telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Xukuumada Somaliland oo ee uu gadh wadeenka ka yahay madaxwayne muuse biixi cabdi oo aan wali ka hadal xaalada ceel af wayn iyo gobalka sanaag oo malimihii u danbeeyay ay ka socdeen dagaal beelodyo

iyo weeraro ay ciidamada qaranka ee ku sugan gobalka sanaag kuso qaadeen maleeshiyaad beeledka uu hogaamiyo kornayl caare oo ahaa sarkaal hore uga goostay ciidamada qaranka Somaliland.

Wasaarada arimaha gudaha taliska ciimada qaranka Somaliland iyo maamulka gobalka sanaag iyo shir gudoonka barlamaanka Somaliland siyaasinta kaso jeeda gobalka sanaag iyo gaar ahaan deeganka ceel afwayn oo an wali wax jawaab aha kaso saarin xaalada dagaal ee kaso socotay deeganka ceel afwayn ee gobalka sanaag iyo mudaharada rabshadaha watay ee malintii shalay ka dhacay magaaloyinka ceerigabo iyo Burco.

Hadaba,ilaa shalay madaxwayne Biixi waxa uu shirar kula jiray guddida nabad galyada qaranka iyo siyaasinta masuulinta xilalka haya ee kaso kala jeeda labada beelod ee uu xaalada dagaal ku dhex martay deeganka ceel afwayn ee gobalka sanaag inkastoo shirarkan aan wali wax jawaab ah kaso bixin hadana shacabka Somaliland oo dhag taagaya mawqifka xukuumada ee ay xaalada ka qaadato.

Arintan ayaa kuso beegmaysa xili uu madaxwaynaha Somaliland doonayey inuu soo saaro isku shaadhayn uu xilalka kaga qaadayo qaar kamida taliyaasha ciidamada qaranka Somaliland’ xubno kamida golaha wasiirada iyo qaar kamida badhasaabada gobalada agaasimayasha guud oo aan wali soo bixin shacabkuna u dhag taagayaan.

 

46 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins