HOGAAMINTA IYO KARTIDU WAA GALAD EEBE WASIIR MAXAMUUD XAASHI CABDI WAA HOGAAMIYE HANSAN ,HAL ADAG ,HADAF CAD ,OO HIGSI FOG TAARIIKHDUNA MA HALMAANTO

0
424

HOGAAMINTA IYO KARTIDU WAA GALAD EEBE WASIIR MAXAMUUD XAASHI CABDI WAA HOGAAMIYE HANSAN ,HAL ADAG ,HADAF CAD ,OO HIGSI FOG TAARIIKHDUNA MA HALMAANTO

Hadii Laga Sheego Qofka Madaxda Ah Dhaliil Aan Jirin Oo Xaqiiqda Ka Fog Waxay Ka Dhigan Tahay In La Amaanay Oo Kale ( Qoraaga Shef Khera Ee Buuga You Can Win )

Taariikhdu ma halmaanto Masuul kasta uu u soo halgamay una hagar baxay sidii Dalkiisa iyo Dadkiisa uu ugu shaqayn lahaa Marxalad kasta oo lagu jiro isagoo Hadafkiisu ahaa in uu Bulshadiisa gaadhsiiyo Himiladoodii ahayd in ay helaan Midhihii Halganka kuna noolaadaan Horomar la taaban karo anigoo Qormadan Diirada ku saari doona Baalasha Dahabka ah ee ku xardhan Kaalintii Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi uu ku lahaa Dhismihii iyo Yagleelkii Dawladnimo ilaa Maanta oo Jamhuuriyada S/land ku talaabsatay Horomar la taaban karo oo uu hayo Xillka Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada .

Tan iyo Maalintii Jamhuuriyada S/land la soo noqotay Xoriyadii Lixdankii ay kula midawday Koonfurta Soomaaliya 18/5/1991 Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi waxuu ka mid yahay Aqoonyahanka iyagoo Dhalinyar ah la jaan qaaday Saaxada Siyaasada S/land isla markaana Kaalin Muuqata ku lahaa Yagleelkii Dhismaha Dawladnimada S/land isagoo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi Xilal kala duwan ka soo qabtay Jamhuuriyada S/land ilaa 1991 sida Maayarkii Burco , Xilldhibaan Golaha Wakiilada S/land ah halka Kaalin Muuqata uu ku lahaa Saaxada Mucaaradka Waqtigii Xisbiga Kulmiye Mucaaradka ahaa isagoo Wasiir Maxamuud Xaashi u hagar baxay sidii Madaxwayne Siiraanyo ugu fadhiisan lahaa Kursiga dalka ugu sareeya ee Madaxwaynaha Allena u rumeeyay Himaladiisii .

Waxaana hubaala in waayo aragnimadu Aqoontaada iyo Shaqsiyadaada barto habka ugu haboon ee aad uga gudbayso Jawiga iyo Cimilada Siyaasada ee is rogroga badan ,Sidoo kale waayo aragnimadu waxay ku bartaa in aad la jaan qaado guulna ka gaadho isbadalada Saaxada Siyaasada ee hadh iyo habeenba sida Mawjadaha Bada oo kale u socda , sidoo kale Da”ada iyo waayo aragnimadu waa Laba aan kala maarmin waxayna Shaqsiyadaada iyo Aqoontaada ku kabaan Xilkasnimo iyo Qunyar Socodnimo , Daganaansho iyo Dulqaad badan, Midnimada iyo Wada jirka oo aad ka shaqayso , Kooxaysiga iyo Kala qaybinta oo aad ka dheeraato , Islawaynida oo aad ka fogaato , Milgaha ay Madaxda Laamaha kala duwan ee Dawladu kaa mudan yihiin oo Xurmadooda siiso , Weedhaha Afkaaga ka soo baxaya oo laaxinka ka ilaaliso , Iyadoo Dadka dhacdooyinka Siyaasada S/land sida joogtada ah ula socdaa Mucaarid iyo Muxaafidba waxay ka marag kacayaan in Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi leeyahay Dhaqanka wanaagsan ee lagu garto Hogaamiyaha Waayo araga ah ee Qaranka S/land hogaamin kara .

Iyadoo Aqoonyahanka iyo Bulshada dhex dhexaad ka ah ee arimaha Siyaasada u kuur galaa ay ka marag kacayaan Mucaarad iyo Muxaafidba in Isbadalo la taaban karo iyo Hogaamin suuban laga arkayo Mudo Sannad ah uu ku talaabsaday Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi isagoo Wasiir Maxamuud Xaashi mudadan uu Xilka hayay ku talaabsaday Horomar iyo Guulo la taaban karo uu kasoo hooyay Safaro isku xigxigay uu ku tagay Gobolada Bariga S/land, sida Socdaalkii uu ku tagay Gobolka Sool 30/5/2016 iyo Socdaalkii uu Gobolka Sanaag ku tagay 17/7/2016 halka Madaxwaynaha S/land Axmad Maxamad Maxamuud Siiraanyo iyo Wafti balaadhan uu Hogaaminayaa ay Socdaal ku tageen 8/8/2016 Gobolada Sool iyo Sanaag ee Bariga S/land iyadoo Madaxwaynaha S/land iyo Waftigiisii ay ka marag kaceen Midho dhalka iyo Guulaha ay soo hooyeen Socdaaladii Waftiyadii uu horkacayay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi .

Sidoo kale Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu Bud dhig u noqday in uu ka Midho dhaliyo Hogaaminta Suuban ee Madaxwayne Axmad Maxamad Maxamuud Siiraanyo waxaanu Kaalin muuqata ku lahaa Heshiiskii Maalgalinta iyo Balaadhinta Dakada Barbara ee dhex maray Shirkada DPW ee Dalka Imaaraadka Carabta laga leeyahay iyo Jamhuuriyada S/land .

Mar kale Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waxuu Hormood u noqday in uu ka midho dhaliyo Hogaaminta Suuban ee Madaxwayne Siiraanyo iyo Siyaasadiisa ku waajahan Gobolada Bariga S/land isagoo Guulo la taaban karo ka soo hooyay soona gaadhsiiyay heer Kooxda Khaatumo ee Cali Khaliif Galaydh Hogaamiyaa ay ku dhawaaqdo in ay wada hadal ku dhamaynayaan Tabashadooda ku waajahan Xukuumada S/land .

Isku wada duubuu Aqoonyahanka iyo Bulshada Horomarka jecel ee Arimaha Siyaasada S/land u kuur galaa waxay ka marag kacayaan in Mudo Sannad ah oo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi hayay Xillka Wasaarada Madaxtooyada uu Dalku galay Jawi Siyaasadeed oo dagan iyadoo Wada tashi joogto ah iyo wada shaqayn buuxda ka dhex abuuray DHamaan Laamaha Dawlada ee wada shaqayntu ka dhaxayso ariahan oo Tilmaamaya in Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi uu yahay Hogaamiye Hansan ,Hadaf cad ,Hal adag oo Higsi fog iyadoo sida Dayax Shan iyo Tobnaadka u muuqato in Wasiir Maxamuud Xaashi uu Hormood u yahay dhamaan Siyaasiyiinta uu Hankoogu gaadhsiisan yahay in ay Hogaamiyaan Qaranka S/land waa Barito iyo Bill danbe.hadii Alle yidhaa .

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Hargaysa S/land