Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Imtixaan Ay Ka Qaaday 187 Qof Kala Soo Dhex Baxay 5 Xubnood Oo noqday Guulaystayaashii Loo Baahnaa Iyo Magacyadooda

0
403

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Oo Imtixaan Ay Ka Qaaday 187 Qof Kala Soo Dhex Baxay 5 Xubnood Oo noqday Guulaystayaashii Loo Baahnaa Iyo Magacyadooda

“Maanta Waa maalin weyn, waa maalin taariikhiya oo aynu quluubta dadka soo noolaynayno oo aynu ku noolaynayno in dalkani cadaalad yahay” Sharmaake geelle

Hargeysa(Warsugan) gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Mudane Sharmaake Axmed Muxumed (Sharmaake geelle) oo ka hadlay arrintaasi ayaa yidhi “Waxaan qaadnay Tallaabo walba ku haboon in aan helno guulayste aan hayb ku helin ee heddel iyo hawl ku horumaray. Waxaa maanta (shalay) si rasmi ah u soo dhamaaday tartan maalmo socday oo aan ku xulaynay 5 qof oo kasoo dhex baxayey 187 codsade kuwaas oo qayb ka noqon doonna mashruuca tayeynta shaqaalaha dawlada oo ay nala fulin doonaan bangiga aduunku.
Haddaba, dhiiranaan, dheer iyo dhabar adayg kadib Wuxuu Alle noo suurogaliyey in aan qaadno xulasho caddaalad leh taasi oo ka madhan cid jeclaysi “Allaa Mahadle”

Waxaan u hambalyeynayaa 5-ta guulayste waxaanan leeyahay Allaha hawsha idiin fudaydiyo, waxaan sidoo kale si sharaf leh ugu hambalyeynayaa tiradii kale ee sida kalsoonida badan u tartamay balse calafka iyo qoraalka Alle aanu u qorin “Maalmo kale oo bilan Allaha ina kulmiyo”
Waxaan mahad gaar ah u celinayaa kormeerayaashii Wasiirada ahaa, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo guud ahaanba saraakiisha Hay’adda Shaqaalaha dawlada oo si tacab leh hawshan u qabtay.
u fiirso qaabkii ay hay’adda shaqaaluhuu martay kala saarista iyo tirada soo codsaday oo dhamayd = 187 Tirada Hufidii hore soo hadhay = 35 Tirada Guulaysatay = 5 Waxaa xusid mudan in macalmiiinta imtixaanka qaaday isla tartamayaasha hortooda kitaabka qur’anka loogu dhaariyey isla markaana isla goobtii ay imtixanaka ku sameeyeen isla h
isla goobtiina ku saxeen”.

Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Maxamuud Cabdilaahi Xarbi oo isna saxaafada la hadlay ayay weedhihiisi ka mid ahaayeen” Waayo aragnimo doodii Somaliland nimadoodii , shaqaday hayaan edaabtoodii , asluubtoodii dhan walba laga eegay intaas oo dhaarood la mariyey Waxaanu hada halkan gebo gebo ahaan ku dhejinay inay 5-taa qof yihiin shanta ku guulaystay ee intaas oo Imtixaan kasoo gudbay, waxaan leeyahay ilaahay calafkiina haka dhigo, laakiin waxaa iga dardaarana xil weynoo qaran baad qabateen, umadaad u qabateen, ee cadaalad ugu adeega”

Magacyada guulaystayaasha:
1- Maamulaha Mashruuca “Project Managment”. Cabdi Aadan Diiriye 2- Maamulaha Xisaabta Mashruuca “Financial Management”. Cabdicasiis Cawil Ismaciil 3. U qaabilsanaha Iibka “Procurement”. Cabdisalaan Muuse Guuleed 4. U qaabilsanaha Xidhiidhka “Comunication”.. “Rooble Maxamed Saxardiid” 5. Korjoogaha iyo Qiimeeyaha “Monitoring and Evaluation”. Mustafe Cabdiraxmaan Habane

Xigasho Wargeyska Warsugan