IN UU DIEGO COSTA KA BADALI DOONO QAABKA DAGAALKA AH, IN UU KA XUN YAHAY XAALADA HAYSTA TABABARAHA NEWCASTLE UNITED EE STEVE MCCLAREN IYO WAXYAABO UU MOURINHO SHIRKIISA JARAA’ID KAGA HADLAY

0
521

Hargeysa(Warsugannews)Tababaraha kooxda Chelsea ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay shirkiisa ka horeeya kulanka ay Chelsea u safri doonto kooxda Newcastle United. Mourinho ayaa dib ugu laabanaya kooxda Newcastle United oo aanu waligeed garoonkeeda wax guul ah ku soo gaadhin, balse waqtiga ay Chelsea xili ciyaareedkan boqonayso kooxda Newcastle United ayaa ah waqti ay Newcastle ku jirto masiibo iyada oo shaqada tababaraheeda Steve McClaren ay halis ku jirto. Newcastle United ayaa xili ciyaareedkan wax guul ah gaadhin, waxaana laga soo reebay Capital one Cupka.
Mou

Mourinho ayaa la waydiiyay inuu ka murugaysan yahay cadaadiska haysta macalinka Newcastle United ee Steve McClaren wuxuuna Mourinho sheegay in tababare kastaba uu culays haysto marka laga reebo tababare kaliya kaas oo aanu magiciisa sheegin wuxuuna yidhi: “Waxaa jira tababare kaliya oo aan cadaadis ku hoos jirin,tababare kastaba cadaadis ayaa saaran,Steve McClaren ayuu cadaadis saaran yahay, Brendan Rodgers ayuu cadaadis saaran yahay, Pellegrini ayuu cadaadis saaran yahay, waxaan ka xumahay cadaadiska dhamaantood haysta, dabcan waan ka xumahay cadaadiska Steve McClaren haysta”.

Intaa kadib ayaa Mourinho wax laga waydiiyay qaab uu Diego Costa u ciyaaro iyo iyo inuu u baahan yahay inuu isbadal ku sameeyo qaabka dagaalka ah ee uu u ciyaaro wuxuuna Mourinho yidhi: “Anigu kama jawaabayo, sababtoo ah aniga waa la iganaaxay, waxaanan doonayaa in aan kursiga kaydka fadhiyo. Buugaagta sharciga waxaa ku qoran in tababarayaasha qaar ka hadli karaan garsoorayaasha ka hor kulanka ama kulanka ka dib, anigu waxaan ka mid ahay kuwo la ciqaabo. Anigu waxaan ku jiraa liiska tababarayaasha aan loo ogolayn inay hadlaan, waa liis mala awaal ah laakiin cad”.

Mourinho ayaa ku adkaystay in dhamaan gool dhaliyaasiisu yihiin gool dhaliyaal fiican wuxuuna yidhi: “Dhamaan gool dhaliyaashayadu waa kuwo fiican, waxaanu haysanaa gool dhaliyaal fiican. Remy waxa uu ka hor imanayaa kooxdiisii hore. Loic waxa uu doonayaa inuu kulankasta ciyaaro, mana filaayo inuu dhiiro galin ka badan tii Walsall ka heli doono haddii uu Newcastle gool ka dhaliyo “.

Mourinho ayaa aaminsan in kooxdiisa Chelsea ay ka fiican tahay sidii ay ahayd bil ka hor wuxuuna yidhi: “Waxaanu u muuqanaa in aanu ka fiicanahay sidii hore, laakiin ma doonayo in aan haa idhaa oo ay haddana natiijo xumi soo baxdo, waxaan hubaa in aanu si fiican u shaqaynano iyo in ciyaartoydu ay soo fiicnaanayaan, waxa anaan filayn ayaa ah in aanu dhibco badan lumino”. Mourinho ayaa dhinaca kale cadeeyay in ayna jirin wax dhaawacyo cusub oo kooxdiisa soo gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here