Jamaal Cali Xuseen Wuu Sugay Runta ( Abdi-Shotaly)

0
457

Jamaal Cali Xuseen Wuu Sugay Runta ( Abdi-Shotaly)!
“Warsugannews”
Ma og-tahay aqoonta amaah lay isuma siiyee, ma ahee waa intuu ruux-ba eebbe gashaa, ayey nala tahay annakee, Ma og-tahay dib looma abuuro dadkee! muwaadin, waa sidaase, musharaxa Xusbiga Ucid, Mudane Jamaal Cali Xuseen, wuu sugay runta oo xaqa buu sidiisa u dhigay, dhawr arimood oo uu ka hadlay, inta badana si aqooneed buu ugu sharaxay ummadda, waxan odhan karaa waa nin Illaah aqoon siiyey, oo wax garad ah. aan hadaba kuu soo dhaweeyo’e, bal hadda ila eeg xaajoo-yinka uu musharaxu qalin daraaleeyey, maalmiii ina soo dhaafay:-

(a) Wuxu si cad isu barbar taagay xaqa, markii uu ka hadlaayey, arinkii ka dhacay Golaha Wakiiladda, ee maafiyadda madaxtoo-yadu soo miinaysay Ku-xigeenka Golaha Mudane Baashe, halkii ay lahayd-na wuu dhigay, isaga oo runta ka sheegaaya, sababaha loo soo basbaaseeyey ku-xigeenka.

(b) Wuxu qarxiyey, in odayggii Ummadu dooratay, aanu awood u lahayn, waxna kala socon waxan, oo uu tiisii u liito, waayo isaga bay shicibka Reer Somaliland ka sugayeen, waxa ay sidani u timi, ilaa imkana lama hayo meel uu ku sugan yahay madax-weynihii loo codeeyey.

(c) Haddii uu bed-qabo, Tv-ga Iyo Idaacadaha, war-baahinta baa loo ogolaan lahaa, waa nin lagu shaqaysa-naayo, waana runtii oo wuu talax gabay.

(d) Arinta haamaha Shidaalka, ilaahay mahadi ha ka gaadhee, si wacan oo aqooneed, buu u kala dhig-dhigay, faa’iidadda ay haamahani u leeyihiin dalka iyo dadka, yihiina ama ku jiraan kaalinta sadexaad ee dhaqaalaha soomaliland, kuwaas oo sidan kala ah

(1) Dekedda Berbera,

(2) Xoolaha Nool,

(3) Haamahan hadda ay beladu ka taagan tahay,

(e) Sidoo kale wuxu Iyana, si qayrul-xad ah uu u qeexay, oo uu ka qanciyey ummadda Reer Somaliland, oo uu tusay la’aan-toodu, in ay Jiri-taanka dalka wax u dhimayso weyn, iyadda oo imikaba ay dhan walba ka aaseen, kuwan aan u qalminee faraha ku hayaa, haddii ay tahay arimaha debedda, iyo gudihii oo isagu in yar qarqarka u saran , in faraha la isula tago, iyaka oo beeraaya, dagaal sokeeye, si ay wakhti dherer uga dhig-taan. wuxu si weyn u sheegay, khasaaraha ay keeni karto haddii in yar koote loogu xidho, taas oo dhali karta gadood, ay kacdoon sameeyso, ummadan la yidhi car juuq dhaha, waxan doono baan samaynay-naaye, siddii uu Bowdo -Gab Xirsi uga lahaa Burco ” Cid Suurka Afuufi Kartaa Ma jirto” markii uu shibibka u hanja-baayey, taas oo cadayn u ah, waxa-yaabaha ay ku talo galeen duulka meesha ka botoriyaa.

Nasiib Darro!

