Indhayar dhibaato kala kulmay sameysiga baasaboor sababo la xiriira indhihiisa oo “aad” u yar-yar

0
595

Nin New Zealand u dhashay balse asal ahaan ka soo jeeda Aasiya ayay dhibaato qabsatay ka dib markii qalabkii baasaboorka samaynayay uu aqbali waayay sawirkiisa sababtuna ay ahayd qaabka ay u samaysan yihiin indhihiisa.

Qalabkii baasaboorka samaynayay ayaa sheegay in ay cilad jirto oo Richard Lee uu indhaha isku hayo, balse indhihiisa ayuu si fiican u kala hayay.

Balse Richard ayaa tilmamaay in arrintu aysan cunsuriyad ahayn ee ay tahay khalad ka dhacay wax aan bannii’adam ahayn oo qalab ah. ”wax dareen ah ma jiro” ayuuna hadalkiisa sii raaciyay.

Wiilkan oo ah arday injineernimo barta ayaa sawirkiisa u diray wasaaradda arrimaha gudha isaga oo sii mariyay tiknoolajiyad hubisa sawirrada, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay wiilkaas oo 22 jirka ah

Richard ayaa jaamacadda ka dhigta magaalada Melbourne, ee dalka Australia. Wuxuu ku dhashay Taiwan balse wuxuu ku koray dalka New Zealand, wuxuuna rabay in uu cusboonaysiisto baasaboorkiisa si uu ugu laabta dalka Australia maadaama uu fasax u tagay New Zealand.

Markii u la xiriiray wasaaradda arrimaha gudaha waxaa loo sheegay in uu hoos ama har badan uu hayo indhihiisa. Sawir kale oo uu diray ayaase markii dambe la aqbalay baasaboorkiina waa loo cusboonaysiiyay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in boqolkiiba labaatan sawirrda online-ka lagu soo gudbiyo, iyadoo hanaanka la adeegsanayo uu ku tilmaaamo in dadku ay indhaha isku hayeen marka ay sawirka soo galayeen