Hargaysa oo Aas Qaran loogu Sameeyay Dadkii Ku Naf waayay Shilkii Naxdinta Badnaa ee Shalay ka Dhacay Duleedka Gebilay‏

0
471

Xubno ka Tirsan Golaha Wasiiradda iyo Golayaasha kale ee qaranka ayaa maanta ka qayb galay aas balaadhan oo loo sameeyay dadkii maalintii Shalay Shilka Baabuur ku galay Jidka u dhexeeya Magaalooyinka Dilla iyo Gebilay.

Hargeysa(Warsugannews)Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani oo ka hadlay aaskaasi qaran ayaa Ilaahay uga baryay inuu naxariistiisii Janno ka waraabiyo dhamaanba intii Shilkaas naxdinta leh ku geeriyootay waxaanu sheegay in baahi weyn loo qabo sidii dalawariinta gaadiidku u dhimi lahaayeen Xawaaraha xoogan ee ay ku socdaan Wasiirku waxaa kale oo uu Sheegay in Wasaaradd ahaan ay Maanta saareen Xubno Weriyeyaal iyo barnaamij soo saarayaal soo uruurin doona Sababaha keena Shilalkan soo noqnoqday ee Gaadiidka si loo helo Macluumaad rasmi ah .

Waxaa kale oo aaskaasi qaran ka hadlay Xubno ka Tirsan Golayaasha qaranka oo eebbe uga baryay inuu marxuumintaasi ka waraabiyo naxariistiisii Jano ummada somaliland Samir iyo iiimaan ka siiyo