ITALY: Dowladda Falastiin oo safaaraddii ugu horeysay ka furatay xarunta Vetican-ka

0
369
Pope Francis is presented with a gift by Palestinian President Mahmoud Abbas during a private audience at the Vatican, Saturday, Jan. 14, 2017. (Giuseppe Lami/ANSA pool via AP)

Dalka Falastiin ayaa safaaradiisii ugu horeysay ka furatay xarunta Vatican-ka oo ah “dal”l yar oo ka madaxbannaan dalka Talyaaniga, waxaana halkaasi booqasho rasmi ah ku tagay madxaweynaha dalka Falastiin Mahmoud Abbas.Madaxweynaha Falastiin ayaa la kulmay Pope Francis, oo ah Baadariga Mad-habta Catholic-gada, waxana ayna labada dhinac kawada hadleen muhiimada ay leedahay safaaradan laga furay xarunta Vatican-ka, maadaama Vatican-ku u aqoonsaday dalka iyo dowlada rasmiga ah Falastiin.Madaxweyne Mahmoud Abbas ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in ay safaarad ka furtaan xarunta Vatican-ka, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo Dowlada Falastiin ay soo dhaweenayaan arintaasi.