Horta arrintaasi ka dhacday golaha wakiilladu waa mid haybaddii Somaliland wax u dhintay,” Axmed Yuusuf Yaasiin

0
492

Horta arrintaasi ka dhacday golaha wakiilladu waa mid haybaddii Somaliland wax u dhintay,” Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa(Warsugannews)September-14-2015- Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka digay in golaha wakiilladu noqdo laba garab oo is barbar socda, kaasi oo masiirka umadda khalkhal galin kara.

Waxa uu sheegay in dagaalkii dhex maray Guddoomiye Cirro iyo kuxigeenkiisa koobaad ahaa mid wax weyn u dhimay meeqaamka Somaliland, islamarkaana ahaa dhacdo aan loo baahnayn “Horta arrintaasi ka dhacday golaha wakiilladu waa mid haybaddii Somaliland wax u dhintay,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin
.
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu ku taliyay in xalka arrintaasi aan loo dhaafin guddida anshaxa iyo guddida joogtada ee golaha wakiillada oo iyagu ay tahay inay qaraar ka soo saaraan. Waxa uu sheegay inay haboon tahay in golaha oo si wada jir ah u shaqaynayaa uu dalka doorasho gaadhsiiyo, kana baxo is qabqabsiga.

“Arrintani way dhacday, waana wax ka dhaca dunida oo dhan laakiin, arrintaas yaa maanta galaya? Goluhu wuxuu leeyahay guddi la yidhaa guddida joogtada oo u qaabilsan anshaxa golaha, guddidaasi waa inay fadhiisato oo go’aan ka soo saarto labada guddoomiye ee dagaalamay, maxaa yeelay iyagaa labada guddoomiye doortay,” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka hore.

Waxa uu intaasi sii raaciyay “Waxaanse ka digayaa, Waxaa iman karta in la yidhaa cid xilka halaga qaado, waxaan qabaa xilligii cid xilka laga qaadi lahaa way dhaaftay, mana rabno waddanku inuu kala qoqobmo, markaa waxaan leeyahay inagoo is wadana oo goleheenu shaqaynayo xeerarkii ha dhammeeyo si doorashadu u dhacdo.”

Madaxweyne xigeenka hore waxa uu ka digay golaha oo noqda laba garab “Waxaan ka hadlayaa si aan doorashada dambe khalkhal u galin oo aanu golahani noqon laba gobol oo sidii kii 1993-gii is garab socda oo aan fadhiisan. Markaa waxaan leeyahay khalkhal buu galin karaa masiirka umadda, markaa waxaan leeyahay ciddii talo ka gaysanaysa iyo cidii hawl ka gaysanaysaaba ha ka gaysato laakiin yaan loo dhaafin guddida joogtada ah, guddida joogtada ahina ha soo saaraan qaraar oo ha anshax mariyaan labada guddoomiye,” ayuu yidhi Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin.

Guddoomiye Cirro iyo kuxigeenkiisa koowaad Baashe oo sabtidii fadhigii golahaasi oo xaasaasi ahaa isku faro saaray ayaa dartood golaha loo fasaxay si labada dhinac la iskugu soo dhaweeyo, iyadoo durba guurtidu dhexdhexaadin ka dhex bilawday labada dhinac.

Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxuu ku taliyay in xukumaddu sharciga waafajiso hantida guurtada iyo ma guurtda ah ee ay ku wareejinayso dad shacab ah. Waxa uu sheegay inay haboonayd in golaha wakiilladu sameeyo xeer lagu maamulo hantida guud, maadaama wasaaradda ganacsigu samayn wayday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here