Hargeysa: bandhig loo sameeyey Buug ka hadlaya jaran-jarooyinka guusha lagu gaadho

0
579

Hargeysa: bandhig loo sameeyey Buug ka hadlaya jaran-jarooyinka guusha lagu gaadho

Xigmada iyo Aqoonta ku duuggan Buugga talaabooyinka guusha lagu gaadho oo ku qoran luuqada Ingiriisa iyo Qoraa Dr. Cabdisalaan Sulub

Hargeysa(Warsugannews)-Munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigay xiiso badan oo uu qoray Nin Dhalinyaro ah oo magaciisa la yidhaahdo Dr. Cabdisalaan Sulub Axmed, ayaa xalay lagu qabtay Xarunta Dallada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo ee Magaalada Hargeysa.

Buuggan xaflada lagu soo bandhigay oo ku qoran Luuqada Ingiriisiga, magaciisana la yidhaahdo todobada talaabo ee lagu gaadho guusha ( 7 steps to achieve Happiness), isla markaana qormooyinka ku duuggani u badanyihiin kuwo la xidhiidha dhanka Caafimaadka, hab-dhaqanka Bulshada iyo Madadaallooyin, ayaa waxa bandhigiisaka qayb-galay Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Hargeysa, Agaasimaha Guud ee Wasaarada howlaha guud, masuuliyiin ka socday Xisbiga Waddani, Ganacsato, Aqoonyahano ka tirsan Jaamacadaha dalka, Arday iyo marti sharaf kale.

Qoraaga Buuggan talaabooyinka furaha guusha Dr. Cabdisalaan Sulub Axmed, oo xafladaas hadal dheer ka jeediyey, ayaa sharaxaad ka bixiyey qaybaha uu ka kooban yahay buuggani iyo nuxurka Sheekooyin aad u xiiso badan oo ku jira tuducyadiisa.

Sheekooyinka Qoraagu madasha ka sharaxay, kuna jira Buugga, dadkuna ay aadka ula dhaceen waxa kamid ah kuwo uu ka qoray dhibaatooyinka cunista qaadku leedahay iyo saameynta ay aadamiga ku yeeshaan guul-darooyinku. Waxa uu sheegay in muddadii uu buuggan qorayey uu sameeyey daraasado badan oo wakhti ku qaatay. Waxa kale oo uuu xusay inuu qisooyinka qaarkood ka soo dheegtay qorayaal waaweyn oo dunida caan ka ah.

“Buuggan qofka si fiican u dhuuxa waxyaabaha ku qoran wuxuu u anfacayaa si wanaagsan, waxaana ku jira sheekooyin laga baran karo nolosha rasmiga ah. “talaabooyinka lagu gaadhi karo guula waxa kamida Kalsoonida.” – “qofku inuu naftiisa ku kalsoonaado” ayuu yidhi Dr. Cabdisalaan Sulub Axmed.

Dr. Xuseen Cabdilaahi Bulxan oo madax ka ah mid kamida Jaamacadaha fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa, horena u ahaan jiray Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, oo halkaa hadal ka jeediyey , ayaa ku dheeraaday muhiimadda qorista buuggaagtu u leedahay bulshada, waxaanu sheegay in barashada Cilmigu ay tahay marxalad la rabo inuu qofku dadka uga tago dhaxal aqooneed oo Kaydsan.

Dr. Bulxan ayaa intaas ku daray inaanay bulshada Soomaalidu faham wanaagsan ka haysan qiimaha qorista hindiseyaasha bulshada anfacaya, isagoo dhinaca kalena tilmaamo ka bixiyey habka loo qoro buuggaagta. “Buug marka la qorayo waa inaad adiga iyo naftaadu gaar isula baxaan, dabaddeedna keligaa aad fikirto” ayuu yidhi Dr. Bulxan.

Dr. Bulxan ayaa sidoo kale dhaliilay tayada aqoonta lagu barto Jaamacadaha dalka iyo heerka ay Dadka reer Somaliland ka taaganyihiin ku hadalka luuqada Ingiriisiga, waxaanu bogaadiyey qoraaga Buuggan oo uu ku ammaanay dedaalka labaad ee uu geliyey buuggan. “Buuggan wuxuu ku qoranyahay luuqada Ingiriisiga. In buug ku qoran luuqaddaas la qoraa waxay ina tusaysaa waxyaabaha cajiibka ah ee uu dheeryahay buuggaagtii hore loo qoray, waxaana gashay howl balaadhan sida inooga muuqata.” Ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dadkeenu adeegsiga Luuqada Ingiriisiga aadbay ugu liitaan, waxaynu nahay dadka ugu hooseeya ku hadalka Luuqadaas, waana ayaan-darro, cid waliba way inagaga fiicantahay maanta, waana luuqada qudha ee caalamka meeshaad tagtaba aad dadka isku fahmaysaan”, ayuu hadalkiisa raaciyey, waxaanu ugu dambeyn si mug leh hambalyo ugu diray Qoraaga Buuggan soo saaray oo uu ku tilmaamay mid noociisu dhif iyo naadir ku yahay aqoonyhanka Somaliland.

Yacquub Cabdilaahi Haybe oo kamida masuuliyiinta Xisbiga Waddani, oo munaasibada isna hadal kooban ka jeediyey, ayaa tilmaamay inay xisbi ahaan dhiiri-gelinayaan dhalinyarada aqoonyahanka ah ee dedaalaya, isla markaana Barmaamujka xisbigooda ay ku jiraan qorsheyaal lagu dhisayo Maktabaddo lagu kaydiyo wax-soo-saarka maskaxeed ee da’yarta iyo aqoonyahanka, si jiilasha soo socdaa mustaqbalka uga faa’idaystaan, isla markaana dalku u yeesho raad-raac taariikheed, loona dhiiri-geliyo qoreyaasha bulshada.

Agaasimaha Guud ee wasaarada howlaha guud, guriyeynta iyo gaadiidka Mukhtar Maxamed Cali oo munaasibada soo gabagabeeyey, ayaa shaaca ka qaaday inay dawladdu dhiiri-gelinayso dhalinyarada mufakiriinta ah ee wax bartay, waxaanu intaa ku daray inay xukuumaddu dhisayso Maktabadda Qaranka, taasoo door weyn ka qaadan doonta kobcinta akhriska iyo qoraalka.

Agaasime Mukhtaar ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay in la dhiiri-geliyo qoreyaasha si aanay uga niyad-jabin curinta maskaxeed ee ay qalinka u qaateen; “wax kaleba marka laga tago buuggan waxa laga faa’idaysan karaa waa luuqaada uu ku qoranyahay , waxaanan dhakhtarka ku dhiiri-gelinayaa inaanu halkaa kaga hadhine ee uu soo saaro buuggaag kale oo dadku ka faa’idaysto”ayuu yidhi Agaasime Mukhtar.

Gabagabadii waxa qoraa Dr. Cabdisalaan lagu waydiiyey su’aallo kala duwan oo la xidhiidha macluumaadka ku duugan buugga, oo ay wax ka waydiiyeen ka qayb-galeyaashii Munaasibaddu, kuwaasoo uu si hufan uga jawaabay.

buug7

buug9

buug10

buug11

buug12

buugga2

buugga3

buugga4

buugga6

buugga
Saleban Abdi Ali