Horyaalka LA LIGA Spain oo Furmay iyo Barcelona oo Si Dirqi Ah Ku Badisay Xilli Lionel Messi Rigooradii 14-aad Waayihiisa Ciyaareed uu Qasaariyay

0
496

Luis Suarez scored and Lionel Messi missed the 14th penalty of his career as Barcelona beat Athletic Bilbao in their La Liga openerHoryaalka LA LIGA Spain oo Furmay iyo Barcelona oo Si Dirqi Ah Ku Badisay Xilli Lionel Messi Rigooradii 14-aad Waayihiisa Ciyaareed uu Qasaariyay+SAWIRO.

Kooxda difaacanayso horyaalka Spain ee Barcelona ayaa guul ku biloowday La Liga xilli ciyaareedka 2015-2016 kadib markii si dirqi ah ay kaga badiyeen naadiga Athletico Bilbao.
Messi-squandered-a-chance-to-get-his-first-La-Liga-goal-from-the-penalty-spot-in-the-first-half

Thomas Vermaelen (centre) made a rare start for Barcelona in the first La Liga game against Athletic BilbaoKulankaan oo ka dhacay garoonka San Mames oo ay leedahay Athletico Bilaboa ayaa ahaa furitaanka horyaalka dalka Spain xilligaan waxaana Barcelona ay ku dhibtootay guul ay ka gaarto kooxda ka qaaday Super Cup-ka dalka Spain Athletico Bilboa oo muujisay awood ciyaareed.

Gool uu dhaliyay daqiiqaddii 54-aad weeraryahanka wadanka Uruguay Luis Suarez ayaa u suura galisay naadiga weyn wadanka Spain Barcelona inay 1-0 ku badiso iyadoo xilli ciyaareedka cusub u muuqanayso mid gaabis ku biloowday.
Luis-Suarez-scored-and-Lionel-Messi-missed-the-14th-penalty-of-his-career-as-Barcelona-beat-Athletic-Bilbao-in-their-La-Liga-opener
uarez (centre) celebrates lashing home in the 54th minute to give Barcelona the lead at the San MamesLuis Suarez ayaa goolkaan dhaliyay kadib markii kubad karoos ah uu ka hellay daafaca wadanka Spain u dhashay ee dambeedka bidix Jordi Alba.

Hargeysa(Warsugannews) Weeraryahanka reer Uruguay Suarez ayaa markii ugu horeeysay ciyaaray ciyaar furitaan horyaaleed muddo dhan 3 sanno isagoo ganaaxyo ku maqnaa saddexdii sanno lasoo dhaafay kulamada biloowga horyaalada sababo dhaqan xumo iyo qaniinyo.

Messi squandered a chance to get his first La Liga goal from the penalty spot in the first halfLaacibka 4-ta jeer ku guulaystay xidiga adduunka iyo yurub Lionel Messi ayaa qeybtii hore ciyaarta gaar ahaan daqiiqaddii 31-aad ka qasaariyay kooxdiisa rigoore ama gool ku laad waxaana ka qabtay goolhayaha naadiga Athletico Bilbao oo lagu magacaabo Gorka Iraizoz oo soo bandhigay inuu yahay goolhaye heer sare ah.

Messi had a penalty saved in the 31st minute of the game for Barcelona against Athletic BilbaoRigoorada ay heshay Barcelona oo uu qasaariyay Lionel Messi ayaa timid markii ciyaaryahan Gorka Elustondo oo Athletico Bilbao ka tirsan uu qalad ku galay xidigii hore kooxda Liverpool Luis Suarez kadibna garsooraha kulankaan uu rigoore ku abaal mariyay Barcelona.

Lionel Messi ayaa rigooradaan uu qasaariyay oo laga qabtay kulankaan furitaanka horyaalka Spain ayaa noqonayso markii 14-aad waayihiisa ciyaareed oo laga qabto ama uu qasaariyo rigoore.

Barcelona talisman Lionel Messi (left) congratulates Suarez after the Uruguayan scored against BilbaoCiyaartaan ayaa Barcelona waxaa dhaawac ugu maqnaa Dani Alves iyo Sergio Busquets halka Gerard Pique uu ganaax afar kulan ah ku maqan yahay iyadoo laacibka reer Brazil Neymar uu ku maqnaa xanuun jeermis oo ka haleelay qoorta.

Messi (right) shrugs off the challenge of Balenziaga as he makes his way to goal for Barcelona Xidigihii u Safnaa kooxaha Athletico Bilbao iyo Barcelona.

Athletic Bilbao: Iraizoz, De Marcos, Balenziaga (Boveda, 50), Laporte, Elustondo, Benat, Rico (Ibai, 63), Eraso, Susaeta, Aduriz, Sabin Merino (Gurpegui ,63).

Barcelona: Bravo, Alves (Roberto, 19), Mascherano, Vermaelen, Alba, Busquets (Bartra, 68), Rakitic, Iniesta, Suarez, Messi, Rafinha (Sandro, 82).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here