Jaamacaddu waa jaamacad caalamiya,waa jaamacad qaybo kala duwan ku leh mandaqadda aynu ku nool nahay”Guddoomiyaha jaamacadda New Generation‏

0
379

“Jaamacaddu waa jaamacad caalamiya,waa jaamacad qaybo kala duwan ku leh mandaqadda aynu ku nool nahay”Guddoomiyaha jaamacadda New Generation‏

Hargeysa (Warsugannews)-Guddoomiyaha jaamacadda New Generation,qaybteeda magaalada Hargeysa Md.Mustafe Al-Khaliiji oo maanta warfidiyeenada kula hadlayey magaalada Hargeysa,gaar ahaan xafiiska jaamacadda New Generation ayaa ka Hadley heerka waxbarashada jaamacadda New Generation,sidoo kale waxaa uu ka hadlay koorsooyinka ay jaamacaddu bixiso iyo waxyaabaha ay kaga duwan yihiin jaamacadaha kale ee dalka“Jaamacaddu waa jaamacad caalamiya,waa jaamacad qaybo kala duwan ku leh mandaqadda aynu ku nool nahay,xarunta jaamacaddun waxay ku taalla Adis Ababa,waxay qaybo kale ku leedahay koonfurta Suudaan iyo Hargeysa oo xafiiskeeda maanta aan anigu ugu sarreeyo”

Sidoo kale Guddoomiyaha jaamacadda New Generation,qaybteeda magaalada Hargeysa Md.Mustafe Al-Khaliiji ayaa ka hadlay xilligii la aas-aasay qaybta jaamacadda New Generation ee magaalada Hargeysa“Jaamacaddan kambaskeeda halkan waxaa la aas-aasay sannadkii 2010-kii,iyada oo u jeedka loo aas-aaseyna ay tahay in ummaadda laga saaro waxyaabaha dhibaatada ku ah,oo uu ka kow yahay jahligu,kaddib markii nimankii aas-aasey aqoonyahanku waxay arkeen inay baahi wayn taallo dalka,loona baahan yahay waxbarasho sare iyo in shahaado caalamiya la helo”Ayuu yidhi Guddoomiyaha jaamacadda New Generation,qaybteeda magaalada Hargeysa Md.Mustafe Al-Khaliiji.

Waxaana uu sii raaciyey Guddoomiye Mustafe Al-Khaliiji“Jaamacaddu waa jaamacad ka shaqeysa Somaliland,waa jaamacad bixisa qaybo kala duwan,qaybaha kala duwan ee ay bixiso waxaa ka mid ah barashada ganacsiga iyo dhaqaalaha oo isaga qaybo kale hoos imanayaan,waxaana hoos imaada fakaltiga aanu caanka ku nahay ee aanu kaligayaga bixinno jaamacadaha geeska Afrika oo dhan ee ah maamulida dadka iyo hagidooda,waxaa kale oo aanu bixinnaa qaybta siyaasadda waxaa hoos immaada qaybtan inta badan madaxda aad aragteen ee xildhibaanada leh,Af-hayeenada leh iyo madaxda aad aragteen,qaybta barashada xidhiidhka caalamiga ah iy dimlomaasiyadda oo aanu u arkeyno inay wax wayn ku soo kordhineyso qaranka Somaliland maadaama uu la daalaa dhacayo sida uu ictiraaf u heli lahaa” Ayuu yidhi Guddoomiye Mustafe Al-Khaliiji.

Geesta kale Guddoomiyaha jaamacadda New Generation,qaybteeda magaalada Hargeysa Md.Mustafe Al-Khaliiji ayaa sheegay inay ogolaansho ka haystaan guddida tacliinta sare ee Somaliland iyo sidoo kale guddida tacliinta sare ee Itoobiya“Qaybahan aan bixinno waa qaybo aan ogolaansho u haysanno,jaamacaddu ma bixiso waxayna ogolaansho u haysan,oo aaney uga haysan guddida tacliinta sare ee Itoobiya iyo guddida tacliinta sare ee Somaliland,waad ogtihii ardayda jaamacadda ka baxda iyo ardayda jaamacadda Adis Ababa ka baxda waxay ku qalinjabiyaan meel kaliya Adis Ababa, xarunta midowga Afrika ee Adis Ababa,jaamacadda kaliyaata ee xarunta midowga Afrika ku qalin jabisa ayaanu nahay,qaybtaasi waa shahaadad koowaad”Ayuu yidhi Guddoomiye Al-Khaliiji.

