HOR DHAC: Chelsea Vs. Tottenham

0
868

waaxa qorey yaasir br

Kulanka ugu dag ee toddobaadkan Premier League eeaa ‘DAGAALKA BRIDGE-KA’.

Waxa uu magacaas ku qaatay dagaalkii faraha la’isula tagay ee gaba gabadii ololihii hore ku dhexmaray xiddigaha Blues iyo Spurs.

Chelsea waxa ay soo gaba gabeeysay hamigii Tottenham ee horyaalka iyad oo u srrta galisay Leicester City in ay u dabaal dagto Premier League, taas oo keentay in 12 jaale kulankaas lagu qaato, gacmahana la’isula tago.

WARARKA LABADA NAADI

-Chelsea waxaa ka maqan Kurt Zouma iyo Marco van Ginkel

-John Terry toddobaad kale ayuu garoomada ka maqnaan doona,waloow uu yahay walaaca qura ee Antonio Conte marka ay timaado dhinaca dhaawacyada

-Talyaaniga isla safkii lixda kulan badiyey, shabaqana ilaashaday ayuu ku soo bilaabi doonaa

-Tottenham waxaa dhaawacyo uga maqan Marcus Edwards, Erik Lamela, Ben Davies iyo Toby Alderweireld

– Danny Rose shan huruudi ayaa u uruuray halka Jan Vertonghen la filayo in uu dambeedka biddix ku soo bilowdo

– Harry Winks waxa uu raadinayaa bilowgiisii saddexaad oo xiriir ah walow, Mauricio Pochettino uu keydka galin karo da’yarka

RAAD RAAC

-Chelsea lixdii kulan ee ugu dambeeysay shabaqeeda wey ilaashatay

-Chelsea guul darro lama kulmin 20kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay Stamford Bridge kula dheeshay Tottenham dhammaan tartamada

-Chelsea wey badisay lixdii kulan ee ugu dambeeyey

-Tottenham bar bar dhac ayey gashay saddexddii kulan ee ugu dambeeyey ee ay dibada ku soo dheeshay