telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

HESHIISKA SAMI-QEYBSIGA QABIILADA SOMALIDA EE DOORASHADA 2016KA LAGU HESHIIYAY

Madaxda Gobolada, kuwa Muqdisho, iyo wakiilada bulshada caalamka ayaa isku raacsan heshiiska ay ku gaareen iney ku qeybsadaan saamiyada ay ku kala helayaan danaha ay ku hiigsanayaan doorashada 2016ka. Dhamaantood iskuma khilaafsana in Soomaalida indho sarcaad lagu marsiiyo doorashada 2016ka iyo in wadatashiga uu ku kooban yahay madaxda gobolada iyo kuwa dalka oo geedi socodka dibuheshiisiintooda uu saldhig u yahay hab-qeybsiga saamiyada ay ka kala helayaan doorashada 2016ka. Ismaandhaafka ka muuqda madaxdaas wuxxu salka ku hayaa cida madaxda ka noqoneysa fulinta indhosarcaadkaas iyo haddii fashil ku yimaado jilidiisa cida xigeysa oo looga dambeynayo farsameyntiisa. Waxaana lagu heshiiyey in Madaxda Muqdisho xirfadeeda la tijaabiyo,madaxda goboladuna ay noqdaan raacdo-reeb gadaal ka soo riixeysa hirgelinta dhoolatuska mahrajaanka (looxaatul Khalfiya). Dhamaantood waxey ka soo wada horjeedeen in doorashada loo qabto hab dimoqaraadiya oo xisbiyada siyaasadeed ay ku tartamaan, waxeyna wada raacsanayeen habka madaxda dalku u maareyeen sidii aysan u dhici lahayn doorasho ah qof iyo codki.

Madaxda Muqdisho ayaa xooga saaray sida hab qabiil wax loogu dooran lahaa, waxeyna dantoodu ahayd in aqalka hoose oo soo dooranaya madaxweynaha dalka lagu soo xulo habraaca beelaha. Waxaa caado noqotay in xildhibaanada lagu soo xulay qaabkaas ay yihiin kuwo aan wax xiriira la lahyn shacabka ay matelayaan oo aysan ku imaan rabitaankooda, waxaana dhacda in xilalkaas dhamaantood laga wada buuxiyo Muqdisho oo madaxda Muqdisho ay beelaha Soomaaliyeed ka soo xushaan dad ay soo gataan oo danahooda ugu shaqeynaya, kuwaas oo huwan magacyo qabiil oo ay si maqaarsaara u matelayaan. Xildhibaanadaas waxey Baarlamaanka Soomaaliyeed ka dhigeen suuq lagu kala gato codadka iyo naadi haweenka madaxa banaan ee ku jira baarlamaankana loogu dhiso rag si codkooda loo toleeyo.

Go’aanada ka soo baxay shirka wadatashiga taariikdu marka ay ahayd 16/12/2015 waxaa si cad garab loogu siiyey damaca madaxda Muqdisho oo ah in hab beeleed lagu soo xulo xildhibaanada baarlamaanka aqalka hoose. Waxaad u maleysaa in qodobada inta kale ay tahay wax horay la isaga afgartay ama ku qornaa dastuurka qabyada ah. Qodobkaas wuxuu wado u yahay loo marayo sidii madaxda Muqdisho loogu ansixin lahaa qorshihii ay ku hanan lahayeen boobka doorashada 2016ka. Dhaqangalka qodobkaan waxaa loo maray hanjabaado loo adeegsaday gudoomiyaha baarlamaanka oo uu ku eedeynayey wakiilada bulshada caalamka, iyagoo loo soo jeediyey in doorkoodu ku koobnaado goobjoogayaal fududeeya heshiisyada ay ku kala qeybsanayaan madaxdu saamiyada doorashada 2016ka.

Waxaa madaxda gobolada saami ahaan loo siiyey soo xulida xildhibaanada aqalka sare oo ah magacuyaal qaanuun ahaan u jira oo aysan cadeyn siyaasada Soomaaliyeed doorka ay ku yeelan karaan iyo awooda ay huwan yihiin sida ay uga dhaqangeli karto Soomaaliya. Jiritaanka aqalka sare waa ku cusub yahay ku dhaqanka siyaasada Soomaalida, mana jiro dhaqangalkiisa wax adkeynaya. Xeeladan loogu qoondeeyey madaxda gobolada iney qeybtooda ka helaan saamiga doorashada 2016ka waa mid u muuqata dhaqanka ay mudan yihiin maamuuska xubno sharfeedka oo dhinac kala wadaaga tixgelinta loo hayo saamiga haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.

