Jaamacadda ADMAS Oo 8 Kartoon Oo Buugaag Ah Ugu Deeqday Maktabada Hargeysa Public Library

0
428

Hargeysa: Jaamacadda ADMAS Oo 8 Kartoon Oo Buugaag Ah Ugu Deeqday Maktabada Hargeysa Public Library

Hargeysa (Warsugannews)- Jaamacadda ADMAS faraceeda Hargeysa ayaa maanta siddeed kartoon oo ay ku jiraan buugaagta jaamacadaha lagu dhigto sida sayniska, xisaabaadka iyo IT-da iyo buugaag kale, waxay ugu deeqday maktabada Hargeysa Public Library.

Munaasibadda guddoonsiinta buugaagta oo ka dhacday xarunta maktabadda, ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay jaamacadda ADMAS iyo xubno ka mid ah maamulka sare ee Hargeysa Public Library.

Ugu horrayn guddoonsiintii buugaagtaa waxa ka hadlay Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare) oo ka mid ah maamulka sare ee maktabadda Hargeysa Public Library oo sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo jaamacadda ADMAS buugaagta ay soo gaadhsiisay, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi: “Waxa maanta farxad noo ah in aanu jaamacadda ADMAS ka guddoono siddeed kartoon oo ay ku jiraan buugaagta jaamacadaha oo ay jaamacaddu ugu deeqday Hargeysa Public Library. Runtii aad ayaanu jaamacadda deeqdaas uga mahadcelinayaa. Waayo? Maktabadda waxa wax ku akhrista arday fara badan oo isugu jirta kuwa jaamacadaha iyo dugsiyada sare. Ardayda jaamacaduhu waxay aad ugu baahnaayeen inay helaan buugaagta Jaamacadaha lagu dhigto. Waxaana aanu dareemaynnaa in jaamacaddu gudatay waajib aanu xaq ugu lahayn maadaama oo aanu ka midaysanay horumarinta aqoonta.”

Wuxuu Cabdishakuur Heersare sheegay in maktabada Hargeysa Public Library ay asaaseen 2011kii illaa xilliganna ay si wanaagsan u shaqayso, isagoo tilmaamay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo ka qayb qaadanaysa horumarinta maktabadda iyo wax ka qabashada baahiyaha ku geedaaman.

Waxa kale oo uu xusay in aan ardayda iyo dhalinyarada kale ee maktabada wax ku akhrisata aan wax shuruud ah lagu xidhin: “Ma jirto wax shuruud ah sida in qarash wax akhris laga qaado ardayda maktabada Hargeysa Public Library wax ku akhrisata. Waxaana maktabadu shaqaysaa labada gelin iyo xilliyada qaar sida waqtiga imtixaanaadka in illaa habeenkii la la shaqeeyo.” Ayuu yidhi Cabdishakuur Heersare.

Waxa isaguna waxa halkaa ka hadlay Cabdiraxmaan Cabdillaahi oo ka mid ah maamulka jaamacadda ADMAS oo sheegay inay jaamacad ahaan farxad weyn u tahay inay buugaag kuwa jaamcadda ah ku wareejiyaan maktabadda Hargeysa Public Library. “Buugaagtani waa kuwii ugu danbeeyey ee la soo saaro ee ardayda jaamacaduhu akhristaan. Waxaana hadda maktabadda gudaheeda iiga muuqda oo wax ku akhtrisanaya ardayda dhigata jaamacadda ADMAS. Markaa waxa cad inay tahay maktabad ay cid kastaa wax ku aqkhtisato oo cid gaar ah looguma talogelin.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Wuxuu intaa raaciyey oo uu yidhi: “Runtii buugaagtan aanu maanta keennay waxa loogu talo galay inay ka faa’idaystaan ardaydu oo ay akhristaan. Buugaagtaas aanu keennay waa qaar muddo dheer u oollaya oo waxa loogu talo galay ardayda hadda joogta iyo jiilka soo socda ba. Aadna way u mahadsan yihiin guddiddaa muddada gacanta ku haysay jaamacaddu.”

Ciise Maygaag oo isna ka mid ah maamulka jaamacadda ADMAS oo isna ka hadlay guddoonsiinta buugaagtaa, ayaa sheegay in buugaagtani aanay noqon doonin kuwii ugu danbeeyey ee jaamacaddu ugu deeqdo maktabadda Hargeysa Public Library.

Waxa kale oo Ciise ku baaqay in laga qaybqaato horumarinta Hargeysa Public Library, isagoo sheegay in laga faa’idaysto buugaagta cilmiga ah ee ay ugu deeqeen maktabadda.