Haweeney dacwad faraxumeyn ka gudbisay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump

0
320

Gabadh u tartantay ka qaybgalka barnaamijka Apprentice oo horay ugu eedaysay madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump in uu isku dayay in uu iyada faro xumeeyo ayaa maxkamad gaysay dacwad ku aadan in uu sumcaddeeda wax u dhimay.

Summer Zervos, oo Trump eedaysay sanadkii 2007-dii ayaa sheegtay in uu qaranka uga been sheegay dabeecadihiisa.

Dacwadan bahdilka ah ayay Summer ku shaacisay shir jaraa’id oo ay qabatay ayaa sheegtay in uu Trump yahay “beenaale iyo mid haweenka u daran” uuna iyada “sumcadeedii hoos u dhigay si xaqdarro ahna uu u eedeeyay”.

Warkan ayaa imanaya saddex maal mood uun ka hor marka xilka loo dhaarinayo madaxwaynaha la doortay Donald Trump.

“Maadaama oo Trump uusan ka laabanin hadalkiisa, sidii aan ka codsay, iima uusan banaynin jid aan ahayn in aan dacweeyo si aan madmadawga uga saaro sumcadayda” Summer ayaa sidaa u sheegtay saxafiyiin ay kula hadashay Los Angeles.

Waxaa shirkaasi jaraa’id ku wehelisay qareenkeeda Gloria Allred oo ah gabadh u ol’olaysa xisbiga dimuqraadiga.

Summer ayaa ka mid ah dhawr haween ah oo Trump ku eedeeyay faraxumayn todobaadyadii ka horeeyay doorashada madaxwaynenimada Maraykanka.

Haweenaydan ayaa sheegtay in Trump uu faroxumaynta u gaystay intii uu socday kulan fursad shaqo ku saabsanaa oo ka dhacay hoteelka Beverly Hills.

Madaxwaynaha la doortay ayaa “been” ku tilmaamay eedaymahaas wuxuuna wacad ku maray in maxkamad la tiigsan doono dumarka eedeeyay.

Laakiin Trump oo xisbiga Jamhuuriga ka tirsan qofna ma uusan dacwaynin.