Hankiinu ha dhaafo haamaha…By Barkhad Jaamac Xirsi

0
381

Hankiinu ha dhaafo haamaha…By Barkhad Jaamac Xirsi

Sawirka ay ka bixiyaan aqoonyahanada ku xeel dheer barashada cilmiga siyaasaddu xukumada ama dawlad waxay ku micneeyaan hanaan leh dhul waafi ah, oo xuduudo la wadaaga dalal caalamka laga yaqaan, lacag, calan, baasaboor, iyo waliba haayado dawli ah oo si hufan ugu hagar baxa hagidda hawlaha umadooda.

Waxaa sidoo kale dawladu u xilsaaran tahay u adeega umadeeda ee ilaha aasaasiga u ah nolosha sida:
serif; vertical-align: baseline; list-style: none; color: rgb(51, 51, 51); line- 19.2px;”>
Aminga
Caafimadka
Waxbarashada
Caddaalada
Biyaha
Isgaadhsiinta
leydhka
Daryeelka dadkeeda iyo ilaalinta danta guud
Isku haynta dalka iyo dadka iwm
Ururinta cashuurta Inta badan ma dhacdo in aad aragto dawladaha dunida oo gacantooda ka saaraya inteynu kor ku sheegnay

Haddii aan tusaale u soo qaatana waxaa kamid ah dawladaha aynu jaarka dhow nahay sida Ethiopia iyo Jabouti oo ay xaaran tahay markaad eegto siyaasadooda iney cid gaar ah gacanta u galiyaan wixii dawladu ka masuul tahay, waana siyaasada badi ku dhaqmaan dalalka waaweyn ee dunidu.

Ethiopia iyo Jabouti markaad tagto arki maysid iyadoo cid gaar ahi maamuleyso, waxbarashada, biyaha, caafimadka, cashuurta dalka, leydhka iwm.

Kooxdeena wax daran liqayaal ee damiirkoodi dhintey ee dadkooda daryeelayn hanaanki iyo haykalkii dawladnimana duleeyey, waxay maalinba miiska keenaan arrin macno u leh iyaga laakin masiirki ummada mugdi gelinaaya.

Shacabkeena shar necbayaal way og yihiin in milgihii iyo magacii madaxweynahooda maamuska iyo sharafta lahaa lagu masaxaayo arrimo aan dhaafsiisnayn hunguri maalin ah iyo hagar daamo qaran.

Kooxda dhadhamo iyo dhuun jecel waxaan leeyahay Alle ka baqan weydeenkii karaamada lahaa Iilkaad dhigteen, Mudnaantii Madaxweynaha iyo taladii halgamaagana huluulbaad l agasheen, haybadii dawladnimana waxaad badeen talo xedho lagu wadaagayo kuray iyi haween wadaagayaan oo ay hiigayaan kuray iyo haween aan tudhaale qaranku u hayn.

Horaad u iibiseen, leydhkii hargeisa iyo berbera horaad u iibiseen, dekadii oo waa la sheegay inaad 11 milyan siiiseen dawlada Somalia idinkuna qaadateen 21 maylayn, baylahada ka muuqata biyhii dalka iyo balan balka bulshada, warshadii sibidha, iwm oo aana halkan ku soo koobi karin.

Waar waxan idin leeyahay hagardaamada qaranka ka daaya oo hungurigu yaanu idin hagine hankiinu ha dhaafo haamaha cuqubada umadu idinku dhacday oo ceeb cimrigiina ku dhameysta cilmi iyo caqli idinka qabta shacabkan waydeene Alle idin qabay.

Garyaqaan Barkhad Jama Hirsi Batun

Email: Barkhad909@live.co

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here