Dhinaca kale Guddoomiye Mustafe Al-Khaliiji ayaa sheegay inay bilaabeen shahaadada labaad ee Master-ka,immikana ay diyaar ku tahay jaamacadda New Generation qaybteeda magaalada Hargeysa“Waxaanu bilowney oo immika socda shahaadadii labaad, shahaadadada labaad saddex maado ayaanu u haysannaa ogolaansho,dhakhaatiirtoodii darraad baan Adis Ababa ka soo noqday oo aan keeney dalka,fasalladii way socdaan”

Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi“Saddex maado ayaan ogolaansho u haysannaa marka la eego shahaadada labaad,shahaadada labaad ee barashada cilmiga ganacsiga,shahaadada labaad ee barashashada xidhiidhka caalamiga ah iyo shahaadada labaad ee barashada cilmiga maamulida dadka iyo haggidooda”Ayuu yidhi Guddoomiye Mustafe Al-Khaliiji.

Sidoo kale Guddoomiye Mustafe ayaa ka dhawaajiyey waxyaabaha ay jaamacadda New Generation horumarka ku gaadhay“Waxaad arkeysaa markaa jaamacaddu illaa 2010-kii iyo illaa maanta inay noqotay jaamacadaha ugu caasan Somaliland,dadku waxay is-weydiinayaan maxaa keenay oo ay u shuuqeen jaamacado hore u jirey oo ay jaamacaddana sida iftiinka uga if baxayso?”

Isaga oo sii faaf-faahinaya ayaa Guddoomiye Mustafe waxaa uu yidhi“Waxaa keeney dad fir-fircoon oo aan iska fadhiyin oo ay tamar badani ku jirto,inaanu siinney ardaydii aqoon tayo leh,manhajkaanu qaadaneynaa waa manhaj casriya oo la jaanqaadaya adduunka,macallimiintiina ay yihiin macallin shahaadada labaad haysata,macallin shahaadada koowaad haysataa jaamacadda 200 ku dhawaad ayaa ka shaqeeyoo ma jiro ” Ayuu yidhi Guddoomiye Mustafe Al-Khaliiji.

Guddoomiyaha jaamacadda New Generation,qaybteeda magaalada Hargeysa Md.Mustafe Al-Khaliiji ayaa sidoo kale sheegay inay caawiyaan ardayda dhigata dugsiyada dawliga ah,waxaana uu sheegay inay u qaybiyaan buugaag,maadaama ay ka aqoon hooseeyaan marka loo eego ardayda dhigata dugsiyada gaarka loo leeyahay,waa sida uu hadalka u dhigee“Waxaas oo dhan waxaanu uqabanneyney inaanu dalka wax u qabanno,waxyaabaha aanu dalka ka qabanneyno waxaa ka mid ah inaanu dadka aqoontooda kor u qaadno,waxaanu ogaanney in dugsiyada sare ee waliba dawlagi ah ay aqoontoodu ka hooseyso kuwii kuwa ka soo baxaya dugsiyada gaarka loo leeyahay,waxaan tallaabada u sameyney,oo aniga oo waliba u hoggaaminaya jaamacadda qaybteeda xidhiidhka dadweynaha,waxaan Buug u qaybiney 10 iskuul oo dawli ah sannadkii dhawaa oo ay ku jiraan iskuulka Maxamuud Axmed Cali,Faarax Oomaar,26-ka June iyo kuwii dhammaan dawliga si ay kor ugu qaadno ardayda ka soo baxaysa dugsiyda sare Insha allaahu tacaalaa”Ayuu yidhi Guddoomiye Al-Khaliiji.

Dhinaca kale Guddoomiyaha jaamacadda New Generation,qaybteeda magaalada Hargeysa Md.Mustafe Al-Khaliiji ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomey intii uu xilka jaamacadda hayey“Waxyaabihii Illaahay ila garab galay waxaaa ka mid ah inaanu kor u qaadney tayadii waxbarashada waxaan meesha kassaarney dhammaan macallin shahaadada kooowaad sitaa inuu wax u dhigo arday dhiganaya shahaadada koowaad,inaanu ka eegney ardayda waxa loo gudbinayo,waxaanu ku guuleysanney inaanu boqolkiiba boqol shuruucda jaamacadda sideedii u hirgelino”Ayuu yidhi Al-Khaliiji.

Guddoomiyaha jaamacadda New Generation,qaybteeda magaalada Hargeysa Md.Mustafe Al-Khaliiji ayaa sheegay waxyaabaha kaliyaata ee ay kaga duwan yihiin jaamacadaha kale ee dalka “Jaamacadda kaliyaata ee haddii ardaygu macallin khaladadaad ka sameeyo marka ay guddidu fadhiisato kaddib haddii uu ku caddaado erya caaqillaa la soo kaxaystaa ma aqbalno,markaa inaanu shuruucda dabaqano waa waxyaabaha ii qabsoomay”

Sidoo kale Guddoomiye Mustafe Al-Khaliiji ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi“Waxyaabaha jaamacadaha qaranka baabi’iyey waxaa ka mid ah waa qabyaalada,shaqaalaha qaar aanu shaqaaleysiinno qabiilkoodaba mana qaanno, waliba waxay ka shaqeeyaan boosaska sare jaamacadda”Ayuu yidhi Guddoomiyaha jaamacadda New Generation,qaybteeda magaalada Hargeysa Md.Mustafe Al-Khaliiji .