Beesha caalamka waxey raali ka tahay saami qeybsiga ay heshiiska ku yihiin madaxda Soomaalida oo ay horay ugu soo saleysay rabitaankeeda, laakiin ay si xeeladeysan uga wada dhameysatay gaarida danaheeda si kala gooniya madaxda loo qabtay shirka wadatashiga dibuheshiisiintooda. Beesha caalamka iyadaa si qarsoon hoosta uga taageereysa ku dhaqanka dowlad ku dhisan qabyaalad oo lagu soo xulo 4.5 iyo in loo qoondeeyo saami weyn haweenka iyo dadka la heyb sooco. Tilaabooyinkaas waa kuwo xadgudub ku ah ku dhaqanka dimoqaraadiyada oo aysan dhici karin in kuraasta goleyaasha dowlada loo gooni yeelo qeybo ka mid ah bulshada. Waa dadaal wanaagsan in la dhiirigeliyo xubnaha buuxin kara xilalkaas oo shacabka ay matelayaan ku yimid rabitaankooda, laakiin waxaa xaaraan ah in si gaara ay bulshada caalamku ugu qoondeeyaan qeybahaas ka midka ah bulshada saamiyo ay ku matelayaan danaha shisheeyeyaasha ay ugu adeeganayaan xubnahaas.

Madaxda Muqdisho, kuwa gobolada, iyo bulshada caalamka waxey dhamaantood ka wada mideysan yihiin heshiiska lagu qeybsanayo saamiga doorashada 2016ka, waxeyna talo wadaag ka noqdeen in la majo-xaabiyo doorka ay doorashada 2016ka ku yeelan karaan baarlamaanka Soomaaliyeed, kaalintaas oo uu horay u fududeeyey gudoomiyaha baarlamaanka kadib markii uu si cad uga hor yimida awooda baarlamaanka uu kula xisaabtamayo madaxtooyada. Sida muuqata baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka baxaya awood-qeybsiga iyo sharci waafajinta loo raacayo qorshaha lagu hiigsanayo doorashada 2016ka. Xiliga kala guurka ayaa si rasmiya wuxuu u bilaabanaya bisha february 2016ka,waxaana bilowmaya mariinhabaabinta iyo cabsi ku muquuninta hab-qeybisaga beelaha.

Xisbiga Dadka wuxuu ka digayaa in habraacaas uu shacabka u horseedayo ismaandhaaf hodan ku ah caadifad qabyaaladeed iyo isku xoog sheegasho lagu marsiiyo dhismaha dowlad qaran oo aan dimoqaraadi ahayn, dadkuna aysan ku lahayn tixgelinta awoodooda dimoqaraadiga ah. Xisbigu wuxuu walaac weyn ka muujinayaa doorka qaldan ee loo adeegsanayo madax-dhaqameedyada, hogaamiyeyaasha koox-diimeedyada, ganacsatada qandaraas doonka ah, horjoogeyaasha raacsan madaxda dowladda ee bulshada rayidka, ururada ay dowladu u distay haweenka iyo dhalinyarada, adeegsiga ciidamada ee danaha gaarka ah ee madaxda, caburinta madaxbanaanida saxaafada, iyo isticmaalka hantida qaranka in lagu musuqmaasuqo ku shubashada doorashada 2016ka.

Soomaaliya waxey dib ugu noqotay xiligii madaxda Soomaaliyeed ay u dhego nugleyd awaamirta shisheeyaha oo qaab ku dhisan hanaanka gumeysiga cusub ku maamulayey Soomaaliya. Sida muuqata madaxda Soomaaliyeed waxaa ku weyn qancinta danaha shisheeye iyo si fudud uga tanaasulida maslaxada ummadda Soomaaliyeed. Weli dalku wuxuu leeyahay wadaniyiin ka soo horjeeda dhagarta siyaasadeed ee shisheeyuhu ay hantidooda ugu adeegsanayaan si ay u maskax-maraan madaxda Soomaaliyeed oo hankoodu ku saleysan yahay coodasho. Xisbiga Dadka wuxuu u soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed inaan dib loogu celin farsamadii doorashada 2012 oo xeeladeynteeda la xirfadeeyey. Doorashada guud ee 2016ka waa in lagu saleeyo mid u dhacda qaab ku dhisan ergooyin qaran oo degaanada dalka laga soo kala xulo,taas oo ah habka ugu dhow cadaalada ee lagu soo dooran karo madaxweyne ku yimid codka matelaada tooska ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Habraaca 4.5 wuxuu horseedayaa ineysan Soomaaliya marna noqon dal dimoqaraadiya oo leh dowlad dimoqaraadiya, wuxuuna jiilba jiilka ka dambeeya u gudbinayaa inaan laga gudbin maandooriyaha qabiilka,waxeyna taas sabab u noqoneysaa iney marar badan saldhig u noqoto dhismaha dowladnimada soomaaliyeed ee 2020 iyo kuwa ku xiga, iyadoo la adeegsanayo kuwo la mida marmaesiyeyaasha maanta taagan. Jidka dheer ee loo marayo in lagu gaaro dowladnimo Soomaaliyeed oo madaxbanaan haddii aan la qaadin tilaabada kowaad oo lagu bedelayo hanaanka, waa inaan garwaaqsano in dacaygii iyo dabarkii ay shisheeyuhu qarniga 19aad ku cuuryamiyeen dalka inuu weli hayigiisu sii socdo inta laga gaarayo Soomaali u qeybsan maamulo ka turjumaya 4.5 iyo awooda oo gacanta u gasha dad aan garaneyn heybtooda Soomaalinimo iyo caqiidadooda Islaanimo.

1,058 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins