Imaaraadka oo degdeg ugu yeedhay safiirkeeda Somalia iyo xidhiidhka labada dal oo mugdi sii galaya

0
469

Imaaraadka oo degdeg ugu yeedhay safiirkeeda Somalia iyo xidhiidhka labada dal oo mugdi sii galaya

Muqdisho(WSN)War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka Carabta ay u yeertay Safiirkeeda ka howlgala Somalia, gaar ahaan Xarunta magaalada Muqdisho. Dowlada Imaaraadka ayaa 24saac gudaheeda ugu baaqday in Safiir Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamadi uu kusoo gaaro magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Imaaraadka.

Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamadi, ayaa ka howlgalaayay magaalada Muqdisho dhowr sano laga soo bilaabo xiligii uu dalka ka ariminaayay Shariif Sheekh Axmed ilaa Madaxweynihii bedelay ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowlada Imaaraadka ayaa ka gaabisay xiriirka kala dhexeeyay Somalia, tan iyo markii ay soo dhawaatay Doorashada Somalia, iyadoo sababta lagu sheegay Khilaaf ba’an oo kala dhexeeyay Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

Khilaafka waayadaani Imaaraadka kala dhexeeyay Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa yimid kadib markii ay Imaaraadka ku taageereen Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid doorashadii Madaxtinimadda ee la qabtay bishii February 8-dii ee sannadkan. U yeerida Safiirka cusub ee Dowlada Imaaraadka u fadhiya Somalia, ayaa la sheegay inay la xiriirto Khilaafka diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Somalia iyo Imaaraadka kaa oo dhawaan ka dhashay Saldhigga Milliteri oo ay Imaaraadka ka dhisanayaan Magaaladda Berbera.
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa dhawaan ka biya diiday Heshiiska Saldhiga Berbera ee dhexmaray Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, waxaana la xaqiijiyay in talaabadaani ay sabab u tahay go’aanka ay Imaaraadka ugu yeertay Safiirkeeda Somalia.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan booqday Sacuudiga ayaa ka dalbaday Madaxda dalkaasi inay dhexdhexaadiyaan Somalia iyo Imaaraadka Carabta.
Dhinaca kale, Dowlada Imaaraadka ayaa kamid ah Dowladaha sida ba’an kaga soo horjeeda Dowlada cusub ee 8 Feb, 2017 u curatay Somalia.