Hiiraan: Sadex Wiil Oo ay Gawracday Al-Shabaab

0
619

Hiiraan : Al-Shabaab Oo Gawracday Sadex Wiil Oo Dhalinyaro Ahaa .
Hiiraan(Warsugannews)- Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya xuduuda kala qaybisa Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa gowracay saddex ruux oo dhalinyaro ah.
dhalin
Saddexdaan ruux ee dhalinyarada ah ee Shabaab ay gowraceen, ayaa waxa ay ku eedeeyeen Shabaabka inay ka tirsan yihiin ciidamada Militariga Dowladda federalka Somaliya, waxaana la gowracay dhalinyaradan xalay.
Shabaab ayaa sheegay howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen deegaan ku dhaw deegaanka Fiidoow ee ku yaalla xadka kala qaybiya Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan inay ku gowraceen saddexdaasi ruux.
Dadka deegaanka oo Warbaahinta la hadlay, ayaa waxa ay sheegeen dhalinyarada la gowracay inaysan ka tirsaneyn ciidamada Miltariga Somaliya, ayna ka mid ahaayeen dhalinyaro deegaanka ah.
Saraakiisha ciidamada Dowladda ee aagasi weli kama aysan hadlin falkaan Shabaabka ay ku gowraceen saddexdaan dhalinyarada ah oo Shabaab ay ku sheegeen inay ciidan ahaayeen.
Ururka Al Shabaab ayaa dhowr mar waxa ay gowraceen dad ay ku eedeeyeen inay xidhiidh la leeyihiin Dowladda Federalka Somaliya.
Falkaan ay xalay sameeyeen Shabaabka ayaa waxaa walaac ka muujiyay dadka deegaanka oo dareemay baqdin la xidhiidhta gowraca Shabaabka ay u gaysteen dhalinyaradaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here