HOR DHAC: Sevilla Vs. Juventus

0
326

waaxa qorey yaasir br

Juventus waxa ay booqan doontaa Spain kulan ka tirsan Champions League.

Dhinaca Allegri waxa ay rabaan in heer ciyaareedkooda Serie A-ga ay u badalaan mid qaaradda ah.

Maxaa Juve ka cusub?

– Gonzalo Higuain dhaawac cajirka oo soo gaaray ayuu ku seegi doonaa kulankan salaasada ee Sevilla

– Moise Kean ayaa la filayaa in uu duullaanka ku weheliyo Mario Mandzukic

– Gianluigi Buffon oo la nasiyey kulankii toddobaadkan waxaa la filayaa in uu shaxda ku soo laabto

– Miralem Pjanic, Giorgio Chiellini, Claudio Marchisio iyo Dani Alves oo dhammaan la nasiyey kulankii Serie A-ga wey ciyaari doonaan

– Mario Lemina wuu soo dhammeystay kulankii la ganaaxay waana diyaar balse waxaa dhaawac ku maqan Marko Pjaca.

– Stephan Lichtsteiner isaga looma xulan safka Champions League gabi’ahaanba

RAAD RAAC

-Sevilla gool lagama dhalin shantii kulan ee ugu dambeeysay Champions League

-Sevilla wey badisay saddexdii kulan ee ugu dambeeysay Champions League

-Juventus lagama badin lixdii kulan ee ugu dambeeysay Champions League