“Hawl Wadeenada Amaanka Madaarka oo Fashiliyey Qaad Qalalan Oo La Doonayey In Sifo Sharci Daro aha Lagu Dhoofiyo”

0
632

“Hawl Wadeenada Amaanka Madaarka oo Fashiliyey Qaad Qalalan Oo La Doonayey In Sifo Sharci Daro aha Lagu Dhoofiyo”

Hargaysa (Warsugannews) Hawlwadeenada Amaanka Madaarka Cigaal International Airport ayaa saaka fashiliyey qaad qalalan oo la doonayey in sifo tuugo ah lagaga dhoofiyo Wadanka, kuwaas oo lagu soo qariyey walxo kale ayaa Maamulaha Madaarka Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo arintaasi faahfaahin ka bixiyey ayaa yidhi:- “ waxaanu halakan ku soo bandhigaynaa Allaab ay qabteen hawl wadeenada Amaanka ee Madaarku, oo la doonayey in sifo sharci daro ah lagaga dhoofiyo Madaarka, loona dhoofinaayey Wadamo uu ka magnuucyahay Qaadku, waa baco muuqaalka guud laga dhigay Khashar xaga hoosena Caleentii Qaadka, iyo qaar laga dhigay muuqaalka guud Garaw xaga hoosena Caleentii Qaadka, qaarba iyana laga dhigay muuqaalka guud Geed Adari, Xagahoosena Caleentii Qaadka, waxa kale oo lagu soo cabeeyay qaraadiista Shaaha Madaw iyo kuwa xinaha.” Maamule Maxamed yuusuf oo sii wata hadalkiisa waxa uu sheegay:-“waxaa sitay Qof socdaal ah oo ka dhoofayey Madaarka Cigaal International Airport, waxaanu dadweynaha reer Somaliland iyo Mushtamaca kale ee Caalamkaba u sheegaynaa, in tab iyo xeelad kasta oo lala yimaado si waxyaabaha sharci darada ah loogu dhaafiyo Madaarka, in aanu haysno Shaqaale iyo Mishiimo ku filan, amaba qaban kara shaqooyinkii loogu talo galay, waxaanay shaqaalahu u leeyihiin shaqada Amaanka Madaarka Khibrad iyo Waayo Aragnimo ku filan.” Maamuluhu waxa uu digniin u diray Dadka hawlahaas ku foogan, waxaanu yidhi:-“Dadka Madaarka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaaya waxaanu iyagana uga digaynaa, in ay waxyaabah noocan oo kale ah ee iyaga laftooda socdaalkooda khatar galin kara ka waantoobaan.”

1

1_n

2

3

4

5

6

7

8

9

10

12

13512219_1729539703929980_7066869522772400535_n

13567110_1729539617263322_7343252044856961420_n