Hargeysa: Xogwaranka Qoys Aan Muddo Dhawr Cisho Ah Dabka Cunto Loo Saarin, Bilna Aan Dhar Loo Maydhin Iyo Carruurta Oo Daryeel La’aan La Xanuunsan

0
731

Hargeysa: Xogwaranka Qoys Aan Muddo Dhawr Cisho Ah Dabka Cunto Loo Saarin, Bilna Aan Dhar Loo Maydhin Iyo Carruurta Oo Daryeel La’aan La Xanuunsan

Hargeysa(Warsugan) Xaafadda Sheekh Cumar oo 9km dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta magaalada Hargeysa waxa haysta duruufo nololeed oo adag. Qoys ka mid ah dadka xaafadda ku nool ayaan dhar maydhan bil sidoo kalena aan todobaad cunto loo saarin dabka. Wariye Ilyaas Cabdi Cali oo ka tirsan Idaacadda Koor ayaa bookhday xaafadda waxaanu waraystay qoyska duruufahani haystaan. Wariyaha ayaa waraystay qoys degan xaafadda Hargeysa ka tirsan oo gurigoodu ka samaysan yahay qoryo iyo maryo ama uu yahay buul kaas oo carruurta joogta iyo hooyadood diif qalafsan ka muuqato, sidoo kalena nadaafad darro ay sababtay biyo la’aantu haysato carruurta iyo dharka reerka.


Sahra Xasan Cabdilaahi oo ah hooyada qoyskan waa 35 Jir waxay dhashay 7 carruur ah waxaanay sharraxaysa diifta ka muuqata ubadkeeda “Walaal noloshu aad bay diciif noogu tahay oo kollay carruurta waxa xanuunka ugu wacan nadaafad darrada oo biyo iyo saabuun toona ma hayo,” ayay tidhi Sahra oo intaasi raacisay in wiilkeeda oo 8 jir ah ay suuqa ugu dirtay si uu ugu soo shaqeeyo “Waxa aan inanka yar suuqa ugu dirayba waa bal in uu quutal daruuriga uun kuu soo heli waxa aad halmar carruurta u karinayso,” ayay tidhi Hooyo Sahra oo intaasi raacisay in aanay ehel lahayn saygeeduna aanu hayn camal.

Hooyo Sahra waxa ay sheegaysa in ubadkeeda oo xanuunsanaya aanay dhakhtar gayn Karin maaddaama aanay xata haysan laba kun oo shilin oo ay bas ku raacdo lacag dhakhtarna hadalkeeda daa“Inanku aad buu u xanuunsanaya oo xumad badan iyo naqaska oo uu tuurayo ayuu leeyahay marka waa oof ayaa la yidhi, kan kale laftiisu wuu iga xanuunsanaya oo inan yar baa ii miciin ah oo cid wax ii kala haysa iyo cid wax ila qabata midna ma jirto anaga iyaga uun baan dul fadhiya,” ayay tidhi Hooyo Sahra

Waxa ay sheegtay in ay Illaahay baxnaaninayso bal sida uu ka yeelo caafimaadka ubadka laakiin, aanay talo kale iyo tamar toona hayn“Goob caafimaad waxa loo gayn waayay waa wax la’aan, xannuunka waxay ka qaadayaan kol haddayna naaska hooyadood caano ka helayn waxay u baahan yihiin caano marka shaaha bigayska ah ayuun bay ka qaadayaan xanuun, marka wax aan dhakhtar ku geeyo maba hayo oo caano ayaaban u siin lahaa, imika ilaa bil bay xannuunsanayan dhakhtarkiina Tigidh buu u baahan yahay wax la’aanna waan u gayn waayay oo halkan uun baan ku haya oo sidii Illaahay yidhaa ku baxnaaninaya.”

Waxa ay intaasi raacisay in aanay bil dharka ka maydhin ubadka iyo guud ahaan qoyska, islamarkaana aanay dhawr bilood arag biyo ku filan oo qoysku helo “Dhawr bilood wax biyo ah oo aan arkay ma jirto, waad arkaysa carruurtu sida ay u eeg yihiin, dharku sida ay u eeg yihiin, weelka wax aan ku xalo ma hayo, marka niyad xumo iyo niyad jab ayaa igu dhacay marka aan arko ubadkii oo xanuunsanaya iyo aniga oo wax aan u qabta jirin, xaabada tu yar baa ii soo gurta,” ayay tidhi Hooyo Sahra.