Ivory Coast oo heshiis la gashay ciidammadii gadooday

0
376

Dowladda Ivory Cost ayaa heshiis la gashay ciidammadii gadooday waxyar un kaddib markii ay wadahadallada hakiyeen rasaas halkaasi ka dhacday.
Xilli dambe oo Jimcihii ah ayaa waxaa rasaas laga maqlayay magaalada labaad ee ugu weyn Ivory Coast, ee Bouake, iyo xeryaha milateriga ee ku yaal caasimadda ganacsiga ee Adidjan, taasi oo dhalisayba cabsida ah in wadahadalladu ay qarka u saaran yihiin inay burburaan.
Labada dhinac ayaa saacado ku wadahadlayay magaalada Bouake ka hor inta aanay heshiiska gaarin.
Heshiisku waxa uu xallinayaa muran dhanka mushaarka ah oo todobaadkii hore horseeday kacdoon socday laba maalmood.
Gadoodka ciidammada ee todobaadkii tagay ayaa la qaboojiyay markii ay dowladdu ogolaatay waxyaabihii ay milaterigu dalbanayeen, hasayeeshee weli waxa uu muran ka taagan yahay qaabka loo dhigayo.
Mid ka mid ah dadkii milateriga ku matalayay wadaxaajoodka ayaa sheegay in rasaasta soo cusboonaatay ay qaboojisay cabsidii laga qabay in dowladda ay ka baxdo heshiiska ay ku bixinayso gunnada ciidammada.
Ku dhawaad 8,000 oo askari ayaa midkiiba loo ballanqaaday 12m oo CFA francs (oo u dhiganta $19,300), hasayeeshee waxba lagama bixin lacagtaasi.