”Inter Milan iyo Juventus hadda waa isku xoog” – Massimo Moratti

0
344

Massimo Moratti ayaa rumaysan in Inter Milan ay haatan ”ku xoog tahay” kooxda Juventus, isagoo sheegay in “a few tweaks” will close the gap.

Kooxda Bianconeri ayaa hanatay 5-tii horyaal ee ugu dambeeyay oo is xigey iyadoo haatanna 7 dhibcood ku hoggaaminaysa horyaalka, halka Beneamata ay 15 dhibcood ka hooseeyso hoggaamiyayaasha iyagoo lkn badiyay 8 ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Serie A, balse madaxwaynihii hore ayaa aaminsan inuu farqigu soo yaraanayo.

“Taageere ahaan had iyo goor kooxdaada waad ku kalsoon tahay. Inter haatan waa koox xiise gelinaysa qof kasta, qof kasta rajo ayuu ka qabaa,” ayuu Moratti ku yiri Sky.“Mustaqbalku waa wacan yahay. Farqiga Juve? Hadda kaddib sidaa uma wayna, haddii in yar lagu darana kooxuhu isku mid bay noqonayaan.” ayuu raaciyay.