Hanyarida Siyaasiyiinta Xisbiga Wadani Uu Jira Gobolka Awdal Se Sameyn Intee Le’eg Oo Siyaasadeed Ayay Leeyihiin Iyo Shacabka Reer Awdal Oo Quus Ka Taagan Siyaasadooda

0
372

Hanyarida Siyaasiyiinta Xisbiga Wadani Uu Jira Gobolka Awdal Se Sameyn Intee Le’eg Oo Siyaasadeed Ayay Leeyihiin Iyo Shacabka Reer Awdal Oo Quus Ka Taagan Siyaasadooda.

Borama(Warsugannews) Xisbiga Mucaaridka Wadani Waxa uu Ka Mid yahay asxaabta Qaranka Somaliland Isaga Oo Saxada Siyaasada Somaliland Ku Soo Biiray Sanadkii 2012 Oo ahayd Markii Dib Loo Furay Ururada Siyaasada S/land ayaa Waxa Xisbigaasi Inta Uu Ururka ahaa Ka Soo Dhex Ifay Siyaasiyiin Miisaan Culus Ku Leh Gobolka Awdal.

Xisbiga Wadani OO Dadaal Dheer Samayey Waxa ay Ku Guulaystay in uu Ka Mid noqdo Asxaabta Qaranka Somaliland Iyada Oo Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka Ee Uu danbaysay Dalka Ka dhacday ay xubno xildhibaano badana ay ka soo saareen degmooyinka Somaliland.

Xisbiga Wadani Wakhti Xadirkan Waxa Ku Jira Siyaasiyiin Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal Isla Markaana Xilal Kale duwan Ka Haya Xisbiga ayaa Hadana Samayn Weyn Oo Siyaasadeed aan Ku Lahayn Gobolka Ay Ka Soo Jeedaan.

Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga Wadani Axmed Muumin Seed waxa Uu Ka Mid yahay Siyaasiyiinta Wakhtigan Reer Awdal Saxada Siyaasada Ugu Jira ayaa hadana samayn weyn oo siyaasadeed ku lahayn gobolka uu ka soo jeedo iyada oo gudoomiye seed horeyna uga mid ahaan jiray xisbigii burburay ee udub ayaa siyaasada seed aan si weyn looga hadal hayn gobolka awdal.

Siyaasi Seed waxa Uu U Tartamayaa Jagada Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Wadani halaw ay jiraan siyaasiyiin kale oo reer awdala oo jagadaas kula tartamaya ayaa ilaa hada gobolka uu ka soo jeedo uu olole siyasadeed uu ka samayn.

Siyaasi Seed Marka La Eego Tageerada Uu Ka Haysto Beesha Uu Ka Soo Jeedo Lama Garan Karo Inta ay Le’eg Tahay Iyada Oo Siyaasiyiin Beeshaasi Ka Soo Jeeda ay Samayn Weyn Oo Siyasadeed Ku leeyihiin Xukumada Kulmiye Ee Talada Dalka Haysa Waxa Kale Oo Jirta In Beesha Uu Siyaasi Seed Ka Soo Jeedo ay Kulan Lafjab Ku ah Siyaasada Axmed Muumin Seed ay Beeshu La Yeelatay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Kulankaasi Oo ahaa Mid hadal Badan Ka Dhex dhaliyey Bulshada Gobolka awdal ayaa la sheegay in si weyn looga wada hadlay sidii loo tageeri lahaa musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasi axmed Muumin Seed Lama Garan Karo Halka ay Ku danbayn Doonto Siyasadiisa Iyo In Uu Ku Guulaysto Jagada Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Wadani Balse Waxa Laga War sugi Doona Natiijada Ka Soo Baxda Shirweynaha Xisbiga Wadani Uu dhawaan Qabsan Doono.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Wadani A/rashiid Xasan Mataan dhawaan ayay ahayd Markii Uu Ku soo Biiray Xisbiga Wadani Ee Uu Iska Casilay Jagada

Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Ucid.

A/rashiid Xasan Mataan Waxa Saxada Siyaasada Somaliland Si Weyn Looga Dhex arkay Afartii Sano Ee uu Danbaysay Oo Uu Markaasi Uu Soo xadhko Xidhay Siyaasada Somaliland Halaw Uu ahaa Quurba Joog Hayada Kale duwan La Soo shageeyey Walina uu gaadhin Bisayl Siyasadeed.

