Isu-Duwaha Wasaradda Diinta iyo Awqaafta Gobalka Togdheer Oo Shaciyay in Wasiirka Wasaradaasi Soo Afjaray Khilaaf u Dhaxeyay Culimada Gobalka Daad-Madheedh

0
359

Isu-Duwaha Wasaradda Diinta iyo Awqaafta Gobalka Togdheer Oo Shaciyay in Wasiirka Wasaradaasi Soo Afjaray Khilaaf u Dhaxeyay Culimada Gobalka Daad-Madheedh

Burco (warsugannews) Iyada oo uu mudooyinkii u danbeeyayba soo noqnoqanayay khilaaf dhanka diinta ah oo samayn Xoogan ku Keenay Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Daadmadheedh Ee Oodwayne

Ayaa Maanta Shir-Jaraid Oo Uu Magalada Burco ku Qabtay Isu-Duwaha Wasaradda Diinta iyo Awqaafta Gobalka Togdheer Kayse Xaji Diiriye ayaa si Rasmiya u Shaciyay inuu Wasiirka Wasaradaasi Sheikh Khaliil Uu Rasmiya Ugu Gulaystay inuu soo Afjaro Khilaafkasi,

Isu-Duwaha Wasaradda Diinta iyo Awqaafta Gobalka Togdheer Oo Arrimahaasi ka Hadlaya ayaa waxa ka mid ahaa Hadalidisii Sida Tan

“ Waxaan Maanta Cadaynayaa in si Rasmiya Loo soo Afjaray Khilaafkii u Dhaxeyay Culimada Gobalka Daad-Madheedh Oodweyne Ee Magalada Goro-yood layskuna soo dhaweyay.Arrintaasi sidas ayay ku dhamatay,Waxaanan Cadaynayaa Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu Sheikh Khaliil Waa Wasiir u Dhaxeeya Culimada Qaybaheeda Kale Duwan Dhan,Khilaafkasna sidaas ayuu ku dhamaday,Waxaanan sidoo kale Shegayaa inuu Wasiirku Heegan ugu Jiro inuu isku hal mowqif ka dhigo Culimada dalka” ayuu Yidhi Isu-Duwaha Diinta iyo Awqaafta Gobalka Togdheer

Ugu Danbayntii Soo Afjarida Khilaafka Mudada Dheer u dhaxeyay Culimada gobalka Daad-Madheedh ayaa ku soo beegmaya wakhti maalmo ka hor uu Badhisabka Gobalkaasi Uu Xabsiga Magalada Oodweyne u Taxabay Culimo Kale Duwan,

warsugamedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here