Horumarka Laga Dareemayo Magaalada Burco Kadib Imaatinkii Madaxwayne Siilaanyo Ku Tagay Magaalada Burco Bishii Hore….By Cabdilaahi Al-cadaala.

0
991

Horumarka Laga Dareemayo Magaalada Burco Kadib Imaatinkii Madaxwayne Siilaanyo Ku Tagay Magaalada Burco Bishii Hore….By Cabdilaahi Al-cadaala.

Tan iyo wixii kadanbeeyay imaatinka madaxwayne axmed maxamed silaanyo kal hore ku yimid magaalada burco ,waxaan si muuqata isusoo tarayay horumar sal iyo baar leh oo si togan uga daahiray maagalada burco ,waxana dadwaynaha qaarkood oo fursad u helay madaxwaynaha markii uu yimid ay hordhigeen tabashooyin facbalaadhan oo ku aadan xukuumadiisa iyo maamulka ladoortay ee degmada burco ,waaxaana madaxdii uu horkacayay madaxwaynuhu indhooda ku arkeen wadciga iyo waxyaabihii horumarka ama dibu-dibu dhaca ahaa ee ka jiray gobolka togdheer gaar ahaan degmada burco. Nalalka iftiimiya jidadka laamiga ah iyo sare uqaadida bilicda iyo faya dhawrka magaalada ayaa ah taloobiyinka carcarta leh ee durba aad ka dareemayso magaalada burco ,waxaana xukuumadu garwaaqsatay tabashooyinkii iyo saluugii shacabka gobolku ka muujiyeen kaaalmda

iyo taakulada xukuumada ee la xidhiidha horumarinta adeega bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka ,iyadoona xukuumadu ilaa haatan si wayn horumar muuqda uga gaadhay cisbitaalka magaalada oo bixiya adeegyada caafimaadka oo lagu bixiyo si lacag la,aana inta badan ,wakaalda biyaha oo meelu durugsan gaadhsiisay adeega helitaanka biyo waxkhti kasta iyadoo lagu helaayo imkaaaniyaadka suurogalka ah ee dadku awoodaan, waxaasoo dhan waa horumarka xukuumadu ku talaabsatay intuu uu xafiiska taladda dalka joogay madaxwayne siilaanyo .

Hadaba madaxwaynuhu intuu joogay magaalda waxaa uu xadhiga ka jaray mashaariiic horumarineed oo doora ,waxana geesta kale uu dhagax dhigay kuwa kale iyadoo ay wali jiraan mashaariic aan la dhamaystirin sida jidad halbowle u ah isku xidhka iyo isu socodka magaalada iyo hirgalinta ceelal biyoodyo looogu deeqayo barakacayaasha ,waaxana wali aan maare buuxa loo helin xalinta khilaafaadka dhulka oo haatan noqotay aafo ama masiibo qaran oo halkaysay Somaliland marar badana salfatay nolosha dad iyo duunyo , iyadoo hagardaamona kasoo gaadhay kuwo kale oo police-ku kujiro waana mid looga fadhiyo inuu golaha deegaanka ladoortay udejiyo qorshe istiraatiijiyadeed oo firfircoon si looga baaqsado dhibaatada soo laalaabata .

waxyaalaha kale ee la xusi karo waxaa kamida dhismaha iyo dibu casriyaynta ka socota madaarka dayuuraduhu kahaadan kana soo degan ee magaalada burco oo indhowaalaba dibu casriyayntiisa ay iska kaashanayeen qurba jooga iyo dadwaynaha gobolku si looga raysto raxanreebka iyo socdaalka dheer ee dadku kusoo gaadhayaan magaalada, waxaana qurba joogu ka muujiyeen walaaac qabyo tir la,aanta ka muuqata garoonka ,jidadka,xarumaha adeega bulshada,wasaaraha qarkood iyo goobaha taariikhda lagu xafido sida taaalada sheeekh bashiir iyo xarumaha lagu daryeelo naafad iyo dadka dhimirka wax ka qaba. Hadaba waxaa looga fadhiyaa inay xukuumadu iyo golaha deegaanku fuliyaan balanqaadyadii shacabka gobolku hore uga gunteen lana gacalo gacanta xukuumad iyo shacab ka midaysan horusocod wax qabad iyo amni ee haatan Somaliland lagu majeerto ayna dheertahay dalal badan oo aqoonsi caalamiya haysta oo hadana goroda kula jira dagaalo iyo colaaado sokeeeye oo xiira-xiira ah.

Hadaba dhismayaasha saraha muuqa dheer oo heegoyinkoodu horumariyeen magaalada ,iyo maalgashida qurba joogta iyo ganacsatadu sameeyeen ,nalalka habeenkii iftiimiya jidadka ,koboca isboortiga dhulka galay oo haatan mustaqbal rajo xanbaarsani usoo muuqday iyo garoomada la goglo cawska macmalka ah ee dhalintu ku ciyaaraan ayaa ah waxyaalaha sanadan aadka looga dareemay magaalada ,hadaba xukuumada Somaliland ayaa looga fadhiyaa inay la timaado qorshe ay ku kasbanayso quluubta dadyawga aan la dhacsanayn xukuumada iyo habka ay uwaajahayso horumarka gobolka.

By:- Cabdilaahi Al-cadaala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here