Hoggaanka KULMIYE oo soo Dhaweeyey Xildhibaanno iyo Aqoonyahan ka soo Jeeda Oodweyne Nuxur khudbad Guddoomiyaha KULMIYE kaga hadlay doorashooyinka iyo wadalahaanshaha xisbiga + hadallada madaxda kale ee ka qaybgalay

0
471
????????????????????????????????????

Hoggaanka KULMIYE oo soo Dhaweeyey Xildhibaanno iyo Aqoonyahan ka soo Jeeda Oodweyne Nuxur khudbad Guddoomiyaha KULMIYE kaga hadlay doorashooyinka iyo wadalahaanshaha xisbiga + hadallada madaxda kale ee ka qaybgalay

Hargeysa (Warsugannews)- Hoggaanka sare ee xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey xilldhibaanno, aqoonyahan, taageerayaal iyo waxgarad kasoo jeeda Gobolka Daadmadheedh oo si rasmi ah xisbiga ugu biiray.

Xaflad soo dhaweynta xildhibaannada oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Oodweyne iyo aqoonyahanka ku qancay siyaasadda xisbiweynaha KULMIYE oo lagu qabtay huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeenkiisa labaad, xoghayaha guud, afhayeenka xisbiga, hoggaanka garabyada kala duwan ee haweenweynaha KULMIYE, wasiirrada Warfaafinta iyo Caddaaladda, Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, xildhibaannada cusub ee ku biiray iyo aqoonyahanka, waxaana madashaas lagu faaqiday siyaasadda xisbiga iyo sida xubnahan iyo taageerayaashoodu ugu qanceen.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa xubnaha cusub ku soo dhaweeyey xisbiga, waxaana uu hoosta ka xariiqay inay xubnahani yimaadeen madal loo siman yahay oo aanay cidina sheegan doonin, isla markaana ay si xor ah aragtidooda uga dhiiban doonaan.

Xildhibaan Ibraahim Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibaannada ku soo biiray xisbiga KULMIYE, isla markaana hore uga soo baxay ururradii hadhay, ayaa si cad u sharraxay sababta u qaateen go’aanka ay kula bahoobeen KULMIYE, waxan isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maadaama oo ururradii aanu hore uga soo baxnay uu hadhay sharcigu wuxuu noo bannaynayaa inaanu saddexda xisbi-qaran ee hadda jira aanu mid ka doorano, waxaanuna dooranay xisbiga KULMIYE, annagoo laba qodob ku dooranay, kuwaas oo kala ah; waxqabadka xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo ay dalka ka hirgelisay iyo qodobka labaad oo ah filashada ay bulshadu ka filanayso in mustaqbalka dambe wixii xukuumaddan ka qabyooba uu Muuse Biixi dhammaystiri doono, xisbiga KULMIYE waxaannu la garab-taaganahay taageero iyo codba, xukuumaddana caqli iyo cudud baanu la garab taaganahay.”

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Axmed Cambe oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Oodweyne ee ku soo biiray xisbiga KULMIYE oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida ay ula dhaceen siyaasadda iyo hoggaaminta KULMIYE, taasina keentay inay xisbigaas la midoobaan, “Annagoo toddoba xildhibaan ah oo bulsho na soo dooratay markii aannu qiimayn samaynay waxa aannu hoosta ka xarriiqnay inaanu si cad ugu biirno xisbul-xaakimka KULMIYE. Hore KULMIYE waxa u aasaasay oo hoggaamiye ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo, intii uu soo kifaaxay ee uu ololaha ku jirayna waxa uu soo bandhigay qoddobo badan, Muuse Biixi Cabdi iyo raggan la safani waxay ahaayeen baalashii iyo garbihii uu Madaxweyne Siilaanyo guulaha uu gaadhay ku taageerayey, maantana marka uu muddada dhamaysto waxa meesha iman doona kuwii uu tababaray oo uu kow yahay Muuse Biixi Cabdi, waana ta aannu dooranay inaanu xisbiga ugu biirno, qabyaaladina nama keenine ninkanaa tijaabadii ka baxay,” ayuu yidhi Xildhibaan Cambe.