Akhristaw, iyaba waa nasiib darro weyne, iyadda oo uu musharxii cayn-kaas u hadlaayo, mudane Jamaal Cali Xuseen, oo uu wax walba ka dhigay waadix, baa waxa xiniinyaha haya, Gudoomiyaha Xusbiga ( Ina Cali waraabe), oo toban wejiile ah, haddana intii hore-ba ilaawo, ah saaxiibka keli ah ee Bad-macaanshe,.

waxa qaran jab ku ah xusbiga, oo daqiiqad kaste wadaa Faysal Cali Waraabe, wax burburi-naaya Xusbiga, bal hadda u fiirso arimahan hoos ku qoran:-

(1) Halkii uu xaqa ku adimi lahaa ( weliba isaga oo ah Gudoomiye mucaarid ah), dab ka shidi lahaa, baa isla markii dagaalku bilaabmay, madaxtoo-yadu ay dabadda ka riixaysay, ee uu indho li’i, dhego li’i, baashe ku bilaabay wixii aad wadda arkay-seen, waa wax laga yaq-yaq-soodo’e, faysal looga yeedhay madax-tooyadda, oo meel aan wakhtiba jirin ( With in no time) uu daf yidhi, iyadda ood dadkii kale-ba, xataa wasiiradiisu aanay yaalaa arkin madax-weynaha, calaa-shaan bukaanka uu yahay, ee gacan-qabadka lagaga saxeexo, Warqad iyo Makarafoona loo dhiibo Af-hayeenka Saacadaha Ufta ( Waa dhuxule) oo la yidhaaho ku dhawaaq, isna uu la butaaco hadaaq.

(2) Faysal soo qaaday, waxoo-gaaggii loogu yeedhay ee laaluushka ahaa, halkii ay ummadu afka gacanta saartay, ee argagax iyo la yaabka ku noqotay, in si badheedh ah loo inqilaabo Gudoomiyaha Golaha wakiiladda, ilayn isaga jeebka baa u darane.

(3) Wuxu ku hadlay baa ka sii darane, miyaad aragteen, ninkii faysal ahaa, halkii laga filaayey, in uu xaqa u hiiliyo, oo denbiga saaro cidda leh, buu af-buuxa ku yidhi ” Ha is casileen” Labaduba, isaga oo aan gar qaadin-ba, ilayn waa laba af-waajiileeyey dibna uma soo hadal qaadin, marka madaxtoo-yadda dhawr cisho looga yeedhi waayo-na, waa ka fataha ee kolba dhan u carara, markaa anigu sorry baan u ahay Aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen.

(4) Waxa yaab leh, markii war-baahintu wareysatay, wuxuu ku hadlayee uu yidhi sidatan:-

Madax-weynuha waxan ugu tegay Xafiis-kiisa ( Ilayn isaga lagama celiyo oo sacabka baa wax loo saaraa) waana lagu yaqaan cayn-kaas oo maaha ceebtii ee waa caada-diiye, wixii uu war-baahinta u sheegay, waxay noqotay:-

(5) Madax-weynaha waan is aragnay, waan la taliyey, 7 waraaqood baan hor dhigay, wuu akhriyey, madaxa buu u ruxay, oo waan is fahanay ( cajiib), ogaw oo ninka cayn-kaas u hadlayaa, waa gudoomiye Mucaarid, ee ma looga fadhiyey, halkii uu ummadda kala baroor-diiqi lahaa, waa ka halkaa ka baxay, waxan hubaa, oo aan shaki igaga jirin, in uu ka biyey-naayo, ciid-na kaga shubaayo musharaxa, oo uu is leeyahay, adigu weydaye laba goore, kana la sii hadh. waase u nacsnimo iyo dadnimo xumo, sidda uu u fekerayaa, ee yaa qabta horta, ilayn wuu sabaynayaa, oo imika cadaysay in uu muxaafid yahaye.

* N.B Ma Og-tahay Aqoonta Amaah Lay-suma Siiyee!

Abdirahman Jama Ahmed,

Abdi-Shotaly.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here