Ibrahimovic: Pogba waa in uu la tacaalaa cadaadiska

0
389

Zlatan Ibrahimovic waxa uu kalsooni ku qabaa in Paul Pogba la tacaali doono cadaadiska 24-ka saac ah ee saran kaddib bandhigiisii liitay ee kulankii Liverpool.

Pogba, kaas oo ku soo biiray Manchester United xagaagan kaddib markii ay Juventus uga soo iibsatay aduun rikoor noqday ayaa gool ku laad ku keenay ciyaartii Liverpool, kulankaas oo bar bar dhac 1-1 ah ku dhamaaday.

Ibrahimovic aad ayuu u garanayaa cadaadiska maadaa uu u soo dheelay kooxo waa weyn sida Juventus, Milan iyo Barcelona.

Waxa uu yiri: “Cadaadiska waa wax aan ku raaxeysto. Garan maayo Pogba shaqsi ahaan si aan uga jawaabo su’aashaa. Laakiin waxaa qabaa in uu ka helo (Cadaadiska) maxaa yeelay, suulasha kuma taagnaaneyno si aan u joogto heerka ugu sarreeya.

“Hadii aad dooneysid in aad heerka sare ka dheesho, cadaadiska waa 24-ka saac hadii aad si fiican u dheesho iyo hadii kaleba, cadaadiska xitaa wuu sii weynaadaa.

“Markaa waa arin aan wax ka barano oo ay tahay in aan la tacaalno maxaa yeelay waxaan u qalannaa heerka sare. Paul waxa uu u qalmaa heerka sare dhabtii cadaadisna wuu jiri doonaa.”