Sidoo kale, Xildhibaan Farxaan Aw Maxamed Cabdillaahi iyo Xildh. Maxamed Muxumed Cabdillaahi (Batuun), ayaa iyaguna halkaas ka jeediyey hadallo ay ku qeexayaan sababta ay KULMIYE ku doorteen, waxaanay tilmaameen inay si mug leh ula dhacsan yihiin siyaasadda xisbiga haatan lagu hago.

Prof. Cabdikariin Xirsi oo hoggaaminayey bahda aqoonyahanka eek u biiray xisbiga, isla markaana ah murrashax u taagan doorashada Golaha wakiillada ee soo socda, ayaa xusay qiimayn ballaadhan uu ku sameeyey xisbiyada dalka ka jira kadib uu maxsuulkii ka soo baxay noqday inuu taageero xisbiga KULMIYE, waxaanu tilmaamay inuu si cilmiyeysan u dersay dheeraadka xisbiga KULMIYE uu kaga doortay dhiggiisa kale ee axsaabta mucaaridka, “Maanta waxan halkan ka caddanaynayaa fikirkii aan labada sano akhriyey ee aan axsaabta ku waday ayaa ah ka igu dhaliyey inaan xisbiga KULMIYE ku soo biiro oo aan aaminsanahay inuu yahay ka hagaaya siyaasadda Somaliland ee mustaqbalka iyo dhallinyaradaba,” ayuu yidhi aqoonyahan Cabdikariin Xirsi.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Md. Maxamuud Warsame, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Md. Mukhtaar Maxamed Axmed iyo Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Maroodi-jeex Marwo Xusni Maxamed Warsame, ayaa iyaguna si ballaadhan u soo dhaweeyey xubnaha cusub ee xisbiga ku biiray iyo taageerayaashoodaba oo ay ku tilmaameen cudud xoog leh oo u soo kordhay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo hadal soo dhaweyn iyo dhiirrigelin u badan madasha ka jeediyey, ayaa sheegay in hoggaanka xisbiga iyo siyaasadda lagu hagaa sabab u noqotay inay soo bataan aqoonyahanka iyo bulshada taageerayaasha ku soo biiraya KULMIYE.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si diiran u soo dhaweeyey xildhibaannada iyo aqoonyahanka ka soo jeeda Gobolka Daad-madheedh ee xisbiga ku soo biiray, waxaana uu hoosta ka xarriiqay inay yimaadeen madal bulshada ku midaysan u siman tahay, waxaannu yidhi, “Haddii aad reer Daad-madheedh tihiin in ufuqa iyo caqliyadda Daaad-madheedh taallaa ay ka sarrayso degmo, gobol iyo qabiil oo ay ka duulayso dan qaran, halkanna waxaad ka muujiseen inaad keenteen ra’yiyo waaweyn iyo aqoon ay aftahannimo ku dheehan tahay, taasina waa mid aannu aad iyo aad ugu bognay. Waxaynu isku maamuli doonaa wixii aynu ku heshiinay ayuun bay noqon doontaa, qolyihiina maanta ku soo biiray iyo kuwa aasaasayna caddaalada way u sinnaan doonaan.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa dhinaca kale ka hadlay baahida loo qabo in doorashooyinka shinkoodu galay la qabto, waxaanu tusaale u soo qaatay doorashooyinka Wakiillada iyo Guurtida,“Xilligii doorashada Baarlamaanku 11 sanno ayuu dhaafay, dadkuna waxa ay leeyihiin nimankani waa inay meesha banneeyaan, Guurtidii soddon bay madaxa ka jieen oo waaba ay dhaxleen, ta madaxtooyadana labaa daalac ah, waxaynu u baahanahay inaynu doorashooyinkaas galno, saddexdaba, waayo haddii aan wax cusub lagu shubin ma soconayso oo biyuhu haddii ay meel fadhiyaan ma socdaan oo waxkastaa way gelayaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????