In ka badan 100 ruux oo u badan siyaasiyiin kurdi ah oo lagu xir-xiray dalka Turkiga

0
396

Booliiska dalka Turkiga ayaa xirxiray 118 masuul oo ka tirsan xisbiga HDP, iyaga oo lagu eedeeyay in ay calaaqaad la leeyihiin maleeshiyada Kurdiyiinta ah, sida ay baahisay warbaahinta dawladdu.

Waxaa loo qab-qabtay shaki la xiriira in ay ka mid yihiin ururuka PKK ee la mamnuucay, sida ay wararku sheegayaan.

Xirxiritaankan ayaa yimid labo maalmood ka dib markii ay labo qarax ka dhaceen meel u dhaw garoon ku yaalla magaalada Istanbul kaas oo ay ku dhinteen 44 ruux.

Dhanka kalana dalka Austria ayaa ku baaqday in gabi ahaanba meesha laga saaro wadahadalka Turkiga ee ku aadan ka mid noqoshada Midawga Yurub