaraaid oo uu ugu jawaabaayey Xisbiga wadani oo 05.12.205 Xukuumada ku edeeyey fal dhawaan dadweynaha reer Gabiley calakooda xisbiga u xidheen Ey sidoo kalena ay Xukuumada Madaxweyne siilaanyo gadhwadeenka ka yahay usoo jeediyeen eedaymo afxumo aan qaban kana baxsan dhaqanka wanaagsan iyo diinteena islamaanka.

Afhayeenka ayaa waxaa uu hakaasi ka akhriyey Warsaxaafadeed uu kaga fal celinaayo hadalkaa qiimo darida ahaa ee kasoo yeedhay Xisbiga Wadani oo isagu inta badan ku caana cayda iyo canjarafadaynta Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne siilaanyo, runtii markii aan daawaday sida uu warsaxaafadeedkaasi Afhayeenku u akhrinaayey iyo habka uu u maray waxaan aad ula dhacay jawaabta uu siiyey Xisbigaasi oo ahayd mid ku dhisan aqoon iyo nidaam diblumaasiyadeed kaasi oo ay ku dheehnayd deganaan iyo jawaab cad oo aan gabasho lahayn.

Waxaan leeyahay Afhayeen Aadan Xuseen Cige (Dayr) Madaxweyne siilaanyo maalintii uu xilkaasi kuu magacaabay kuuna igmaday inaad noqoto Afhayeenka Madaxtooyada kuna hadla Afka Madaxweynaha waa uu Asiibay, waxaan kugu hanbalyeynayaa sida sharafta leh aad usoo saarto warsaxaafadeeda kuwaas oo bilaa turxaana iyo su,aalihii aad ka jawaabtay ee saxaafada ku waydiinaysay oo aad uga jawaabtay si ku haboon oo asluubaysan kana muuqato masuuliyada aad xilkeeda iyo xasaanadeeda hayso.

Qofkasta oo wanaaga jecel waa lagu hanlayeyaaa waana loogu mahad celinayaa waana lagu dhiiri gelinayaa, ka sakow inaad xilkaasi u qalanto, waxaa iyana xusid mudnayd adeegsiga iyo habkii diblumaasiyadeed ee aray bixinta, waana mid laga dheehanaayey inaad tahay masuul u qalma xilkaasi isalamarkaana ku haboonaa booskaasi aad joogto iyo xilka qaranka aad hayso waxaan markale ku leeyahay hanbalyo Mudane dedaalka shaqo wacnaanta iyo daacadnimada halkaasi kasii wad, insha allaah waxaan kuu rajaynayaa inaad markasta guulaysto adiga iyo Xukuumada Madaxweynaha oo aan ka mid ahay dadka aadka u taageera madaa ay jirtay guul iyo gobanimo.