Hogaamintu Ma Xil Iyo Derajaa?

0
849

Hogaamintu Ma Xil Iyo Derajaa?

“dad waxaa u talin kara,nin doofaar cay uga dulqaad badan,oo kurtin qorrax uga adkeysi badan,oo dhagax qabow uga adkeysi badan,oo gudgude gaajo uga adkeysi badan”.

Bulsho kasta ama urur kasta oo ay kulmisay u jeedo si ay u gaadhaan yoolkooda waxay leeyihiin hoggaan(hoggaamiye) ku haga ama ku ilaaliya kamidho dhalinta hiigsiga ay leeyihiin,qofkaas loo dhiibayo inuu caynaanka qabto waxaa uu leeyahay tilmaamo gaara oo loogu igmado hawsha,astaamahaasi waa qaar lagaran karo igmashada ka hor iyo kadiba.qodobo doora ayaana lagu xushaa hogaamiyaha oo ay ugu horeeyaan daacadnimo,karti iyo hufnaan.

Hadaba, qofka daacadnimo,karti iyo hufnaan lahi hadii uu caynaanka u qabto bulsho waa ka ku guulaysta ka midho dhalinta hadafka ay bulshadaasi leedahay; waa hadii uu helo garabgalka iyo gacanta dadka uu hogaanka u yahay,waxaa kale oo kaalin kale hogaaminta ka ciyaara:dulqaadka iyo go’aan qaadashada oo lagama maarmaan u ah hogaaminta bulshada,gaar ahaan go’aan qaadashadu waa waxa salka u ah maamulka heerku doono ha noqdee.

Siddeedaba marka laga hadlaayo hogaamiye, waa ka himilada iyo hiigsiga ummada meel sare saara,waa ka kuhaga dhabaha guusha lagu gaadho,misana xaqiijiya in qof walba hawshiisa uu gudanaayo.
Hogaamiyaha wanaagsani waa mid hirar kala duwan dadkiisa kala hadla,mid walbana halkiisa ugu taga oo lahaysta.

Hogaamiyaha dhabta ah ee aragtida wanaagsan waa ka arka in kabadan inta ay arkaan kuwa kale,waa ka arka in ka dheer inta ay arkaan kuwa kale,waa ka arka inta aaney arag kuwa kale ama waa ka ugu hor arka,maadama ay saarantahay masuuliyad balaadhan loona baahan yahay inuu noqdo mid xog-ogaala,lana socdo nolosha kala duwan ee bulshadiisu ku nooshahay.

Markaa hogaamiyuhu waa mid hiraal iyo himilo fog leh dadkana tusa tubta lagu gaadho horumarka,dadkuna ay dareemaan,ma aha mid dadka madaxa ka garaaca oo habeen madow gudaaya sida kuwa hada u taliya badi wadamda afrika iyo dunida carbeedba.

Hadaba,hogaamiyaha hela kalsoonida shacabkiisu waa ka gaadhsiiya inkabadan inta uu kula ballamay,maha keliya inta uu kula ballamay .markaa kaasi waa hogaamiye,maxaa yeelay waxaa uu gaadhsiiyay meel ka fog halkay filaayeen oo yididiilo hor leh ayuu geliyay shacabkiisa ,markaa markastoo aad aragto dad ama ummad guulaysatay waxaa kadanbeeya hogaamiye go’aan ku dhacle sameeyay,kalsoonida shacabkana helay.

Se ogow,hogaamintu maaha derajo iyo xiltoona balse waxaa weeyi inaad saameyn togan ku yeelatid bulshada dhexdeeda oo aad wax soo kordhiso fikir ama ficil wanaagsan oo ku dayasho mudan aad la timaado,laakiin inaad derajo iyo xil aad hayso dadka ku jidh disho waa waxaan sakaarana ka fiirsan.

Hogaamiyaha wanaagsani waa mid raad togan kaga taga dadkiisa,dadkuna ku mahadiyo kaalintiisa,marka uu ka tagana yidhaahdaan”madaxbuu noo ahaa,mudnaan jiraye,miyey kaalintiisii madhan tahay”.
Bedelkeed, hogaamiyaha dadkiisa dhexdhiga qoqobka iyo kala irdhawga waa la haraamaa oo habaar ayey dusha kaga tuuraan meel baas la geega!!!!!
Sidaan bawsanay, hogaamiyuhu waa ka ummada ula yimaada aragti miigan oo wax soosaar leh,mid wax dhisaysa yididiilana ku abuuraysa ummada,cidhib la mahadiyana ka taga,Hadaba,waxaa mudan in aynu isweydiino halka ay hogaamin kajoogaan dadka hogaanka inoo haya mayi hiin qaar hayina oo ummada hilinka wanaagsan u horseeday mise waa qaar habaara oo hagardaamo mooyee aan manfac kale kusoo kordhin shacabka ? runtii waa mid u baahan inaan ogaano,si dhabana u derisno si aan uga baaqsano mustaqbalka raadka xun ee hogaan xumidu leedahay ama kahada jira aan uga tabaabushaysano si aan heeryadiisa iskaga dulqaadno.

w/q Iid cumar cali
eidomer4@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here