Prof.A/rashiid Xasan Mataan Intii Ka Tirsanaa Xisbiga Ucid ayaa Beesha Uu Ka Soo Jeedo ay Si weyn Uu Suluugsanaayeen Siyasadiisa Oo Markaasi ahayd Mid aan Qaan gaadhin Isaga Oo Xisbigaasi Ucid Ee Prof.A/rashiid Mataan u Ka Tirsanaa Uu samayn Xoog Leh Ku Lahayn G.Awdal.

Iscasiladii Prof.A/rashiid Xasan Mataan ayaa Ahayd Mid Ka Nixisay Siyaasiyiin Badan Oo Markaasi Uu Hanqal Tagayey Xisbiyada Kale iyada Oo Uu Beesha A/Rashiid Xasan Mataan Uu Ka Soo Jeedo ay Ilaa Hada aan Lahayn Musharax cad Oo Uu Tartama Beeshaasi Waxaana Halkaasi Ka Bilaamay Ololan Siyaasadeed Oo aad Uu Adag Isla Markaana Dibada Keentay In ay Soo Baxaan Siyaasiyiin Hankooda Horay Uu Qarsanaa.

Prof.A/rashiid Xasan Mataan Siyaasadiisu Gobolka Awdal Maaha Mid Samayn Ku Leh Iyada Oo Wararka Qaarkood ay Sheegayaan In Uu U Tartamayo Jagada Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Wadani Halaw Uu Jiro Siyaasi Kale Oo Isku Beel Yihiin Oo isagna Uu Tartamaya Jagadaasi Balse waxa ay Su’aal adagi Dul-taagan Tahay In uu A/rashiid Xasan Mataan Uu Ku Guulaysan Karo Jagadaasi.

Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi Waxa Uu Ka Mid Yahay Siyaasiyiinta Xisbiga Wadani Ugu Jira Shacabka Gobolka Awdal Waxa Uuna Saxada Siyaasada Somaliland Uu Ku Soo Biiray Markii Dib Loo Furay Ururadii Siyaasada Oo Uu Ka Mid Noqday Xisbiga Wadani Markaasi Urur ahaa.

Amb.Maxamed Cali aw-cabdi waxa Uu ahaa Quurba-joog aan si weyn ula socon xalada dalka ayaa siyaasada Somaliland uu ku soo biiray isaga oo markaasi siyaasadiisu aan wali bislaan isaga oo haba yaraatee aan samayn xoog leh oo siyaasadeed aan ku lahayn gobolka uu ka soo jeedo oo ay shacabkiisui ay si weyn uu dhaliilaan siyaasadiisa aan wali qaan gaadhka noqon.

Amb.Maxamed cali aw-cabdi waxa uu shaaciyey in uu Ka Mid Noqonayo Musharaxiinta Uu Tartamaya Jagada Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Wadani Xili Masuulkaasi uu Xil ka Hayn Xisbiga Wadani.

Dadka Inta Badan Ka Faalooda Arimaha Siyaasada Gobolka Awdal ayaa Siyaasada Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi Si weyn Uu dhaliila iyaga oo sheegay in siyaasada ambasadoorku ay fadhiid tahay.

Si Kastaba ahaate Masuuliyiintaasi Xisbiga Wadani Ka Tirsan Ee Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal Isla Markaana Uu Wada Tartamaya Jagada Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbigaasi ayaa Ilaa Hada aan Cadayn Cida Sida rasmiga ah ugu guulaysan Karto Iyada Oo Maquul Noqon Karto In Jagadaasi Uu Ku Guulaysto Siyaasi aan Hada Shaacin Hankiisa Siyasadeed Waxaana Xusid Mudan In Tageeradii Xisbiga Wadani Uu Ku Lahaa G.Awdal Way Wiiqantay Lama Sadaal Karo In ay Dib Uu Kasban Karaan Tageerada Shacabka Reer Awdal Oo Hada Si weyn Uu Tageersan Siyaasada Xisbiga Kulmiye.

By.Eng.Mahamed Hassan (Sharbi Yare)
Borama/Awdal